UNTMIS
Hawlgalka Kalaguurka ee Kaalmaynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya

Maalinta Caalamiga ah ee Haweenka awgeed, Qaramada Midoobay waxay ku boorrinaysaa hay’adaha dowladda Soomaaliya in ay meesha ka saaraan caqabadaha sharciyeed ee horseedaya sinnaan la’aanta jinsiga

Press Statement

Muqdisho – Munaasabadda Maalinta Caalamiga ah ee Haweenka awgeed, Qaramada Midoobay waxay ugu baaqaysaa Dowladda Federaalka Soomaaliya in ay dardargeliso dadaallada lagu baabi’inayo caqabadaha sharci iyo kuwa maamul ee weli horseedaya sinnaan la’aanta jinsiga, isla markaana ay qaaddo tallaabooyin wax ku ool ah oo lagusoo afjarayo dhaqamada waxyeellada leh.

“Haweenka iyo gabdhaha Soomaaliyeed waxay gacan weyn ka geystaan horumarka Soomaaliya, laakiin wali waxay wajahayaan caqabado maamul oo la xiriira sinnaan la’aanta, sida helitaanka ilaalin sharciyeed, ka-qaybgalka arrimaha dhaqaalaha, iyo ka-qaybgelinta arrimaha siyaasadda iyo nabadaynta,” ayuu yiri Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha-Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, James Swan.

“Soomaaliya waa inay xaqiijisaa in haweenka iyo gabdhaha aan laga tegin oo aan laga gudbin,” isagoo hadalkiisa sii wata. “Sidaas awgeed, waxaa lama huraan ah in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay qaaddo tallaabooyin muuqda oo lagu dardargelinayo sinnaanta jinsiga, iyadoo meesha laga saarayo caqabadaha maamul, lana baabi’inayo sharciyada ku dhisan takoorka, isla markaana la xaqiijinayo in haween kasta iyo gabar kasta oo Soomaaliyeed ay si siman [oo lamid ah bulshada inteeda kale] u hesho caddaalad, waxbarasho, iyo fursado dhaqaale. Munaasabaddan waxay Soomaaliya u tahay fursad ay ku xoojiso badbaadinta, kuna joojiso xadgudubyada ku saleysan jinsiga, isla markaana ay ku ballaariso fursadaha loo siman yahay, kuwaas oo dhammaantood muhiim u ah xaqiijinta horumar waara,” ayuu raaciyay Md. Swan.

Halkudhegga xuska sandkan ee Maalinta Caalamiga ah ee Haweenka waa “Xuquuq. Caddaalad. Waxqabad. ay helaan DHAMAAN Haweenka iyo Gabdhaha,” waxaana looga gol-leeyahay in lagu muujiyo baahida loo qabo wax ka-qabashada sharciyada takoorka xambaarsan iyo in la daariyo farqiga sharci (legal gaps) ee u dhexeeya ragga, haweenka, wiilasha iyo gabdhaha.

Halkudhegga sanadkan wuxuu bidhaaminayaa in haddii aan la helin nidaamyo caddaaladeed oo u adeega haweenka, in xuquuqdu ay sii ahaanayaan ballanqaadyo aan marnaba miro dhalin. Wuxuu sidoo kale hoosta ka xarriiqayaa in haddii lagusii socdo heerka xawaaraha horumarka ee hadda jira, ay qaadan doonto 286 sanadood si loo daboolo farqiga ka dhexjira ilaalinta sharciga ee haweenka adduunka oo dhan.

Maalinta caalamiga ah ee Haweenka ayaa laga xusayay daafaha dunida tan iyo sanadkii 1975-kii markaas oo Qaramada Midoobay ay billowday u-dabaaldegigga guulaha bulsho, dhaqaale, dhaqan iyo siyaasadeed ee haweenka, isla markaana ku baaqdo tallaabooyin lagu dardargelinayo sinnaanta jinsiga.