UNTMIS
Hawlgalka Kalaguurka ee Kaalmaynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya

MAQAAL – Nasteexo Maxamed Warsame: Sii wanaajinta akhris-qoraalka haweenka iyo carruurta nugul ee ku nool Puntland

cover image
Garoowe — Dagaalkii sokeeye ee Soomaaliya waxaa uu burburiyey waaxdii waxbarashada ee dalka iyada oo nidaamyadii waxbarashadii rasmiga ahayd iyo kaabayaashiiba ay kala daateen, macallimiintii tababarnaa ay ka carareen dalka oo heerarkii akhris-qoraalkuna ay aad hoos ugu dhaceen.
Waqtigan, oo dadka waaweyn ee wax akhrin kara oo waxna qori kara ay 40 boqolkiiba ka yihiin dadweynaha Soomaaliyeed ee tiradoodu tahay 18.3 milyan oo qof, sida ay sheegtey Hay’adda Istaatistikada Qaranka Soomaaliya, ayaa maamullada Soomaaliyeed iyo bulshada rayidka ah ay tan iyo markii uu joogsadey dagaalkii sokeeye ee dalka ku dadaalayeen in arrintan ay wax ka beddelaan taas oo qayb ka ah horumarka dalka.
Mid ka mid ah dadka wax ka qabanaya arrintan waa Nasteexo Maxamed Warsame, oo ah macallimad 26 sano jir ah oo mutadawacnimo ku shaqeeysa oo ku nool Garoowe, magaala-madaxda Dowlad Goboleedka Puntland ee ku yaalla waqooyiga dalka.
“Akhris-qoraal la’aanta ku badan Soomaaliya waxaa sababey waxyaabo badan, oo ay ka mid yihiin dhaqaale-xumo dad badan ku khasbeysa in ay qabtaan shaqooyin uu dakhligoodu yar yahay,” ayaa ay tiri Nasteexo. “Waxaan arkey in haweenka iyo carruurtu ay yihiin qayb badan oo ka mid ah kuwa aan wax akhrin karin. Taas ayaana igu dhalisey in aan bilaabo mashruuc wax ka qabanaya arrintaa.”
Laga soo bilaabo sanadkii 2021kii, waxaa ay Nasteexo waddey oo ayna maareyneysey Ololaha Waxbarashada ee Nasteho Campaign for Education, kaas oo ah barnaamij ka dhex shaqeeya gunta bulshada oo xirfadaha akhris-qoraalka bara dadka degaanka deggan ee aan weligood helin fursad ay wax ku bartaan, kaas oo si gaar ah diiradda u saaraya haweenka iyo carruurta.
Improving literacy among vulnerable women and children in Puntland
Bilaabid aan lagu sii talogelin
Nasteexo oo sanadkii 1999 ku dhalatey magaalada koonfurta Soomaaliya ku taalla ee Kismaayo waxaa ay markii dambe iyada iyo qoyskeedu u wareegeen Gaalkacyo, oo ku taalla dhinaca waqooyi ee dalka. Waxaa ay waxbarashadeeda dugsiga sare sanadkii 2017 ku dhammeysatey Dugsiga Sare ee Goldogob Secondary School, oo u dhow Gaalkacyo.
Waxaa ay sii gashey waxbarasho jaamacadeed, waxaana ay baratey xiriirka caalamiga ah iyo culuunta siyaasadda iyada oo shahaaddada koowaad ee jaamacadda ka qaadatey Jaamacadda Bariga Afrika, kambaskeeda ku yaalla Garoowe, sanadkii 2022kii.
Waxaa ay qirsan tahay in, marka la eego culuunta ay baratey, ay ka fekereysey in ay xirfad ahaan ka shaqeyn doonto Soomaaliya dibaddeeda. Arrin si nasiib ah un ay sanadkii 2020kii ula kulantey ayaa fikirkeedaas wax ka beddeshey.
"Maalin maalmaha ka mid ah, anniga oo dhex socda suuqa, ayaa waxaan arkey haweeney waayeel ah oo ilmayneysa. Markaan weydiiyey waxa ku dhacay, waxaa ay ii sheegtey in uu khiyaamey qof isaga dhigay macmiil. Alaabo ayuu ka iibsadey miiskeeda, wuxuuna u sheegey in uu lacagta ku bixiyey telefoonka ganacta, laakiin taasi been bey ahayd,” ayaa ay tiri Nasteexo. “Maaddaama aaney akhrin kareyn farriimaha u soo dhaca ama aaney eegi karin haraageeda, waxaa ay noqotey dhibbane la khiyaamay."
