UNTMIS
Hawlgalka Kalaguurka ee Kaalmaynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya

Madaxa UNOPS oo booqasho ku yimid Soomaaliya, xaqiijiyayna sida ay uga go'an tahay dhiirrigelinta nabadda iyo horumarka

UNOPS Chief inaugurate new UNOPS Somalia Country Office

Muqdisho — Booqashadii ugu horeysay ee uu Soomaaliya ku yimaado, ayaa Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey (USG) ahna Agaasimaha Fulinta Xafiiska Qaramada Midoobay ee Adeegyada Mashaariicda (UNOPS), Jorge Moreira da Silva, waxaa uu xaqiijiyay sida ay hay'addu uga go'an tahay taageeridda dadaallada nabad-dhisidda Soomaaliya iyo ka caawinta in ay gaarto yoolalka horumarineed ee ay higsanayso.

“Ballanqaadkeenna Soomaaliya waxaa uu diiradda saarayaa nabadda iyo horumarinta. Horumar waara wuxuu ku bilowdaa nabad wuxuuna ku socdaa hab ay dadku xuddun u yihiin, kaas oo la halmaala in shakhsiyaadka laga ilaaliyo dhibaatooyinka iyo in lgacan laga siiyo dhabbahooda soo kabashada,” ayuu yiri Md. da Silva, oo soo gabagabeeyay booqasho laba maalmood ahayd oo uu ku joogay caasimadda, Muqdisho.

UNOPS Chief met with Somalia's Deputy PM

Intii uu safarkiisa ku guda jiray, Md. da Silva wuxuu la kulmey Ra'iisul Wasaare Ku-xigeenka Dowladda Federaalka Soomaaliya, Cabdirsalaam Cabdi Cali, iyo Wasiirka Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada, Bashiir Maxamed Jaamac.

“Waxaan dadka Soomaaliyeed ku garab taagannahay dagaalka ay kula jiraan argagaxisada iyo dadaallada ay ugu jiraan nabadda iyo xasilloonida. Waxaanna sida ay nooga go'an tahay in aan taageero bixinno ku muujiyay kulankii aan la yeeshay Ra'iisul Wasaare Ku-xigeenka Soomaaliya Cabdisalaam Cabdi Cali,” ayuu yiri Md. da Silva.

Wuxuu sidoo kale la kulmey hoggaanka Sare ee QM, oo ay ka mid yihiin Ku-Xigeenka Ergayga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud u jooga Soomaaliya, Raisedon Zenenga, iyo Ku-Xigeenka Ergayga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud, ahna Isu-duwaha QM ee Arrimaha Deegaanka iyo Isu-duwaha Arrimaha Bani'aadamnimada ee Soomaaliya, George Conway.

UN Under-Secretary-General and UNOPS Executive Director Jorge Moreira da Silva and his delegation in a meeting with the UN Deputy Special Representative for Somalia, Raisedon Zenenga, in Mogadishu, Somalia, on 13 April 2025

Xarig-ka-jaridda xafiiska dalka ee UNOPS

Maalintii koowaad ee booqashadiisa, Ku-xigeenka Xoghayaha Guud (USG) wuxuu xarigga ka jarey xafiiska UNPOS ee dalka ee Soomaaliya ee dhowaan la dhisey, oo lagu xusayay 30kii sano ee ay hay'addu ka shaqeynaysay dalka.

“Soddon sano, ayaa waxaan taageerayney shacabka Soomaaliyeed, annaga oo la shaqeynayney dowladda iyo bah-wadaagta kale si aan gacan uga geysano sii xoojinta awoodda hay’adaha Soomaaliyeed iyo bixinta mashaariicda qaybaha xasaasiga ah, sida caafimaadka, gaadiidka, maamulka iyo nabadda iyo amniga,” ayuu yiri Md. da Silva.

