UNTMIS
Hawlgalka Kalaguurka ee Kaalmaynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya

Isurogidda UNSOM isu rogeyso UNTMIS: Waxay markhaati u tahay horumarka la taaban karo ee Soomaaliya ay gaarey

A photo of UN Special Representative James Swan with Somali ministers cutting a cake at the official launch of UNTMIS

Muqdisho – Iskaashiga dhow ee waxtarka leh ee u dhaxeeya Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay ayaa bannaanka timid intii ay socotey munaasabaddii daaha looga rogayey Hawlgalka Kalaguurka ee Kaalmaynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNTMIS).

UNTMIS waxaa la aasaasay 1-dii Nofembar, ka-dib markii si aan loo kala harin loo ansaxiyay Qaraarka Golaha Amaanka QM ee tirsigiisu yahay 2753 markay taariikhdu ahayd 30-kii Oktoobar. UNTMIS Waxaa ay beddelaysaa Hawlgalka Kaalmeynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM).

““Waxaan qiraynaa waxqabadka qiimaha badan ee ay UNSOM ka geysatey horumarinta hay’adaha Soomaaliyeed. Shaqo u-heellanaanta iyo naf-hurnimada ay muujiyeen shaqaalaha Soomaalida ah iyo kuwa Caalamiga ah ayaa muhiim u ahaa horumarka aan gaarney,” ayuu yiri Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi.

Wasiirka wuxuu la hadlayay mas'uuliyiin sare iyo wakiillo ka socday Dowladda Federaalka Soomaaliya, bulshada rayidka ah, diblomaasiyiinta iyo bah-wadaagta caalamiga ah ee dalka oo ku sugnaa xafladda daah-rogga wadajirka ah ee ka dhacdey magaalada Muqdisho waxaanna ku wehliyay Ku-simaha Wakiilka Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee QM u qaabilsan Soomaaliya, James Swan, oo sidoo kale madax ka ahaa UNSOM haddana ah madaxa UNTMIS.

“Qof kasta oo maanta halkan jooga wuu ogyahay in Soomaaliya ay soddonkii sano ee la soo dhaafay ku tallaabsatay horumar la taaban karo oo ku aaddan safarkeeda qarannimo – sida dhinacyada amniga, maamulka, soo-kabashada dhaqaalaha, iyo kuwa kale oo badan. Muddadan oo dhan, Qaramada Midoobay waxay ahayd saaxiib joogto ah oo mar walba garab taagan,” Mudane Swan ayaa sidaa ka sheegay hadalkii uu xafladda ka jeediyay.

Isaga oo diiradda saaraya UNSOM, ayuu Mudane Swan wuxuu sheegay, in 11kii sano ee uu jiray, Hawlgalka QM uu ka shaqeeyay in uu Soomaalida ka caawiyo sidii ay horumar uga gaari lahaayeen arrimaha sida dib-u-habeynta dastuurka, metelaadda haweenka, ka-qaybgalka dhallinyarada, ka qaybgelinta dadka naafada ah, ilaalinta xuquuqaha aadanaha, iyo arrimo kaloo badan.

“Tan iyo markii la aasaasey Gu'gii 2013, UNSOM waxay sameysay dadaallo xallinta khilaafaadka ah, hagid siyaasadeed, kaalmo farsamo, iyo karti-dhisid lagu taageerayo mudnaanaha kala duwan ee Soomaaliya,” ayuu yiri.

Wuxuu tusaale ahaan u soo qaatay dhisidda dowlad-goboleedyada Galmudug, Hirshabeelle, Jubbaland iyo Koonfur Galbeed; dhammeystirka hannaannada doorashada ee 2017 iyo 2022; iyo dadaallo badan oo dib-u-heshiisiin iyo xallinta khilaafaadka ah.

UNTMIS waxaa ay qabaneysaa hawlo la mid ah kuwii ay qabaneysay UNSOM, waxayna dhammaan shaqooyinkeeda ugu wareejinaysaa Dowladda Federaalka ee Soomaaliya (DFS) iyo Kooxda QM ee dalka qaab laba marxaladood oo min hal-sano ah, oo la saadaalinayo in uu soo gebbogeboobo 31-ka Oktoobar 2026.

Arrimaha mudnaanta leh

Ku-simaha Wakiilka Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee QM u qaabilsan Soomaaliya wuxuu hadalkiisa ku sheegay, in si waafaqsan waajibaadkiisa cusub iyo guud ahaan kala-guurka labada-sano ee la qorsheeyay, UNTMIS ay mudnaansiin doonto arrimahamuhiimka u ah baahiyaha Soomaaliya.

“Arrimahala aqoonsadey waxaa ka mid ah: qaran-dhiska, oo ay soo hoosgelayaan hannaanka dib-u-eegista dastuurka iyo qabashada doorashooyin xor iyo xalaal ah 'hal qof, hal cod'; dhiirrigelinta iyo ilaalinta xuquuqaha aadanaha iyo hirgelinta Siyaasadda Xuquuqaha Aadanaha ee QM; taageeridda waaxaha amniga iyo cadaaladda,” ayuu yiri Mudane Swan.

Guusha la tiigsanayo sanadka koowaad ee UNTMIS waxay noqon doontaa qorshe hawleed (roadmap) dhowaan la dejin doono oo hagaya tallaabooyinka iyo faahfaahinta kala-guurkiisa.

“Waddada naga horeysa waxay u baahan tahay qorsheyn iyo fulin aad looga taxaddaray si loo xaqiijiyo kala-guur si habsami leh u dhaca. Waa in aan diyaarinaa qorshe hawleed (roadmap) ballaaran oo muujinaya tallaabooyinka la qaadayo iyo waqtiga ku habboon si geedi-socodkan uu ugu dhammaado waqtigii loogu talogaley,” ayuu yiri Mudane Fiqi.

Wakiilka Gaarka ah ee QM ayaa carrabka ku adkeeyey in, xitaa iyadoo la raacayo bixidda qorsheysan ee UNTMIS, Kooxda QM ee Dalka ayaa la isku halleyn karaa ay sii wadi doonto taageeradeeda horumarinta iyo bani'aadamnimada ee horey u socotey, iyadoo sidoo kale la wareegaysa mas'uuliyadda hawlo badan oo uu hadda qabto UNTMIS.

“Dhanka kale, inta lagu guda jiro muddadan, annaga haadaannu nahay UNTMIS waxaan sii wadi doonnaa in aan bah-wadaag ahaan ula shaqeyno Soomaaliya, iinta uu dalku sii ambaqaadayo guulihii uu ilaa maanta gaarey oo uu ku dadaalayo sidii uu dadkiisa ugu heli lahaa nabad ballaaran, amni, dimoqraadiyad iyo barwaaqo,” ayuu hadalkiisa ku soo gebbogabeeyay Mudane Swan.

Kooxda Qaranka ee QM ee Soomaaliya, oo ka kooban 24 hay'adood, sanduuq iyo barnaamij oo kuwa QM ah, ayaa waxay ka shaqeynaysaa waaxaha kala duwan si ay u taageerto dadaallada nabad-dhiska, bani'aadamnimada, iyo horumarinta ee dalka. Arrimaha muhiimka ah ee diiradda la saarayo waxaa ka mid ah bixinta gargaar bani'aadamnimo oo degdeg ah, dhiirrigelinta xuquuqaha aadanaha, kobcinta horumar la joogteyn karo, iyo xoojinta maamulka iyo talinta sharciga.