UNTMIS
Hawlgalka Kalaguurka ee Kaalmaynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya

Xiritaanka UNTMIS

31-ka Oktoobar 2026, Hawlgalka Kala-guurka ee Kaalmaynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNTMIS) ayaa soo gabagabeeyey muddadii labada sano ahayd ee kala-guurka, isla markaana si rasmi ah u soo afjaray hawlihiisii. Tallaabadan waxaa loo qaaday si waafaqsan qaraarrada Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ee tirsigoodu yahay 2753 (2024) iyo 2809 (2025), iyadoo la tixgelinayo codsigii Dowladda Federaalka Soomaaliya.

War been-abuur ah

somali fake news advisory cover

UNTMIS waxay ka war haysaa war been abuur ah oo lagu sheegay inuu kasoo baxay QM oo la dhex wareejinayo baraha bulshada iyo goobaha lagu sheekaysto.

Qoraalkaas ama dukumentigaasi waa been abuur.

somali fake news alert