UNTMIS
Hawlgalka Kalaguurka ee Kaalmaynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya

Booqashadeedii ugu dambeysey, ayaa Khabiirka Madax-bannaan waxaa ay Dowladda Soomaaliya ku dhiirrigelisey in ay “ka-faa’ideysato fursadda jirta” ee la halmaasha xuquuqda aadanaha

m

Muqdisho – Iyada oo ku guda jirta booqashadeedii ugu dambeysey, ayaa Khabiirka Madaxa Bannaan ee Xaaladda Xuquuqda Aadanaha ee Soomaaliya waxaa ay maanta maamullada Soomaaliyeed ugu baaqdey in ay xoojiyaan dadaalladooda ku aaddan arrimo kala duwan oo la xiriira xuquuqda aadanaha si ay uga shaqeeyaan wanaagga guud ahaan dadka Soomaaliyeed.

“Inta aan ka fekeryso xaaladda kalaguurka ee QM iyo Midowga Afrika ee Soomaaliya, waxaan ugu baaqayaa dowladda Soomaaliya in ay ka-faa’iideysato fursaddan oo ay dardargeliso hawsheeda ku aaddan geeddi-socodka dib-u-eegista dastuurka iyo ansaxintiisa, iyada oo dejineysa shuruuc guud iyo hay’adaha loo baahan yahay si wixii hadda ka dambeeya loo xaqoojiyo xuquuqda dhammaan Soomaalida,” ayaa ay tiri Khabiirka Madaxa Bannaan, Isha Dyfan.

“Isla waqtigaa, in ay xoojiso siyaasaddeeda iyo hay’adaheeda si qaab ku habboon ay wax uga qabato xaqiiqooyinkeeda amni, siyaasadeed iyo bani’aadamnimo ee jilicsan,” ayaa ay hadalkeeda ku dartey. “Intaa waxaa dheer, waxaa muhiim ah wax-ka-qabashada raadadka xun ee is-beddelka cimilada iyo dhibaatooyinka maaliyadeed ee haysta dadweynaha – gaar ahaan ka haysta hubinta helitaanka adeegyada bulsho ee aasaasiga ah sida biyaha, cuntada, bixinta daryeelka caafimaadka iyo waxbarasho oo ay helaan dhammaan carruurta.”

Independent Expert on Human Rights Isha Dyfan visit to Somalia – 3 - 11 May 2025

Kala-guurka laga soo hadley ayaa la halmaala Hawlgalka Ku-meelgaarka ah ee Qaramada Midoobey ee Kaalmada Soomaaliya/ United Nations Transitional Assistance Mission in Somalia (UNTMIS), oo dhammaan mas’uuliyadihiisa ku wareejin doona hay’ado kale oo ka tirsan nidaamka QM iyo bah-wadaagta dowladda wixii loo gaaro Oktoobar 2026, iyo Hawlgalka Modwga Afrika ee Kaalmada iyo Xasilinta Soomaaliya / African Union Support and Stabilization Mission in Somalia (AUSSOM) ee dhowaan la dhisey.

Khabiirka Madaxa Bannaan ayaa faallooyinkeeda ku bixisey shir jaraa’id oo ay Muqdisho ku qabatey dhammaadkii booqashadeedii ugu dambeysey ee ay Soomaaliya ku timid. Haddallada Ms. Dyfan ayaa qayb ka ahaa waxyaabo hordhac ah oo u muuqdey ka hor inta aaney warbixinteeda dhammeystiran u soo bandhigin Guddiga Xuquuqda Aadanaha iyo Golaha Guud ee Qaramada Midoobey goor dambe oo ka mid ah sanadkan.

Horey ayaa ay Soomaaliya u soo booqatey bishii Maajo 2024.

Independent Expert on Human Rights Isha Dyfan visit to Somalia – 3 - 11 May 2025

Booqashadeedii ugu dambeysey ayaa waxaa ay toddoba maalmood ku qaadatey caasimadda Soomaaliya, halkaas oo ay kulamo kala duwan oo xiriir ah ay kula yeelatey wakiillo ka kala socdey Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya, bulshada rayidka ah, saxaafadda, Hawlgalka Midowga Afrika ee Kaalmada iyo Xasilinta Soomaaliya (AUSSOM), beesha caalamka iyo hay’ado, sanduuqyo iyo barnaamijyo QM oo kala duwan.

