Muqdisho – Iyadoo Muslimiintu u dabbaaldegayaan dhammaadka bisha barakaysan ee Ramadaan, ayaa Qaramada Midoobay ee Soomaaliya waxay si kal iyo laab ah hambalyo ugu diraysaa dhammaan dadka Soomaaliyeed, waxayna ugu hambalyaynaysaa munaasabadda Ciidul Fitriga.
“Anigoo ku hadlaya magaca guud ahaan bahda Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, waxaan idiin rajaynayaa Ciid farxad iyo nabad leh, waxaana idinla wadaagayaa dareenka dib-u-milicsiga, naxariista iyo is-kaalmaynta ee xilligan barakeysan,” ayuu yiri Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, James Swan.
“Ciidda barakaysan ha ahaato mid qoysaskiinna u horseedda farxad, isku-duubni iyo raynrayn,” ayuu sii raaciyay, “waxaana rajaynaynaa in dareenka Ciiddu uu xoojiyo nabadda iyo wadajirka dalka oo dhan – Ciid Mubarak! Ciid Wanaagsan!”





