Kampala – Qofka naafada ah ee Soomaaliya ku nool, ma aha wax fudud in uu nolol maalmeedkiisu caadi u wato.
Laba nin oo dhallinyaro Soomaaliyeed ah ayaa arrintaasi xaqiijinaya – Cabdiraxmaan Maxamuud Kulane iyo Cabdulqaadir Maxamed Cabdulaahi. Labadan nin waxaa ay ka mid yihiin 360,000 qof oo Soomaali ah oo nooc naafonimo aragga ah qaba.
Iyadoo la eegayo waayo-aragnimadooda iyo waayo-aragnimada 2.5 milyan oo Soomaali ah oo la aaminsan yahay in ay naafonimo la nool yihiin, ayaa Md. Cabdiraxmaan iyo Md. Cabdulqaadir waxaa ka go'naa in ay ka hadlaan oo ay tallaabo qaadaan. Labada nin waxaa ay wadaagaan ballanqaad mustaqbalka fog ah oo ay kor ugu qaadayaan wacyiga dadka Soomaaliyeed ee ku saabsan xuquuqda shakhsiyaadka naafada ah.
Sanadkii 2020, labada nin waxay wada-aasaaseen Ururka Dhallinyarada Aragga Naafada ka ah ee Soomaaliyeed, ama loo yaqaanno UDHAN marka la soo gaabiyo.
Iyagoo ku socdey magaca UDHAN ayay waxay dhowaan booqasho ku tageen magaala-madaxda Uganda ee Kampala, halkaasi oo ay ku soo qaateen tababbar soconayey muddo shan maalmood ah oo ku saabsanaa soosaaridda Farta Braille iyo u dhamaanshaha tiknoolajiyadda Dhijitaalka ah – oo ahaa wax aan suuragal ahayn in laga helo Soomaaliya – waxaa ayna ku soo qaateen Kulliyadda Baahiyaha Gaarka ah iyo Baxnaaninta ee Jaamacadda Kyambogo (Kyambogo University’s Faculty of Special Needs and Rehabilitation).
*****
Axad – Ka-dhoofidda Muqdisho
7:30 a.m.– Md. Abdiraxmaan iyo Md. Cabdulqaadir oo ay weheliso gabar kala shaqeysa UDHAN ahna kaaliye u heellan, Xamdi Maxamed Cusmaan ayaa waxaa ay tageen Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah ee Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho waqti hore si ay u galaan una sugaan duullimaadkooda. Ma aha markii ugu horreysay oo uu midkoodu duullo, laakiin weli waa wax lagu farxo oo ka duwan sida uu ku bilowdo toddobaad shaqo.
Kani waa safarkoodii ugu horreeyay ee ay dibedda ugu ambaxaan barnaamij tababbar gaar ah.
“Waxaan haysanaa qalab iyo agab gaar ah, sida makiinadaha, kuwaas oo aanan horey ugu helin tababbar ku filan,” ayuu yiri Mudane Cabdulqaadir. “Tababbarkan waa inoo muhiim sababta oo ah wuxuu buuxinayaa waxyaabihii naga dhimanaa. Waxaan filaynaa in aan barano aqoon iyo xirfado dheeraad ah waxaanna qorsheynaynaa in aan wixii aan baraney u adeegsanno in aan markaan Soomaaliya ku noqono ugu faa'iideyno dadkeenna.”
Halkan waxaa ka muuqda, Md. Abdiraxmaan iyo Md. Cabdulqaadir iyo Marwo Xamdi (laga bilaabo bidix) oo ku sii socda diyaaraddooda oo taagan garoonka magaalada Muqdisho.

10:30 a.m. – Ka-dib wax u ekaa sugitaan aan dhammaan, ayaa kooxda UDHAN waxaa ugu dambeyntii u suuragalay in ay fuulaan diyaaraddooda, iyagoo ku baxay duullimaad qaadanaya 2.5-saac min Muqdisho ilaa Kampala.
Markay dul marayeen muuqaal dhuleedka Kenya, Md. Cabdulqaadir waxaa uu dareemay dareen isugu jira farxad iyo mas'uuliyad.
“Inkastoo aan arki karin muuqaal dhuleedka hoose, haddana waxaan qiyaasayaa dhulka ballaaran ee naga hooseeya oo astaan u ah masaafadda ay tahay in aad soconno si aan uga dhabeyno xuquuqaha naafada ee Soomaaliya,” ayuu yiri.
Halkan waxaa ka muuqda, muuqaalka magaalada Kampala marka laga soo eego Diyaaradda Uganda Airlines ee ay kooxdu ku duullayaan.