“Hawsheyda ayaa igu waajibineysa in aan korjoogteeyo oo aan ka soo warbixiyo xaaladda xuquuqda aadanaha ee Soomaaliya oo aan talooyin ka soo jeediyo kaalmada farsamo iyo karti-dhis ee loogu baahan yahay saaxada xuquuqda aadanaha,” ayaa ay tiri Ms. Dyfan. “Sidaa daraaddeed, hadafka booqashadeydu waa in aan daraaseeyo xaaladda xuquuqda aadanaha, oo ay ka mid tahay sida loo hirgeliyey jaangooyooyinkaygii (benchmarks) iyo talo-soo-jeedinteydii tan iyo markii aan soo saarey warbixinteydii hore Oktoobar 2024.”

Independent Expert on Human Rights Isha Dyfan at a press conference at the end of her fourth visit to Somalia
UN Photo / Mukhtar Nuur

Amniga

Khabiirka Madaxa Bannaan waxaa ay faalladeedii hoosta kaga xariiqdey, sida iyada oo la daraaseynaysa horumarka xuquuqaha aadanaha ee Soomaaliya ee xaaladdan kala-guurku ka socdo heerarka QM iyo Midowga Afrika ee dalka, ay u aragtey xaaladda amniga ee degdegta isu beddelysa, ee ay isla beddelayaan xaaladaha siyaasadeed iyo bani’aadamnimo, ay saameyn xun ku yeelanayaan sida dalka dhexdiisa loogu helayo xuquuqaha adanaha.

“Waxaan aad u cambaareynayaa Al-Shabaab, oo weli ah cidda ugu weyn ee geysaneysa xadgudubyada xuquuqaha aadanaha ee ka dhanka dadka rayidka ah oo ay ka mid yihiin carruurta oo ahna tan dalka ku sii haysa dhibaatooyinka nabadgelyo-xumo ee joogtada ah,” ayaa ay tiri Marwo Dyfan.

“Waxaan weli ka welwelsanahay dagaalka sii xoogeystey ee u dhexeeya Al-Shabaab iyo la-hawlgalayaasheeda, iyo ciidamada dowladda oo ay taageeraan Xoogagga Difaaca Bulshada iyo bah-wadaagteeda caalamiga ah, iyo sidoo kale marar ay dhaceen iska-horimaadyo mileteri oo u dhexeeya Dowladda Federaalka iyo Dowlad-goboleedka Jubbaland oo sida la sheegey ay ka dhasheen dilal iyo barakac loo geystey dad rayid ah, kuwaas oo ka dhacay meelo ay ka mid yihiin gobollada Jubbaland, Hirshabeelle, Galmudug iyo Banaadir.

“Waxaan sidoo kale ogaadey in dagaalladaasi ay sababeen kororka xadgudubyada ka dhanka ah xuquuqaha aadanaha iyo welwelka laga qabo ilaalinta bani’aadamnimada, oo ay ka mid yihiin Xadgudubyada Ku Saleysan Galmada iyo Jinsiga, askareynta carruurta iyo arrimo la halmaala guurka carruurta, iyo waxyaabo kale,” ayaa ay hadalkeeda ku dartey. “Intaa waxaa dheer, colaadaha ku saleysan siyaasadda, qabiilka iyo kheyraadka ee hadda socda ayaa uga sii darey dhibaatooyinka xuquuqaha aadanaha iyo amniga ee dalka.”

security

Sharci-dejinta

Khabiirka Madaxa Bannaan ayaa muujisey sida ay u qoonsatey jiritaan la’aanta in aan wax tallaabo baarlamaani ah aan laga qaadin geeddi-socodka dib-u-eegista dastuurka ee Soomaaliya tan iyo markii sanadkii la soo dhaafey la ansaxiyey afarta cutub ee ugu horreeya.

“Sidaas oo ay tahay haddana, Wasaaradda Caddaaladda ayaa waddey wada-tashiyo ku saabsan cutubyada lixaad ilaa sagaalaad, oo la halmaala nooca cusub ee caddaaladda oo ay ka mid yihiin la-dhaqanka maxaabiista, ciidamada asluubta iyo Xafiiska Xeer-Ilaaliyaha Guud. Waxaan weli dowladda ku dhiirrigelinayaa in ay sii wanaajiso ka-qaybgelka dhammaan daneeyeyaasha, ay ka shaqeyso isu-tanaasulid oo ayna dedejiso geeddi-socodka dib-u-eegista si loo hubiyo u-dhammaanshaha, sharciyadda, daahfurnaanta iyo ku-kalsoonaanta geeddi-socodka dastuur-sameynta,” ayaa ay tiri Marwo Dyfan.

Dhinaca qaababka guud ee kale ee sharci iyo siyaasad, waxaa ay sheegtey in ay weli ka welwelsan tahay sida aan wax horumar ah looga sameyn ansaxinta shuruucda caalamiga ah iyo kuwa goboleed ee la halmaala xuquuqda aadanaha.

