Iyadoo la xusayo Maalinta Caalamiga ah ee Ciribtirka Xadgudubyada Galmada ee Colaadaha, Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa maanta ku baaqday in la ilaaliyo mustaqbalka haweenka iyo gabdhaha Soomaaliyeed, lana xoojiyo daryeelayaasha adeegyada muhiimka ah siiya kuwa ka badbaaday xadgudubyada galmada ee la xiriira colaadaha (CRSV).
Haweenka iyo gabdhaha Soomaaliya ayaa weli la kulmaya khatar baahsan, gaar ahaan meelaha ay colaaduhu saameeyeen iyo gobollada u nugul dhibaatooyinka cimilada la xiriira.
“Carruurtu sidoo kale kama baxsanayaan dembiilayaasha geysta xadgudubyada CRSV, soo kabsashadooda iyo helitaanka caddaaladda waxaa suurtageliyay ka go'naanta iyo dadaalka aan kala go’a lahayn ee kuwa safka hore kaga jira dadaallada jawaab celinta,” ayuu yiri Madaxa Hawlgalka Kalaguurka ee Kaalmaynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNTMIS), Raisedon Zenenga, oo muujiyay baahida degdegga ah ee loo qabo ilaalinta iyo isla xisaabtanka.
Mawduuca sanadkan ee ah "Rabshadaha Galmada ee Laxiriira Colaadaha ee Ka Dhanka ah Carruurta: Ilaalinta Mustaqbalka iyo Xoojinta Daryeel bixiyayaasha" wuxuu dareenka u jedinayaa saameynta weyn ee qotada dheer ee xadgudubka galmada ku yeelanayo carruurta. Wuxuu sidoo kale hoosta ka xariiqayaa in kuwa ka badbaaday kufsiga iyo noocyada kale ee xadgudubka galmada ay u baahan yihiin inay si sahlan ku helaan adeegyo taageero ah oo ka jawaabaya oo ku salaysan baahidooda.
"Waxaan qiraynaa dadaallada muuqda ee ay geystaan daryeelayaasha u adeega baahida badbaadayaasha, gaar ahaan carruurta iyo da’yarta. Si loo ilaaliyo mustaqbalkooda, waxaa muhiim ah in la xoojiyo daryeelayaasha door muhiim ah ka ciyaara caawinta carruurta si ay u bogsadaan, dib u dhisaan noloshooda, ayna dib u soo ceshadaan dareenka badqabnimada, sharafta iyo rajada," ayuu raaciyay Md. Zenenga.
Tan iyo 2015kii, Maalinta Caalamiga ah ee Ciribtirka Xadgudubyada Galmada ee Colaadaha ayaa la xusayay sanad walba 19ka bisha Juun. Taariikhdu waxaa lagu xusaa ansaxinta qaraarka Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay ee loogu aqoonsaday xadgudubyada galmada inay yihiin hub dagaal ayna khatar ku yihiin nabadda iyo amniga caalamiga ah.