Si la mid ah sida Afrikada Bari inteeda kaleba, barnaamijyada lacagaha la isugu diro telefoonka gacanta ayaa noqdey hab caan ah oo lagu bixiyo lacagaha alaabada iyo adeegyada la iibsado ee Soomaaliya. Sida ay sheegeyso warbixin-sanadeeddii 2023dii ee Bankiga Dhexe ee Soomaaliya, qiyaastii 75 boqolkiiba dadka jooga Soomaaliya waxaa ay adeegsadeen hababka lacag-bixinta ee noocaas ah 16kii sano ee la soo dhaafey.
Sidaa daraaddeed, akhris-qoraalka aasaasiga ah – gaar ahaan xisaabta – ayaa muhiimad weyn u sii leh qof kasta oo lacag wax dhaafsanaya, haddii uu wax soo iibsanayo iyo haddii uu wax iska iibinayaba.
Improving literacy among vulnerable women and children in Puntland
Wixii qabsadey islaantaas waayeelka ah ee ganacsatada ah ayaa maalmo maskaxdeeda ka bixi waayey Nasteexo. Ka dib markii ay aad uga fekertey, waxaa ay go’aansatey in dalkeeda gudihiisa ay wax ka qabato halkii ay raadin lahayd xirfad shaqo oo la halmaasha culuunta xiriirka caalamiga ah – horraantii 2021, ayaa waxaa ay aasaastey ururka Nasteho Campaign for Education, oo ah urur aan dowli ahayn oo gunta bulshada ka wada dadaal lagu sii wanaajinayo akhris-qoraalka dadka degaanka.
Bilowgii hore, dadaalku waxaa uu diiradda saarayey in haweenka ganacsatada ah lagu baro sida bedqabku ku dheehan yahay ee loo isticmaalo lacagaha telefoonka gacanta lagu shubto.
Ugu yaraan saddex jeer toddobaadkii, ayaa waxaa ay suuqyada booqataa duhuradii, waqtiyadaas oo goobaha ganacsiga ee degaanku ay xasiloon yihiin, waxaa ay mid mid waqti gaar ah ula qaadataa oo ay wax u bartaa ganacsatada degaanka.
“Waxaan jadwalka u qaybiyaa oo aan saacad ilaa laba saacadood siiyaa haweeney kasta, taas oo hadba ku xiran sida iyada loo heli karo,” ayaa ay tiri Nasteexo. “Bilowgii hore, waa ay adkeyd in la isku dubarido hawsha, laakiin waxaa ay arkeen in ay ugu wanaagsan tahay in casharrada lagu soo aaddiyo duhurrada – ilaa hadda, waxaan in ka badan 100 haween oo ganacsato ah gacan ku siiyey in ay sii xoojiyaan xirfadahooda ku aaddan sida loo isticmaalo telefoonka gacanta. Waxaan tusaa sida loo diro iyo sida loo helo lacagaha, sida loo eego haraaga iyo sida la isaga ilaaliyo khayaamada iyada oo la adeegsanayo aqoonta aasaasiga ah ee xisaabta.”
Wanaag kale ayaaba meesha uga soo baxay Nasteexo.
Waxaa ay ogaatey in ganacsatada qaar ay carruurtooda ka reebi jireen iskuulka si ay uga caawiyaan hawsha ganacsigooda. Dadaalladii ay bixisey ayaa wax ka beddeley arrintaas.
“Qaar ka mid ah hooyooyinka ayaa mar walba carruurtooda ugu baahnaa in ay ka caawiyaan isticmaalka lacagaha telefoonka gacanta, laakiin ka dib markii ay barteen sida wax loo akhriyo iyo xisaabta aasaasiga ah, ayaa waalidiintan waxaa ay carruurtooda u saamaxeen in ay iskuulka aadaan” ayaa ay tiri Nasteexo.
Bulshooyinka nugul
Muddo ka dib, iyada oo adeegsaneysa cilmi-baaris iyo ka warqaadista bulshada, ayaa Nasteexo waxaa ay ogaatey in culeysyada la xiriira akhris-qoraalka ee ay wax ka qabaneysey aaney haysan keliya ganacsatada yaryar ee degaanka. Tani waxaa ay keentey in ay horraantii 2024tii ay go’aansato in ay dadaalladeeda ay gaarsiiso dadka waaweyn iyo carruurta deggan xerooyinka dadka gudaha ku barakacay ee u dhow Garoowe.