Kuwaas la soo sheegey waxaa ka mid ah Heshiiska Baabi’inta Dhammaan Noocyada Takoorka Ka Dhanka ah Haweenka, (the Convention on the Elimination of All Forms of Discrimination Against Women), Borotokoolka Axdiga Afrika ee Xuquuqda Aadanaha iyo Dadka ee ku saabsan Xuquuqaha Haweenka Afrika iyo Axdiga Afrika ee Xuquuqaha iyo Wanaagga Carruurta.

“Sidoo kale, dadaallada lagu sameynayo shuruuc qaran oo ku habboon si markaa si ku habboon loogu ilaaliyo xuquuqaha aadanaha ayaan la arkin wax horumar ah oo laga gaarey,” ayaa ay tiri Marwo Dyfan. “Sidaas oo ay tahay haddana, waxaan jeclaan lahaa in aan maamullada ku bogaadiyo dhaqangelintii Sharciga Gudniinka Fircooniga ah ee Jubbaland iyo Sharciga Naafada ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed.”

Khabiirka Madaxa Bannaan waxaa ay sidoo kale carrabka ku dhufatey sida dib-u-eegista iyo dhaqangelinta shuruuc kale oo muhiim ah oo heer federaal ah – oo ay ka mid yihiin hindise-sharciyeedyo la xiriira kufsiga, garsoorka carruurta, xuquuqaha carruurta iyo jarjaridda saxaaxa dheddiga (gudniinka fircooniga ah) – ay u daaheen oo looguna baahan yahay in la dardargeliyo si loo dhammeystiro wax-ka-beddelkooda iyo meelmarintooda.

“Inkasta oo laga yaabo in ay tahay wax dad dhiirrigelinaya in la xuso in qaar badan oo ka mid ah hindise-sharciyeedyadan loo ansaxiyey heer gole wasiir ahaan, haddana waxaa sidoo kale welwelkeeda leh in aaney jirin tallaabooyin la taaban karo oo ay qaadeen Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare oo lagu meelmarinayo hindise-sharciyeedyadan si ay u noqdaan shuruuc dhaqangal ah,” ayaa ay tiri Marwo Dyfan.

Legislation

Xorriyatul-Qowlka

Iyada oo ka hadleysa xuquuqda xorriyatul-qowlka – oo ay ka mid tahay xorriyadda lagu raadinayo, lagu helayo, oo lagu wadaagayo macluumaadka muhiimka ah – Khabiirka Madax-bannaan ayaa sheegtay in meesha lagu adeegsanayo xuquuqahani ay si aad ah u xaddidan yihiin.

“La tacaamulkii aan la yeeshay suxufiyiinta, kuwa ku ololeeya baraha bulshada, ururrada bulshada rayidka ah, saaxiibada caalamiga ah iyo mas'uuliyiinta dowladda ayaa daaha ka qaaday in suxufiyiinta iyo kuwa ka faa'iideysta fursadda ay ku adeegsanayaan xuquuqdooda xoriyatul-qowlka iyagoo adeegsanaya madallo kala duwan ayaa waxaa handadaad, cagajuglayn, dhibaateyn, garaac, iyo xarigba kala sii kulmaan saraakiisha amniga,ee aan la ciqaabin,” ayaa ay tiri Marwo Dyfan. “Waxaan ka walaacsanahay in ay kuwan dhammaantoodu ay ku beereen cabsi iyo is-qarin suxufiyiinta ka soo waramma arrimaha la xiriira amniga iyo colaadda, oo mugdi dadka ka geliya macluumaadka ay aadka ugu baahan yihiin si ay isu-ilaaliyaan.”

Iyada oo ka hadleysa ka qaybqaadashada, Khabiirka Madax-bannaan ayaa ku bogaadisay dowladda Soomaaliya xoogaa horumarka ah ee ay ka gaartey sii wanaajinta ka-qaybgalka haweenka iyo shakhsiyaadka naafada ah (PWDs), oo ay ka mid tahay in la sameeyo nidaamka kootada boqolkiiba 30-ka ee haweenka iyo kootada boqolkiiba shan ee loogu talagalay shakhsiyaadka naafada ah ee hannaanada doorashada.

“Waxaa sidoo kale la sameeyay dedaallo lagu diyaarinayo xeernidaamyo iyo dhabbe-tusayaal oo si dhab ah loogaga hirgelinayo nidaamkan kootada gudaha xaaladda nidaamka doorashada ee matelaadda isu-dheellitiran. Hase-yeeshee, waxaa walaacyo dhab ah iga soo gaarey daneeyayaasha kala duwan oo ku saabsan isticmaalka nidaamka qabiilka ku saleysan ee 4.5, ee uu la qabsadey nidaamka dowliga ah ee dalka, kaas oo go'aamin doonna natiijada kama dambeysa ah ee hannaanada doorashada,” ayaa ay tiri Marwo Dyfan, iyadoo hadalkeeda ku dartey in ay ugu baaqdey mas'uuliyiinta Soomaaliya in ay xaqiijiyaan xeernidaamyada iyo dhabbe-tusayaasha in ay keenaan in si dhab ah loo adeegsado qodobbadan.