UN Deputy Special Representative for Somalia George Conway, speaks at the inauguration of the newly constructed UNOPS country office premises in Mogadishu, Somalia, on 13 April 2025
UN Deputy Special Representative for Somalia George Conway, speaks at the inauguration of the newly constructed UNOPS country office premises in Mogadishu, Somalia, on 13 April 2025

Ku-Xigeenka Ergayga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud, George Conway, oo goob-joog ka ahaa furitaanka, ayaa carabka ku adkeeyay in furitaanka dhismaha cusub ay xaqiijinayso ballanqaadka UNOPS ee Soomaaliya, oo si weyn wax ugu biirrineysa qaybaha kala duwan sida nabadda iyo amniga, hawlaha booliska, asluubta, gaadiidka iyo kaabayaasha dhaqaalaha ee magaalooyinka iyo caafimaadka.

“Waxaa ay muujineysaa sida qotada dheer ee UNOPS ay uga go’an tahay hawsha ay ka waddo Soomaaliya, si loo waafajiyo mudnaanaha hortabinta u leh qaranka, iyo in QM oo mid ah ay ka wada-shaqeyso sidii loo xaqiijin lahaa mudnaanaha qaran ee Soomaaliya,” ayuu yiri Md. Conway.

Bangigga Dhiigga Qaranka oo Nafaha badbaadinaya

Maalintii labaad ee booqashadiisa, Md. da Silva iyo wefdigiisu waxaa ay booqdeen Bangigga Dhiigga Qaranka ee ku yaalla Isbitaalka Banaadir, oo ah xarun ay dhistey hay'adda UNOPS oo uu maalgeliyay Sanduuqa Qaramada Midoobey ee Dadweynaha ee United Nations Population Fund (UNFPA), oo kaashanaya Ururka Caafimaadka Adduunka (WHO), UN Women, iyo Dowladda Soomaaliya. Wuxuu si toos ah indhihiisa ugu arkay raadka mugga weyn ee mashruucu ku leeyahay nafaf badbaadinta iyadoo loo marayo tabarrucaadaha dhiigga ee degdegga ah.

UNOPS chief at Somalia's National Blood Bank
A delegation led by UN Under-Secretary-General and UNOPS Executive Director Jorge Moreira da Silva, pose for a photo with Director General of the National Blood Bank Dr. Abdirahman Hassan Mohamed and Ministry of Health Director General Dr. Guled Abdi Jalil in Mogadishu, Somalia, on 14 April 2025.

“Labadan maalmood waxaan arkey saameynta mashaariicdeenna; bangigga dhiigga qaranka ee aan dhisney annaga oo kaashaneyna hay'adaha UNFPA, WHO iyo dowladda ee markii ugu horreysay Soomaaliya laga sameeyay waa kaabe naf-badbaadiye ah,” ayuu yiri Md. da Silva.

Bangigga dhiigga qaranka wuxuu ku qalabeysan yahay tiknoolajiyad casri ah, wuxuunna awoodaa in uu kaydiyo ilaa 10,000 xirmo oo dhiigg la tabarrucey ah iyo baarista, diyaarinta, iyo si ammaan ah u kaydinta dhiigga iyo waxyaabaha dhiigga laga farsameeyo.

“Taageerada aan bixinno ee lagu xoojinayo nidaamka caafimaadka Soomaaliya ayaa intan ka badan. Waxaan sidoo kale kala shaqeynaynaa Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya kordhinta helidda daryeel caafimaad annaga oo dhiseyna oo dayactireyna lix isbitaal goboleed iyo xarun dhexe oo qaboojiye ah,” ayuu hadaliisa ku darey.

A medical officer poses with blood samples at the National Blood Bank Center in Mogadishu, Somalia, on 14 April 2025.