“Marka haweenka iyo gabdhaha ay waxbarasho helaan, waxaa ay kor u soo qaadaan guud ahaan bulshooyinka. Waxbaridda hooyooyinka ayaa fure u ah awood-siinta haweenka. Hooyada waxbaratey waxaa ay bulshadeeda gacan ka siisaa in ay kobocdo. Waxa ugu yar ee aan u sameyn karo waa in aan caawiyo, waxbaro, oo aan u-qareemeeyo,” ayaa ay tiri Nasteexo.
Improving literacy among vulnerable women and children in Puntland
“Sidaa daraaddeed waxaan bilaabey in aan akhriska iyo qoraalka baro carruurta joogta xerooyinka barakacayaasha, anniga oo ka bilaabey xerada Washington IDP ee u dhow Garoowe. Qoysaska ayaa ii oggolaadey in aan carruurtooda baro xisaabta iyo wax qorista aasaasiga ah. Bil gudaheed, carruurta is-qortey ayaa saddex-laab noqdey – waxaan ku bilaabey 10 carruur ah, laakiin tirada ayaa tan iyo markaa gaartey 30, kuwaas oo ay ka mid yihiin laba gabdhood,” ayaa ay hadalkeeda ku dartey.
Iyada oo qoysasku ay haysato wax la’aan iyo saboolnimo, ayaa qaar badan oo ka mid ah carruurta ay isaga hareen iskuullada si ay u qabtaan shaqooyin adag oo ay gacan ku siinayaan qoysaskooda.
“Islamarkii horey ayaan hawsha ka dhex galey, bulshaduna si diirran ayaa ay ii soo dhoweysey,” ayaa ay tiri Nasteexo. “Waxaan arkey in marka ay dadku u heellan yihiin in ay wax bartaan, ay caqabad kasta ka gudbi karaan.”
Is-beddel dhalin
Waa ay yareyd caawimada ay Nasteexo heshey markii ay diyaarineysey ololaheeda, keliya waxaa caawinayey niyad-wanaagga ay qabtey iyo doonisteeda ahayd in ay guuleysato. Dadaalladii ay ku bixisey suuqyada iyo xerooyinka barakacayaasha waxaa ka mid ahaa in goob kasta ay bannaankeeda ka sameysato meel yar oo ay dadka wax ugu dhigto.
Laakiin dadaalkeedii ayaa dad u muuqdey. Dabayaaqadii 2024kii, dowladda hoose ee Garoowe, oo ay iskaashanayaan maamulka xerooyinka bayakacayaasha, ayaa siiyey dhismo yar oo ka kooban saddex fasal oo ay ku sii waddo taageerada ay siineyso bulshooyinka.
Nasteexo ayaa maalin kasta casharro ku bixisa xerada, iyada oo diiradda saareysa akhris-qoraalka iyo maaddooyiinka aasaasiga ah, iyada oo gacan ka heleysa laba macallin oo mutadawacnimo ku shaqeeya.
“Aad baan ugu farxay raadka wanaagsan ee ka dhashey shaqada Nasteexo ay hayso. Waxaa ay sameyneyso waa wixii dowladda looga baahnaa. Dadaallada ay ku sii wanaajineyso akhris-qoraalka waxaa ay muhiim u yihiin horumarka bulshada,”ayaa uu yiri Ku-xigeenka Duqa Magaalada Garoowe, Maxamed Cali Maxamed.
Improving literacy among vulnerable women and children in Puntland
Nasteexo ayaa kaalmo maaliyadeed oo ay ka hesho qoyskeeda ku wadda hawsheeda mutadawacnimada ah. Waa ay soo dhoweyneysaa taageerada maamulka degaanka, laakiin waxa dhiirrigeliya waa natiijada ka soo baxdey dadaalkeeda.
Mid ka mid ah ardayda uu raadka ku yeeshey dadaalkeedu, Cabdikariin Maxamed oo 16 sano jir ah, ayaa yiri: “Waxaan ku xamaashaa caseeyenimo iyo baabuur-dhaqis. Markii hore wax ma akhrin karin waxna ma qori karin, sidaa daraaddeed waa ay igu adkeyd in aan eego lacagta aan shaqeysto ee la iigu soo shubo telefoonka gacanta, badanaa dad kale ayaa ii fiirin jirey, kuwaas oo qaarkood iga faa’iideysan jirey. Hadda anniga ayaa isku filan, taasna waxaan uga mahadcelinayaa Nasteexo.