1:30 p.m.– Markay caga dhigteen Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah ee Entebbe International Airport ee Uganda, oo ku yaalla dhulka xadka la leh harada quruxda badan leh ee Victoria, ayaa kooxda UDHAN waxaa laga soo fasaxay miisaska kastamka waxayna boorsooyinkooda ku qaateen saacad gudaheeda waxayna isla-markiiba bilaabeen safarkooda taksigii ee qaadanaya ilaa 40-daqiiqo oo ay ku tagayeen hoteelkooda ku yaalla Kampala.
Waxaa ay ku hanweyn yihiin in ay ka guuleystaan waqtiga rawaxaadda ee galabtii, waxaanna ka muuqda farxad iyo firfircooni, laakiinse waxay sidoo kale ku hanweyn yihiin in ay si fiican u nastaan ka hor maalinta koowaad ee tababbarkooda oo berito ku beeggan.
“Waxaan dareemaa firfircoonida ka muuqata codadka igu hareersan, ruuxeennu aadbuu u sarreeyaa, waxaanna rajo wanaagsan ku sugeynaa in aan fasalka galno,” ayuu yiri Md. Cabdiraxmaan markii ay hoteelkoodu galayeen.
Halkan waxaa ka muuqda, kooxda UDHAN oo xagga dambe ka saaran Taksi iyagoo jooga Kampala.

Isniin – Maalinta Koowaad
8:30 subaxnimo (a.m.) – Bisha Agoosto caadi ahaan waa bil cimilo-gooreedda Uganda ay tahay qalleyl, laakiin waxaa cad oo la arki karaa in bilowga xilli roobaadka aanu sidaa u fogeyn. Inkastoo ay tahay subax uu cirku leeyahay daruuro isku xiran, haddana xamaasadda kooxda UDHAN waa mid aan sinna u yaraaneyn. Xubnaha kooxda ayaa macallinkooda, Kyebagadha Binasali, kula kulmaya albaabka jaamacadda Kyambogo University taas oo ah wax wanaagsan iyagoo maalintooda goor hore ay bilaabayaan.
Jaamacadda waa mid ka mid ah jaamacadaha dowladda ee ugu waaweyn Uganda, Kuliyadeeda Baahiyaha Gaarka ah iyo Baxnaaninta waa machadka ugu da’ weyn ee hoggaaminaya macaahidda noociisa oo kale ah ee Uganda. Waxaa uu soo-jiitey ardey ka socota dalka gudahiisa iyo gobolka.
“Tallaabo kastoo halkan lagu qaado waa horumar. Ma ahan oo kaliya wax ku saabsan barashada farta Braille – waxaa ay ku saabsan tahay ka gudubka caqabadaha muddo dheer dib u dhigay bulshadeenna. Waxaan ognahay in aan joogno goob waxbarasho, taasina waan ku faraxsanahay,” ayuu yiri Md.Cabdulqaadir.
Halkan waxaa ka muuqda, kooxda UDHAN iyo wakiillada Jaamacadda Kyambogo oo ku sugan albaabka jaamacadda.

9:00 a.m. – After the introductions are over, the UDHAN group is escorted by Mr. Binasali to the visual training centre. The 36-9:00 a.m. – Ka-dib markii ay isbarashu dhammaatey, kooxda UDHAN waxaa xarunta tababbarka aragga u kaxeeyey Md. Binasali. Md. Binasali oo 36-sano jir ah waa tababbare khibrad u leh dadka aragga naafada ka ah, maadaama uu la soo shaqeeyay in ka badan 670 ardey sanadihii ugu dambeeyay. Waxaa uu kooxdu ku hagey qol ay ka buuxaan aaladaha qoraalka u roga farta Braille (Braille embossers), bandhigyada metelaadda dareenka la taabtaabto leh iyo qalabka akhriya shaashadda dhijitaalka ah.
“Iyadoo la hirgelinayo siyaasado si dhab ah u soo dhoweynaya ka-qaybgelinta dadka aragga naafada ka ah, iyo iyadoo la in xirfadahan loo adeegsado in la bixiyo soo dhoweyn macquulka ah, waxaan ka guuri karnaa habka aan firfircoonayn annaga oo u guureyna mid firfircoon,” ayuu Md. Binasali u sheegay Soomaalidan soo booqatey.
Halkan waxaa ka muuqda, Md. Binasali oo kooxda UDHAN u galbinaya fasalkood shanta maalmood ee soo socda.

