UNTMIS
Hawlgalka Kalaguurka ee Kaalmaynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya

Maqaal – Soomaaliya Gudaheeda, geela iyo xasiloonidu waa laba isku-lammaanan

Woman holds baby and feed camels

Geela ayaa dhaqan ahaan lagu aqoonsanayey Soomaaliya waqti aad uga horreeyey xornimadii Soomaaliya.

Markii ay Soomaaliya xornimada qaadatey sanadkii 1960kii, Soomaalida ayaa u arkey in ay ku habboon tahay in xornimadaa ay ku matalaan “Maandeeq,” oo macnaheedu yahay hal geel ah oo irmaan, oo ay u qaateen in uu noqdo magac ay ku matalaan xornimadaa ay dhowaan qaateen.

Maanta, geela ayaa kheyraad lagu tiirsanaan karo iyo calaamad adkeysi uga dhigan Soomaalida inkasta oo dhibaatooyin bani’aadamnimo oo tobanaan sano socdey oo ay uga sii dareen abaaro soo noqnoqda iyo colaad gacanta la isula tago. In geela loo aqoonsado in uu tilmaame muhiim u yahay xasiloonida iyo in uu mudnaan u leeyahay nabadda ayaa dad siineysa fursad lagu sii wanaajiyo lafagurista siyaasadda.

Lama dhayalsan karo muhiimadda dhaqaale ee uu geelu u leeyahay Soomaaliya –oo ay ku dhaqan yihiin geela ugu tiro badan adduunka: tiro aad u badan oo ah 80 boqolkiiba dadweynaha dalka ayaa ah xoolo-dhaqato, sida uu qabo urur-goboleedka Bariga Afrika ee Intergovernmental Authority on Development (IGAD).

Heer bulsho ahaan, geela ayaa caadi ahaan lagu bixiyaa yaradda guurka waxaana, marka dhinacyo badan laga eego, uu yahay waxyaabaha dhisaya kor-u-kaca maqaamka bulshada. Laakiin qiimaha uu leeyahay geelu ma aha keliya mid dhaqaale; geelu waxaa uu door muhiim ah ku leeyahay nabad-dhisiddii iyo khilaafaad-xallintii soo-jireenka ahayd.

Maaddaama uu yahay geer ama marsho lagu dhaqaajinayo wada-hadallada, ayaa waxaa la is-dhaafsan karaa geel si ay taasi gacan uga geysato nabadeynta, xallinta khilaafaadka, iyo abuurista xiriir saaxiibtinimo. Waxaa uu sidoo kale geelu yahay wax muhiim ah oo loo adeegsado ka-hortegidda sii-hurinta colaadda. Geel la’aantii, waxaa soo dhowaaneysa halista colaad hubeysan ay ku imaan karto. Maaddaama uu geelu door muhiim ah ku leeyahay xasilinta, ma adka in maskaxda lagu sawirto xasilooni-darrada ka dhalan karta jiritaan la’aanta geela.

Baby camel feeding from a bush in the desert

Waxaa wax lagu xumaado ah in tiradii geelu ay aad hoos ugu dhacayso. Iyada oo raadadka is-beddelka cimiladu ay sii xumaadeen, ayaa geela oo markii hore aad u tiro badnaan jirey ay hadda tiradiisu hoos u dhacaysaa iyada oo saddex milyan oo neef ay dhinteen labadii sano ee la soo dhaafey. Abaarta dhowrka sano ee xiriirsan ka dhacdey Soomaaliya ayaa horeyba culeys u saartey kheyraadka aasaasiga ah ee loo baahan yahay, taas oo ay uga sii dareen dhibaatooyin bani’aadamnimo oo ba’an, oo daciifiyey waaxdii xoolaha. Arrinta ayaa sidaas ku sii socon doonta maaddaama Soomaaliya, sida uu tilmaamayo tusaha ND Gain Index, ay tahay dalka ugu nuglaansho badan cimilada guud ahaan dunida.

Burbur ku yimaada suuqa geela ayaa laga yaabaa in xoolo-dhaqatada Soomaalidu uu ku riixo in ay soo galaan degaannada magaalooyinka ah ee dadku buux-dhaafiyeen ama ay ku lug yeeshaan geel kala dhicid, taas oo muddo dheerba hurin jirtey meerto kala aargoosi iyo gacan-ka-hadal ah. Is-maandhaafyada yaryar ee bulshada ayaa u-xuubsiiban kara khilaafaad haddii aan la haynin geela oo ah wax lagu kala maslaxoobo oo lagu gorgortamo si nabad loo gaaro marka ay colaad jirto. Iyada oo daaqa iyo biyaha la heli karo ay sii yaraanayaan guud ahaan gobolka, ayaa xoolo-dhaqatadu ay u safrayaan meelo fogfog oo xaaladdoodu nololeed ay adag tahay si ay xoolahooda ugu helaan daaq ay ku noolaadaan. Sidaas oo ay tahay haddana, geel tiro badan – oo Hay’adda QM ee Cuntada iyo Beeraha (FAO) ay neefkiiba ku qiimeysey $900 – ayaa dhiman kara, taas oo ay suuragal tahay in uu qofka xoolo-dhaqatada ahi uu ku waayo wixii uu tabcayey noloshiisa oo dhan.