Freedom of Expression

Carruurta

Marka la eego dhinaca xuquuqda carruurta Soomaaliyeed, Khabiirka Madaxa-bannaan waxay soo dhaweysay dadaallo iyo tallaabooyin kala duwan, oo ay ka mid yihiin Guddiga Wasaaradaha Kala Duwan ee Arrimaha Carruurta iyo Colaadaha Hubeeysan ee daba-galka ku haya hirgelinta qorshaha roadmap-ka 2019-ka ee ku saabsan carruurta colaadda hubeysan, iyo sidoo kale ogaanshaha iyo wax-ka-qabashada baahiyada carruurta ay colaaduhu saameeyeen.

“Waxaan sidoo kale oggaadey horumarka laga sameeyay hirgelinta dhabbe-tusayaasha xaqiijinta da'da, iyo iskaashiga ku saabsan wareejinta carruurta ciidanka laga soosaarey,” ayaa ay tiri Marwo Dyfan.

“Si kastaba ha ahaatee, xadgudubyada ba'an ee ka dhanka ah carruurta, sida, askareynta carruurta ee ciidamada difaaca bulshada ee macawiisleyda loo yaqaanno iyo maleeshiyo beeleedyada, ayaa sii socda,” ayaa ay xustey. “Sidoo kale, colaadaha soo noqnoqda, dhaqaale xumo iyo saamaynta xun ee is-beddelka cimiladu uu ku yeeshay qaybo ka mid ah dalka ayaa sabab u noqday xiritaanka dugsiyada iyo kororka barakaca qoysaska, taasoo carruurta ku yeelatay saameyn aad u weyn.”

Children

Dadka laga tiro badan yahay

Markii ay ka hadleysay kooxaha laga tiro badan yahay ee Soomaaliya, Khabiirka Madax-bannaan ayaa xustay in inkastoo uu jiray heshiis ku saabsan joogitaankooda, haddana waxaa muuqatey in aannu jirin fahamka cad ee kuwa ka midka noqon kara kooxahan.

“Si la mid ah, waxaan xusay in ay jirto rabitaan la'aanta in si buuxda loogu daro hannaanada go'aan-qaadashada qaranka iyo kuwa dowlad-goboleedka ee muhiimka ah. Iyada oo xubnaha kooxaha laga tiro badan yahay iyo kuwa la haybsooco ay sii wajahayaan takoor heerar kasta ah, oo ay ku jiraan helitaanka adeegyada dadweynaha iyo adeegsiga xuquuqaha ay u leeyihiin ka qaybgalka, ma muuqato in tallaabo adag la qaadey si loo ilaaliyo xuquuqahooda aasaasiga ah,” ayaa ay tiri Marwo Dyfan.

“Waxaan dowladda ugu baaqayaa in ay qaado tallaabooyin sharci iyo kuwo hay'adeed oo la taaban karo si loo ilaaliyo xuquuqda kooxahaasi laga tegay iyo si kor loogu qaado ka-qaybgelinta iyo sinnaanta dhammaan kooxaha bulshada iyada oo ay dowladdu dhiirrigelinayso,” ayaa ay hadalkeeda ku dartey.

Minorities

Khubarrada Madax-bannaan

Khubarrada Madax-bannaan sida Marwo Dyfan waa qayb ka mid ah waxa loo yaqaanno Habraacyada Gaarka ah ee Golaha Xuquuqul-Insaanka ee Qaramada Midoobay.

Habraacyada Gaarka ah, oo ah hay'adda ugu weyn ee khubarrada madax-bannaan ee nidaamka Xuquuqul Insaanka ee Qaramada Midoobay, waa magaca guud ee hababka xaqiiqo-raadinta iyo kormeerka madax-bannaan ee Golaha ee ka hadlaya xaaladaha gaarka ah ee waddan kasta ama arrimo kasta oo mowduuci ah ee dhammaan daafaha adduunka. Khubarrada Habraacyada Gaarka ah waxa ay ku shaqeeyaan si mutadawacnimo ah; ma ahan shaqaale QM ka tirsan shaqadoodana mushaar kuma qaataan. Waxaa ay ka madax-banaan yihiin dawlad ama urur kasta waxayna ku adeegaan awoodooda shakhsi ahaaneed.

[War-saxaafadeedkeeda ka akhrisohalkan.]