11:30 subaxnimo (a.m.) – Subaxdii ugu horreysay waxaa ay dhammaatey iyada oo aan wax kala caddeyn. Ka-dib casharki hordhaca ahaa ee ku saabsanaa farta Braille iyo erey-bixinta naafada aragga, kooxda UDHAN waxay helaysaa fursaddii ugu horreysay oo ay si dhaqso ah isugu dayeyso makiinadaha iyo qalabka kala duwan – kuwaas oo qaarkood ay Md. Cabdiraxman iyo Md. Cabdulqaadir maqleen laakiin aysan weligood isku-dayin taas oo ay sabab u ahayd in aysan tababbarkoodu qaadan ama aan Soomaaliya laga helin.
“Waxaan ugu dambeyntii taaban karnaa qalab aan kaliya horey u maqalney. Waa wax awoodsiin leh in aan dareemo dhibcaha xarfaha ku noqonaya foodda hore ee faraheyga hoostooda – waa sida in duni war-isgaarsiin ay furmayso oo kale,” ayuu yiri Md. Cabdulqaadir.
Halkan waxaa ka muuqda, Md. Binasali oo Md. Cabdulqaadir tusinaya sida loo adeegsado aaladaha qoraalka u roga farta Braille.

4:00 galabnimo (p.m.) – Laakiin waayo-aragnimada hore ee maalinta koowaad ee tiknoolajiyadda waa un hordhac – kooxda UDHAN waa in ay fahamto aragtida, taariikhda iyo isticmaalka ka hor inta aysan u gudbin tababbarka qacan-ka-qabashada ah ee soosaaridda farta Braille.
Fartan oo loogu magacdarey qofkii soosaarey, Braille waa metelaad dareen la taabtaabto leh ee calaamadaha alifbeetada iyo tirooyinka iyadoo la adeegsanayo lix dhibcood oo metelaya xaraf iyo lambar kasta. Waxaa adeegsan kara dadka indhoolaha ah ama araggoodu hooseeya si ay u akhriyaan buugaagta iyo daabacaadaha si la mid ah sida kuwo lagu daabaco farta muuqaalka ah.
Kooxda UDHAN waxay maalintaa inteeda kale ku dhameysteen fasalka, laakiin cabashooyin ma jirin.
“Ka-dib maalin safar iyo nasasho ah, waxaan bilownay maalinteenna koowaad ee tababbarka oo aad ayaan ugu faraxsanahay. Waxaan wax ka baraney taariikhda ay leedahay farta Braille, halka ay ka timid, qofka soosaarey, cidda aqoonsatey iyo hay'addii ugu horreysay ee aqoonsatey,” ayuu yiri Md. Cabdulqaadir oo 32-sano jir ah. “Ereyada loo adeegsado dadka indhoolaha ah, aragga hooseeya waxaa loo yaqaannaa ‘qayb ahaan wax arka'’ iyadoo indho la'aanta guudna loo yaqaanno ‘sharci la'aan indhoole ah’ – ereyadan waxay ahaayeen wax nagu cusub.”
Halkan waxaa ka muuqda, Md. Binasali oo kooxda waxbaraya.

Talaado – Maalinta Labaad
9:15 subaxnimo (a.m.) – Si ka duwan maalintoodii koowaad ee tababbarka, maalinta labaad Md. Binasali wuxuu diiradda saarey dhinaca gacan-ka-qabashada ah ee soosaaridda farta Braille. Wuxuu u-dhaqdhaqaaqayaashan dhallinyarada Soomaaliyeed ah barey/u soo bandhigey qalabka kala duwan ee loo adeegsado soosaaridda farta Braille.
“Intii aan halkan joogney, waxaan baraney dhinacyada kala duwan ee tiknoolajiyadda loogu talagalay dadka aragga naafada ka ah. Waxaan baraney noocyada kala duwan ee warqadaha loo adeegsado makiinnadaha dad gacan ka siiya akhriska iyo qoraalka ee loogu talagalay kuwa aragga naafada ka ah, oo ay ku jiraan kuwa la xiriira shaqooyinka sida sii wadidda iyo jarista xaashida. Waxaan sidoo kale aqoon u yeelanay makiinnadaha kala duwan, sida makiinadaha soo bandhiga farta Braille ee loo yaqaanno MVD D5, D3, iyo awoodahooda daabicidda. Waxaa intaa dheer, in nala barey qalabka qoraalka iyo sawirka caadiga ah u roga farta Braille, kuwaas oo fududeeya akhriska sahlan,” ayuu yiri Md. Cabdulqaadir.
Halkan waxaa ka muuqda, Md. Binasali oo ku hagaya Md. Cabdulqaadir (fadhiya) isticmaalka ablikeeshanka soosaaridda farta Braille.

