UNTMIS
Hawlgalka Kalaguurka ee Kaalmaynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya

War-murtiyeed wadajir ah oo ay beesha caalamku ka soo saartay xaaladda siyaasadeed ee Soomaaliya

Joint press statement Som
UNTMIS

Saxiixayaasha* war-murtiyeedkan wadajirka ah waxay walaac ka muujinayaan xaaladda hadda ka taagan Soomaaliya.

Waxaan dhammaan dhinacyada ugu baaqeynaa inay dib u bilaabaan wadahadalka sida ugu suurtagalsan, ayna si degdeg ah isfaham uga gaaraan tubta doorashada, iyadoo la eegayo danta shacabka Soomaaliyeed. Beesha caalamku waxay diyaar u tahay inay gacan ka geysato wadahadallada ay Soomaalidu hoggaaminayso, haddii la weydiisto.

Xilligan xasaasiga ah, waxaan dhammaan madaxda Soomaaliyeed ku dhiirigelineynaa inay mudnaanta siiyaan danta qaranka, ayna ka fogaadaan wax kasta oo keeni kara in xaaladdu sii xumaato.

 

*Austria, Belgium, Boqortooyada Ingiriiska, Faransiiska, Finland, Ireland, Jarmalka, Midowga Yurub, Netherlands, Norway, Poland, Portugal, Spain, Sweden, Switzerland, Talyaaniga, iyo UNTMIS.

 

Joint press statement
UN