UNTMIS
Hawlgalka Kalaguurka ee Kaalmaynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya

Warbixin kooban oo la siiyey weriyeyaasha – Kuna saabsan Soomaaliya

Backdrop - UNHQ Press Statement

05 Juun 2026- War-saxaafadeed ka soo baxay Xarunta Dhexe ee QM

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay waxa uu walaac xooggan ka muujiyey wararka ku saabsan rabshadaha ka dhacay Muqdisho. Waxa uu hoosta ka xariiqay baahida degdegga ah ee loo qabo in dhammaan dhinacyada ay khuseyso ay dib u bilaabaan wadahaddalka si loo helo dariiq loo maro ka fogaanshaha in dib u dhac ku yimaado horumarkii ilaa hadda laga gaaray Soomaaliya, iyo sidoo kale in la xaqiijiyo badbaadada dadka rayidka ah iyo kaabayaasha bulshada.

Xoghayaha Guud wuxuu ugu baaqayaa dhammaan dhinacyada inay muujiyaan is-xakamayn, kana fogaadaan ficil kasta oo keeni kara rabshado horleh, isla markaana ay khilaafaadka siyaasadeed ku xalliyaan wada-xaajood.

Hawlgalka Kaalmada Kumeelgaarka ah ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNTMIS) ayaa maanta xusay in hawlgalka iyo saaxiibbada caalamiga ah ay marar badan uga digeen, bayaanadooda iyo wada-xaajoodyada ay la yeesheen dhinacyada ay khusayso, khatarta ah in dib loogu laabto qalalaasihii dhacay sannadkii 2021 ee ka dhashay khilaafaadka ku saabsan hannaanka doorashooyinka. Digniinahaas oo nasiib darro aan la tixgelin.

Bahda QM waxay ku boorrinaysaa dhammaan madaxda Soomaalida inay mudnaanta siiyaan danta qaranka, dibna u bilaabaan wadahaddalladii istaagay 15-kii May. Saaxiibbada caalamiga ah ee Soomaaliya waxay diyaar u yihiin inay fududeeyaan wadahaddalkaas.

Stéphane Dujarric, Afhayeenka Xoghayaha Guud New York, 4 Juun 2026