1:30 duhurnimo (p.m.) – Kulliyadda Baahiyaha Gaarka ah iyo Baxnaaninta ee Jaamacadda Kyambogo (Kyambogo University’s School of Special Needs and Rehabilitation) waa machadkii ugu horreeyay ee leh khubbaro si xeeldheer ugu tababbaran naafonimada aragga tan iyo 1988.
Sida laga soo xigtay mareegtadooda, kuliyadda waa machadka ugu sarreeya ka-qaybgelinta naafada ee Uganda. Waxaa uu ku bilowday Machadka Waxbarashada Macallimiinta ee Kyambogo wuxuunna u gudbay Machadka Qaran ee Waxbarashada Gaarka ah ee Uganda sanadkii 1996. Hawlahiisa waxaa ka mid ah hawlgelinta xarumaha gaarka ah ee fududeeya barashada gacan-ka-qabasho ah, soosaaridda aaladaha gacansiinta ee xaaladda la waafajiyay oo loogu talagalay dadka siyaabaha kala duwan naafada u ah iyo sii ballaarinta daraaseynta iyo adeegyada waxqabadka hore ee la gaarsiiyo bulshada.
Kooxda UDHAN waxay si buuxda ula socotaa khibradda jaamacadda, waxayna dooneysaa in ay aqoon ka barato ama ka qaadato intii suuragal ah.
“Waxyaabaha ugu muhiimsan ee aan maanta iyo shaley bartey: waxaan wax ka baraney makiinadaha aad halkan ka arki karto, oo muhiim noo ahaa. Waxaan aad u xiisaynayaa in aan wax ka barto iyo in aan aqoonta u sii gudbiyo dhallinyarada dalkeenna kuwaas dhab ahaan u baahan,” ayuu yiri Md. Cabdulqaadir markii uu casharka dhammaadey.
Halkan waxaa ka muuqda, Md. Cabdiraxmaan oo lagu hagayo sida loo adeegsado shaashad akhriyaha Braille.

3:30 galabnimo (p.m.) – Ka-dib tababbar maalin dhan socdey oo ku saabsanaa tiknoolajiyadda Braille, ayaa kooxda UDHAN waxay diyaar u tahay in ay soo gebaggebayso oo ay xoogaa nasasho ah hesho, in kastoo ay hayso xamaasad aan yareyn.
“Maanta waxaan adeegsanay makiinado kala duwan oo loogu talagalay dadka aragga naafada ka ah. Saddexda maalmood ee soo socdana waxaan filaynaa in aan xirfado badan barano, oo ka badan wixii aan maanta iyo shaley baraney!” Ayuu yiri Md. Cabdulqaadir. “Cashar kastoo cusub wuxuu inoo dhoweynayaa awood-siinta bulshadeenna.”
Halkan waxaa ka muuqda, Md. Cabdiraxmaan oo markii ugu horreysay tijaabinaya laba muraayadood oo loogu talogaley dad araggoodu-hooseeyo.

Arbaco – Maalinta Saddexaad
9:15 a.m. – Barashada waxaa laga helaa fursado la tacaamul dadka iyo macluumaad isdhaafsi, oo tani ayaa sidoo kale qayb ka ahayd barnaamijka kooxda UDHAN ee toddobaadka: in ay xiriir la yeelshaan ardeyda aragga naafada ka ah ee dalka Uganda.
“La kulanka dadka kale ee la soo kulmay caqabado la mid ah kuweenna ayaa kalsooni ina siineysa. Waxay i tusinaysaa in horumarku uu suuragal yahay haddii aan wada-shaqeyno – waxaa laga yaabaa in aanan is-arkin laakiin si qoto-dheer ayaan isu isu fahmeynaa,” ayuu yiri Md. Cabdiraxmaan.
Halkan waxaa ka muuqda, labada kooxood oo wada-hadlaya oo isbarbardhigaya waayo-aragnimada dalalkooda ee la xiriirra dadka naafada ah, iyo taageerada bulshada iyo qaab-dhismeedyada si ay nolol buuxda u wataan.