Markay xaaladdu halkaa gaarto, xoolo-dhaqatada iyo qoysaskoodu waxaa ay badanaa u arkaan in fursadda keliya ee u hartey ay in ay qaxooti noqdaan. Iyada oo is-beddelka cimiladu uu sii yareynayo tirada geela, ayaa dhammaan tiirarka bulshada rayidka ah uu lur la soo dersi doonaa. Haddii xataa geelii, loo aqoonsanaa in uu awood u leeyahay u adkeysiga xaaladaha ugu ba’an, uusan ka baxsan karin is-beddelka cimilada, sidee dadka Soomaaliyeed ay rajo uga qabi karaan nabad xidideysata?

Dead camel during drought season
Somali men walk past a dead camel at camp for internally displaced people in Uusgure village, Puntland, Somalia.The IDP's in Uusgure village are pastorals who moved there after they lost their livelihood due to the current drought. They lost almost all their livestock, camels and goats. FAO / Karel Prinsloo

Si loogu diyaargaroobo raadadka is-beddelka cimilada iyo gilgilashooyinka cimiladu ay ku leeyihiin tirada geela oo aanna sii qiyaasno waxa ay taasi uga dhignaan karto bulshada, waxaan ka faa’iideysan karnaa lafaguris la taaban karo oo uu cilmi-saynisku kaabayo iyo fikir mala-awaal ah oo wax lagaga qabanayo xaaladaha kala duwan ee imaan kara.

Khafiifinta xaaladda ugu xun ee dhici karta mustaqbalka waxaa ay ku bilaabaneysaa in waqtigan la joogo la wajaho si loo dejiyo cunsurrada halista, istiraatiijiyado ka-hortag, iyo ku-xiridda tiirarka kale ee xasiloonida. Maaddaama aan nahay lafagurayaal qaabilsan nabadda iyo amniga oo ka shaqeeya furimaha hore ee lafagurista digniinta hore, waa in aan isla-falanqeynaa su’aasha ah: “Bal sawiro waxa ku dhici lahaa Soomaaliya haddii uu geelu dabargo’ is-beddelka cimilada daraaddii?”

Tani waa arrinta ugu weyn ee ka guuxaysa maanka Hawlgalka Ku-meelgaarka ah ee Qaramada Midoobey ee Kaalmada ee Soomaaliya / the United Nations Transitional Assistance Mission in Somalia (UNTMIS), oo si dhow ula shaqeynaya bulshooyinka degaanka jooga kuwaas oo arrintan aaney u ahayn mid mala-awaal ah, laakiin ay u tahay xaqiiqo taagan.

Mashruuca Matabaan ee ugu muhiimsan UNTMIS waxaa uu wax ka qabanayaa mudnaanta dhaqan iyo dhaqaale ee geela iyo nimcooleyda kale u leeyihiin degmada Matabaan ee Dowlad Goboleedka Hirshabeelle oo uu khilaafaadkeedu sarreeyo si markaa si wanaagsan loogu fahmo raadka is-beddelka cimiladu uu ku leeyahay maciishadda iyo xasiloonida degaanka.

Gobollada u nugul cimilada sida kan oo kale, in Aqoontii Soo-jireenka Ahayd ee Bay’ada la dhexgeliyo nidaamyada digniinta hore bixiya waa ay ka gudubtey in ay ahaato fikir un maanka dadka ka dhex guuxaya, ee laakiin waxaa uu noqotey mid ka mid ah hababka waxqabad ee ugu wanaagsan.

Ka dib markii uu sanado si toos ah ugu lug lahaa mashaariicdan maaddaama uu ahaa La-taliyaha Cimilada, Nabadda iyo Amniga ee UNTMIS / UNTMIS’ Climate, Peace and Security Advisor (CPSA), ayaa Chris Hodder waxaa uu toos u arkey suuragalnimada xalalka dabiiciga ah. Sida ay isaga la tahay, waa furihii lagu furi lahaa qaabab guud oo lafaguris siyaasadeed oo lagu ogaanayo waxyaabo daahsoon oo xaalad gaar ah ku habboon.

