UNTMIS
Hawlgalka Kalaguurka ee Kaalmaynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya

Qaramada Midoobay oo Soomaaliya ugu hambalyeynaysa sanadguurada 66-aad ee madaxbannaanida

Press Statement

Muqdisho – Iyadoo ay Soomaalidu isugu soo baxayaan dabaaldegga sannad-guurada 66-aad ee ka soo wareegtay madaxbannaanida dalkooda, ayaa Qaramada Midoobay waxay hambalyadeeda ugu diirran u diraysaa shacabka iyo dowladda Soomaaliya.

"Soomaaliya waxay dib u milicsan kartaa iyadoo ku faanaysa horumarka ay samaysay tan iyo 1960-kii, iyadoo muujinaysa adkeysi iyadoo la wajahayo caqabado iyo awoodda ay uga soo kabanayso dhibaatooyinka – taasoo aasaas muhiim ah u ah horumarinta nabadda, dib-u-heshiisiinta iyo horumarka wanaagga ee dadkoo dhan," ayuu yiri Madaxa Sii Hayaha ah ee Hawlgalka Kalaguurka ah ee Kaalmaynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNTMIS), ahna Ku Xigeenka Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Soomaaliya, Raisedon Zenenga.

“Anigoo ku hadlaya magaca bahda Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, waxaan ‘hambalyo’ kal iyo laab ah u dirayaa dhammaan Soomaalida, waxaanan mar kale xaqiijinayaa sida ay QM uga go’an tahay in ay Soomaaliya ku taageerto waddada ay hayso ee ay horay ugu socoto,” ayuu raaciyay.