4:00 galabnimo (p.m.) – Fursadda ay u helaan in ay dhageystaan dadka kale ee waayo-aragnimada la midka ah ku soo marey xaalado kala duwan ayaa faa'iido badan u leh kooxda UDHAN.
“Waxaa noo yimid dad badan oo na soo booqdey oo daneynaya in ay nala yeeshaan wada-sheekaysi macno ku fadhiya, raadinaya fursado wada-shaqeyn, iyo in ay xiriir nala yeeshaan,” ayay tiri Marwo Xamdi.
Halkan waxaa ka muuqda, Md. Cabdiraxmaan iyo Md. Caldulqaadir oo macasalaameynaya mid ka mid ah dhiggooda Yugaandheeska ah dhammaadka maalintii ay wada-qaateen.

Khamiis – Maalinta Afaraad
10:00 subaxnimo (a.m.) – Isticmaalka farta Braille waa un hal dhinac oo ka mid ah nolosha dadka aragga naafada ka ah – waxaa sidoo kale jira tiknoolajiyad kale oo badan iyo horumaro kaa caawinaya nolol maalmeedkooda.
Isagoo oo taas ogsoon, ayuu Md. Binasali wuxuu soo qabanqaabiyay in kooxda UDHAN ay la kulanto urur bulshada rayidka ee degaanka ka jira oo bixiya qalab gaar ah iyo tas-hiilaad loogu talagalay dadka naafada ah.
Qalabka gaarka ah wuxuu door muhiim ah ka ciyaaraa dhiirrigelinta isku-xirnaanta kooxaha nugul, iyo, dadka aragga naafada ka ah, tani waxay ka dhigan tahay in agabka waxqabadyada xilliyada firaaqada sida ciyaaraha boodhka, akhriska, dhageysiga, iyo dhaqaaqa jireed sida isboortiga ayaa loo baahan yahay in wax laga beddelo iyada oo badeecooyinka gaarka ah sida kaararka farta Braille, kubadaha hadla, iyo agabka kale ee loogu talagalay sii wanaajinta barashada.
“Waxaan rajeynaynaa in qalab la mid ah kuwan aan dib ugula noqon doonno Soomaaliya, si aan u xaqiijinno fursado badan oo loo dhan yahay in ay helaan bulshadeenna aragga naafada ka ah,” ayuu yiri Md. Cabdulqaadir.
Halkan waxaa ka muuqda, kooxda UDHAN oo la tacaamulaysa wakiillada ka socda kooxda bulshada rayidka ee degaanka.

Jimco – Maalinta Shannaad
9:30 a.m. – Md. Binasali wuxuu si adag u aaminsan yahay oraahdan “lShaqo aan waqti nasasho lahayn waa lagu caajisaa/all work and no play makes Jack a dull boy” wuxuunna qabanqaabiyay in kooxda UDHAN ay ka qaybgasho munaasabad ciyaareed gaar ah maalinta ugu dambeysa ee ay fasalku lahaayeen: ciyaarta kubadda shanqarta ee goalball-ka.
Nooc ciyaarta kubadda cagta ee caadiga ah oo gaar ahaan loogu talagalay dadka aragga naafada ka ah, ciyaarta kubadda shanqarta ee goalball-ka waa isboorti kooxeed oo ay ka-qaybgalayaashu ku tartamaan kubad loo tuurayo dhanka kooxda ka soo horjeedda oo shabaqooda la gaarsiinayo si dhibco ay ugu helaan. Kubadda waxaa ay bixinaysaa dhawaaq shanqar leh oo hagaya ciyaartoyda.
Dabcan, waa ciyaar saaxiibtanimo, laakiin, iyagoo caawimaad ka helaya saaxiibadooda aragga naafada ka ah, ayaa Md. Cabdiraxmaan iyo Md. Cabdulqaadir waxaa ka go'naa in ay Soomaaliya ay guul u soo hooyaan.
“Riyadeennu waa in aan maalin un ka qaybgalno tartanka ciyaaraha olembikada naafada (Paralympics), annaga oo Soomaaliya ku metelayna saaxadda caalamka. Waxaan dooneynaa in aan adduunka tusino in naafanimadu aysan caqabad ku ahayn ku-taagnaanta riyooyinkaaga,” ayuu yiri Md. Cabdiraxmaan.
Labada nin ee u-dhaqdhaqaaqayaasha ah ee booqashada Uganda ku jooga ma noqon karin kooxda shanta-qof ka kooban oo dhinaciiba laga rabo. Nasiib-wanaagse, bulshada Soomaaliyeed ee ku nool magaalada Kampala waxaa ka mid ahaa qaraabo iyo saaxiibo, labada nin waxay awoodeen in ay la yimaadaan saddex qof kale oo ay isku koox noqonayaan.
Halkan waxaa ka muuqda, ciyaartoyda kooxda Soomaaliya oo xiranaysa lebiska rasmiga ah ee kooxda kahor inta aysan ciyaarta bilaaban.