Chris waa La-taliyihii ugu horreeyey ee Cimilada, Nabadda, iyo Amniga ee ay Qaramada Midoobey shaqo-geliso haddana waxaa uu ka mid yahay siddeedda la-taliye ee Hawlgallada Gaarka ah ee Siyaasadda iyo Hawlgallada Nabad-ilaalinta lagu dhisey habka loo yaqaannno Climate Security Mechanism si uu hay’adaha qaran iyo kuwa goboleed ugala shaqeeyo barnaamij-dejin xasaasi u ah cimilada. Waxaa ay tani door muhiim ah ku leeyihiin hubinta in QM ay la jaanqaaddo is-beddellada ku imaanaya colaadda, gaar ahaan marka ay timaaddo maaddada weli soo-ifbixiddeedu ay socoto ee Cimilada, Nabadda iyo Xasiloonida.

Ha ahaadaan geel, lo, ama daruuro, tilmaamayaasha aan soo-jireenka ahayn ee xasiloonida ayaa noqonaya kuwo si ka weyn sidii hore La-taliyeyaasha CPSA ugu muuqanaya in ay yihiin cunsurro asaasi u ah lafagurista siyaasadeed. Inta ay la-taliyeyaasha CAPSA la tacaamulayaan bulshooyinka la-rafaadsan la-qabsashada xaaladda cusub ee cimilada, waxaa jirta baahi cad oo loo qabo in dabarka xaddidaya laga jaro waxa ay yihiin calaamadaha soo-jireenka ah ee lagu garto xasilooni-darrada – sida xogta colaadda oo keliya – ay ina siin karto. Hawsha muhiimka ah ee ay ka hayaan degaanka ayaa waxaa ay guud ahaan QM siinayaan kiisas lagu qanci karo oo si ballaaran xalalka dabiiciga ah loogu adeegsan karo ka-hortagga colaadda.

Guud ahaan meerahan dhulka, ayaa dabiicadu waxaa ay door aasaasi ah ku leedahay dunta bulshadu ka sameysan tahay, sida ay bulshadu u shaqeyso, iyo xiriirrada awoodeed. In lagu daro tilmaamayaal ay ka mid yihiin sida raadadka is-beddelka cimiladu ay ku leeyihiin xayawaanka, xiriirka ka dhexeeya dadka iyo dabiicada, iyo calaamadaheeda daahsoon ee is-beddelka, ayaa lafaguristeennu waxaa ay noqoneysaa mid shaamil ah oo aqoonsan karta hanjabaadaha iyo halisaha suuragalka ah ee ku imaan kara nabadda iyo xasiloonida. Habkan waxaa uu dadka, dowladaha iyo QM u saamaxayaa in ay si ka wanaagsan sida hadda ugu diyaar-garoobaan ayna ula qabsadaan iyaga oo islamarkaana xaddidaya is-beddellada wax carqaladeyn kara. Annaga oo ka shidaal qaadaneyna mustaqbal odorisid iyo sahamin, ayaan waxaan waddo u jeexi karnaa soo-saaridda hindisaad cusub oo hagta waxqabadyo ka wanaagsan kuwa hadda oo ka-miro-dhalisa hawlaha iyo mas’uuliyadaha.

Camel looks over other camels
Camel market generic shot in Hargeisa, Somaliland, in April 2023. UN Photo / Sourav Sarker


Isha laga soo dheegtey: UN Department of Political and Peacebuilding Affairs (UNDPPA)

UNDPPA ayaa xustey in u-fiirsashada iyo daraasadaha lagu sameeyey guud ahaan dunida ay bixinayaan caddeyn la-taaban karo oo sii kordheysa oo muujineysa sida xaaladaha cimilada iyo nabaadguurka bay’ada ay halis u gelinayaan maciishadaha iyo nimcooleyda ay ku tiirsan yihiin.

Maaddaama ay raadadkan ay si joogto ah u soo ifbaxayaan oo ayna u xoogeysanayaan, ayaa hal-abuur loo marayo “mustaqbal-odoorisidda” xaaladda iyo qaabab cusub oo ballaaran oo lafaguris siyaasadeed ah oo loogu baahan yahay in lagu ogaado kakanaanta jirta halkii laga fududeyn lahaa. Qaab guud oo lafaguris siyaasadeed loo sameeyo oo aqoonsanaya isku-xirnaanta amniga iyo tilmaamayaasha ay muuqashadoodu ku yar tahay sida xayaanka ama halka ay iska galaan dadka iyo dabeecada, ayaa hadda soo if-baxaya.

Waxaa lafaguris siyaasadeed muhiim u ah in ay wax ka qabato xiriirka kakan ee isku-tiirsan ee u dhexeeya dadka, xayawaanka, iyo dabeecada, oo ah aasaaska nidaamyada bulsho ee bulshooyin badan ay ku dhisan yihiin. Haddii aan la tixgelin xiriirradan wujuudiga ah, ayaa lafaguristu waxaa ay ka il-duufi doontaa calaamado digniin oo muhiim ah, ay seegi doontaa fursado nabad-dhisid meel gaar ah ku wajahan, waxaana ay marin-habaabin kartaa fahamka laga qaadanayo guud ahaan is-beddellada (dynamics) colaadda.