Arday kale, Jamiila Xassan Salaad, ayaa ku sii dartey oo tiri: “Waxaan ahay 17 sano jir, weligeyna waxbarasho toos ah ma helin. Adeegto ayaan reer u ahay si aan qoyskeyga u caawiyo. Inkasta oo aan telefoon haystey, haddana ma ogaan karin haraageyga sababta oo ah wax ma akhrin karin. Nasteexo ayaan kula kulmey Suuqa Injiga ee Garoowe, waxaana ay igu soo dhoweysey fasalkeeda ku yaalla xerada barakacayaasha ee Washington. Halkaas ayaan ku bartey sida wax loo akhriyo oo waxna loo qoro."
Taageerada QM
Iyada oo ay iskaashanayaan maamullada Soomaaliyeed, ayaa Qaramada Midoobey ee Soomaaliya waxaa ay dadaallo waaweyn ku bixineysaa sii wanaajinta akhris-qoraalka iyo waxbarashada ee dalkan ku yaalla Geeska Afrika. Dadaalladan waxaa looga danleeyahay in lagu sii wanaajiyo sidii ay waxbarasho tayo leh u heli lahaayeen carruurta iyo dadka waaweynba. Tan waxaa ka mid ah hirgelinta mashaariic dadka lagu barayo akhris-qoraalka iyo xirfadaha aasaasiga ah ee nolosha.
Sida ay sheegtey Hay’adda QM ee Carruurta (UNICEF), ilaa 4.8 milyan oo carruur Soomaaliya ku nool oo da’doodu u dhaxayso 5-17 sano jir ayaan iskuul dhigan sanadkii 2023kii sababo kala duwan daraaddood.
Qaybo badan oo ka mid ah dalka, qoysasku ma awoodaan kharashka waxbarashada carruurtooda: waxaa sidoo kale la soo gudboonaada caqabado badan marka ay isku dayayaan in carruurtooda ay iskuul geeyaan. Caqabadahaan waxaa ka mid ah saboolnimo, iskuullada oo ka fog, iyo welwel la xiriira bedqabka.
Intaas waxaa dheer, caadooyinka bulshada ee mudnaanta siiya waxbarashada wiilasha ayaa arrinta uga sii dara. Qoysaska ayaa dhibaato qaba sababta oo ah ma jiraan macallimiin dad ku filan, gaar ahaan kuwo dheddig ah. Sidoo kale waxaa haysta dhibaatooyin kala soo gudboonaada tas-hiilaadka fayadhowrka (musqulaha) oo liita. Dhibaatooyinkaan ayaa badanaa culeys gaar ah ku ah gabdhaha.
Si gaar ah xerooyinka Barakacayaasha, ayaa UNICEF waxaa ay taageertaa goobo ku-meelgaar ah oo wax lagu barto si fursado waxbarasho loo siiyo carruurta soo barakacay. Taageerada waxaa ka mid ah agab baris iyo barasho, tababarro iyo lacago dhiirrigelin ah oo ay siiso macallimiinta, iyo hubinta in iskuulladu ay helaan tas-hiilaad fayadhowr (musqulo) iyo biyo nadiif ah.
Yoolalka ay higsaneyso hay’addan caalamiga ah ayaa waafaqsan kuwa Nasteexo.
Nasteho Mohamed Warsame

“Yoolkayga muddada fog waa awoodsiinta haweenka iyo carruurta, waxaana aaminsanahay in taas xaqiijinteeda loo mari karo waxbarasho tayo leh iyo wacyigelin. Waxbarasho tayo leh ayaa cajaa’ib ku ah dhisidda bulsho xooggan, taas ayaana ah hadafka ugu weyn ee aan ku riyoonayo,” ayaa ay tiri.
“Waxaan sii wadi doonaa gacanta aan siiyo bulshooyinka nugul ee ka mid ah barakacayaasha Garoowe ku nool,” ayaa ay raacisey. “Maalin un ayaa ay carruurtoodu heli doontaa waxbarasho la mid ah tan carruurta kale, maalin un ayaa ay haweenkoodu heli doonaan awoodsiin la mid ah tan bulshooyinka kale ee ku dhaqan magaalada.”