10:15 subaxnimo (a.m.) – Wakiillada UDHAN waa kuwo saaxiibtanimo ku muujiyo fasalka dhexdiisa, laakiin waa kuwo aad ugu tartama garoonka.
Halkan waxaa ka muuqda, Md. Cabdiraxmaan oo ciyaartoyda iyo daawadayaasha u sheegaya saadaashiisa: “Maanta waan guuleysan doonnaa.”

11:30 a.m. – Ciyaartan 40ka daqiiqo-soconaysa waa mid leh qaylo iyo sawaxan oo degdeg ah, ciyaartana waa mid madadaallo leh oo lagu tartamo. Laakiin kooxda degaanka ayaa ku guulaysatay 3-2.
Kooxda UDHAN ayaa rajo ka muuqatay in kastoo laga guulaystay.
“Ciyaarta waxay ahayd mid farxad leh in kastoo kooxdeenna laga guulaystay – laakiin ujeeddada ugu weyn ee ciyaarta waxay ahayd in la kobciyo isdhexgalka,” ayuu yiri Md. Cabdiraxmaan.
Halkan waxaa ka muuqda, Md. Cabdulqaadir oo ciyaaraya.

3:30 galabnimo (p.m.) – Maalintii ugu dambeysay ee barnaamijkii rasmiga ahaa ayaa hadda dhammaatay, kooxda UDHAN ayaa doonaysay in waqtiga u harsan ay u adeegsato sahaminta magaalada Kampala ka hor inta aaney dalka ku soo noqon. Toddobaadka wuxuu ahaa mid adag laakiin madadaallo leh, xubnaha kooxdana waxaa ay doonayaan in ay horey u sii qaadaan tallaabada xigta.
“Run ahaantii, waxaan aad ugu faraxsanahay in aan soo booqdo magaalada Kampala iyo jaamacadda Kyambogo University si aan ugu qaybgalo tababbarkan muhiimka ah, kaas oo diiradda lagu saarey isticmaalka iyo barashada makiinnada ah loogu talagalay dadka aragga naafada ka ah – dalkeenna, dadka aqoon uma lahan sida loo adeegsado makiinadahan,” ayuu yiri Md. Cabdiraxmaan.
Halkan waxaa ka muuqda, kooxda UDHAN oo ku tamashlayneysa wadda ku taalla magaalada Kampala.

Sabti – Duullimaadkii noqoshada
3:50 subaxnimada (a.m.) – Waa habeen ay hurdo fudud seexan doonaan kooxda UDHAN maadaama ay ku ballansan yihiin duullimaad aroortii hore baxaya oo ay dalka dib ugu noqonayaan. Waxaa ay ogsoon yihiin in ay dib ugu noqonayaan magaalada Muqdisho iyagoo isbeddel ka muuqdo.
“Waxaa laga yaabaa in aan ka tageyno magaalada Kampala, laakiin aqoonta aan kororsaney waa un bilowga bog cusub oo u bilowday bulshada aragga naafada ka ah ee Soomaaliya,” ayuu yiri Md. Cabdiraxmaan.
Halkan waxaa ka muuqda, kooxda UDHAN oo fuulaya duulimaadkoodii Muqdisho.

9:30 a.m. – Kooxda UDHAN ayaa soo gaarey magaalada Muqdisho. Laakiin in kastoo ay kooxdu ku qasbanaatey in ay goor hore soo toosaan, waxaa ay ku faraxsan yihiin in ay dalkooda dib ugu soo noqdaan,
“Waxaan dalka ku soo noqonay annaga oo sidii hore ka duwan sababtoo ah aqoon oo kaliya lama soo noqon, laakiin waxaan kaloo la soo noqonay xiriirro cusub oo naga caawinaya in aan sare u qaadno shaqada aan Soomaaliya ka qabano,” ayuu yiri Md. Cabdulqaadir.
Halkan waxaa ka muuqda, Md. Cabdulqaadir iyo Marwo Xamdi oo la hadlaya qof u adeega rakaabka diyaaradda saaran.

Axad– Shaqo ku noqosho
12:00 p.m. – Kooxda UDHAN wax waqti ah iskama lumin – maalintii xigtay maalinta ay dib ugu noqdeen caasimada waxay ahayd bilowga toddobaadka shaqo ee Soomaaliya. Xubnaha kooxda waxay shaqada ku noqdeen iyagoo nasasho iyo firfircooni ka muuqato, oo diyaar u ah in ay waxa ay barteen ku adeegsadaan xafiiskooda ku yaalla bartamaha magaalada Muqdisho.
UDHAN waxay horey u haysatey laba makiinadood oo farta Braille oo casri ah. Maaddaama aasaasayaasha ururka ay soo qaateen tababbar ku saabsan adeegsiga makiinadaha waxaa ay qorsheynayaan in ay ballaariyaan adeegsiga oo ay bixiyaan aqoon-isweydaarsiyo dadka dalka ee aragga naafada ka ah lagu barayo adeegsiga makiinadda.
Halkan waxaa ka muuqda, xubnaha kooxda UDHAN oo adeegsanaya xirfadahooda cusub oo ay soo barteen.

3:30 p.m. – Safarkii kooxda UDHAN ay ku tageen magaalada Kampala wuxuu ahaa mid waxbarasho, xiriir iyo koboc. Waxay soo noqdeen iyagoo og fursadda ay heleen iyo mas'uuliyadda ka dhalaneysa.
“Waayo-aragnimada waxaa ay albaabo u furtay oo ay dhistay buundooyin isku-xira Soomaaliya iyo adduunka, oo inoo oggolaanaya in aan wax ka baranno oo aan horseedno isbeddelka dhabta ah ee bulshooyinkeenna. Waa tallaabo muhiim ah oo loo qaaday Soomaali loo wada dhan yahay,” ayay tiri Marwo Xamdi.
Waa fikir ay wadaagaan Qaramada Midoobey iyo Barnaamijkeeda Wadajirka ah ee Xuquuqaha Aadanaha, kaas oo taageeray booqashada kooxda UDHAN.
“Faquuqa bulsho ee la xiriira naafonimada waa mid ka mid ah caqabadaha ugu adag ee hortaagan u doodista xuquuqaha naafada. Dadaalka noocan ah wuxuu isku-dayayaa in uu arrintan wax ugu qabto awoodsiin, ku dhiirrigelinta dadka in ay camal wanaagsan sameeyaan iyo xiriir laga dhex sameeyo dadka iyo kooxaha,” ayuu yiri Madaxa Kooxda Ilaalinta Xuquuqaha Aadanaha ee Hawlgalka Kaalmaynta Ku-meel-gaarka ah ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNTMIS), Kirsten Young, oo sidoo kale ah wakiilka Soomaaliya ee Xafiiska Xuquuqda Aadanaha Qaramada Midoobay (OHCHR).
Barnaamijka Wadajirka ah, ee ay hirgelinayaan Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Qaramada Midoobey, ayaa hiigsanaya in uu xuquuqaha aadanaha dhexgeliyo hanaannada qaranka iyadoo la adeegsanayo sii wanaajinta kartida iyo adeeg-bixinta wasaaradaha muhiimka ah ee Soomaaliya, hay'adaha iyo hababka ku saabsan ilaalinta xuquuqda aadanaha iyo isla-xisaabtanka, iyo in bulshada rayidka Soomaaliya loo suurageliyo in ay fahamto oo ay adeegsato hay'adaha cadaaladda iyo amniga ku saleysan xuquuqda aadanaha.