Ka-wada-shaqeynta Amniga

Ku-xigeenka Xoghayaha Guud (USG) ayaa sidoo kale gaadiid kuwa gurmadka degdegga ah iyo gaari xamuul ah ku wareejiyay Ciidanka Xoogga Dalka (CXD) taas oo qayb ka ahayd mashruuc uu maalgeliyay Sanduuqa Nabadda Yurub ee European Peace Facility (EPF), oo muujineysa iskaashiga xooggan ee u dhaxeeya UNOPS iyo Midowga Yurub (EU).

Danjiraha Midowga Yurub u fadhiya Soomaaliya, Karin Johansson, ayaa bogaadisay geesinnimada ciidamada CXD ee dagaalka kula jira Al-Shabaab, waxaana ay xustay in qalabka la wareejiyay uu qayb ka yahay €110 milyan oo Yuuro oo Midowga Yurub uu ku taageerayo ciidamada CXD. Qalabka waxaa lagu wareejiyay Gaashaanle Sare Axmed Muuse oo ka tirsan CXD.

European Union Ambassador to Somalia Karin Johansson, speaks during the handover of equipment to the Somali National Army at the UNOPS office in Mogadishu, Somalia, on 14 April 2025.
European Union Ambassador to Somalia Karin Johansson, speaks during the handover of equipment to the Somali National Army at the UNOPS office in Mogadishu, Somalia, on 14 April 2025.

“Qalabkan, oo la soo marsiiyay iskaashigii aan UNPOS la lahayn dhowrkii sano ee la soo dhaafey, ayaa waxaan rajeynaynaa in uu u fududeyn doono dadaallada ka socda gudaha,” ayuu yiri Danjiraha Midowga Yurub.

​​”Waxaan arkey dadaallada ay wadaan saaxiibadeyda shaqada kaas oo lagu dhisayo awoodaha hawlgal ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya iyadoo la siinayo taageero aan hub ahayn. Shaqadan, oo uu maalgeliyay Sanduuqa Nabadda Yurub ayaa muhiim u ah horumarinta nabadda iyo amniga iyo talinta sharciga ee Soomaaliya,” ayuu hadalkiisa ku darey Md. da Silva.

UNOPS ee Soomaaliya

Iyadoo lahaansho qaran iyo horumarinta awoodda ay yihiin mudnaanaha muhiimka ah, ayaa UNOPS waxa si dhow bah-wadaagta ugala shaqeysaa in ay gacan ka siiso xoojinta awoodda hay'adaha Soomaaliya waxayna taageertaa waxqabadyo kala duwan iyadoo ka wakiil ah bah-wadaagta qaybaha xasaasiga ah – oo ay ka mid yihiin qaybaha caafimaadka, maamulka, nabadda iyo amniga.

UN Under-Secretary-General and UNOPS Executive Director Jorge Moreira da Silva and European Union Ambassador to Somalia Karin Johansson pose for a photo with SNA and FGS officials at the UNOPS office in Mogadishu, Somalia, on 14 April 2025.

Laga bilaabo dhisidda kaabayaal u adkeysta-cimilada iyo taageeridda sii wanaajinta waaxda amniga, ilaa hirgelinta qorsheynta u-diyaar-garowga masiibooyinkaa iyo mashaariicda ka-soo-kabashada dhibaatada, UNOPS waxay wadajir ahaan ula shaqeysaa bah-wadaagta si ay u taageerto dib-u-dhiska iyo qaran-dhiska Soomaaliya.

“Annaga oo isha ku hayna mustaqbalka, ayaa waxaan dooneynaa in aan sii ambaqaadno taageeradeenna ilaa hadda aan bixinney, in aan bixino xalal dhab ah oo wax looga qabanayo baahiyaha oo aan gacanna ka geysanno dhisidda mustaqbal ka wanaagsan kan hadda, oo ayna umadda Soomaaliyeed ay ka adkeysi badan tahay sida hadda,” ayuu yiri Md. da Silva.

UNOPS Somalia staff in a group photograph with UN Under-Secretary-General and UNOPS Executive Director Jorge Moreira da Silva after the inauguration of the newly constructed UNOPS country office in Mogadishu, Somalia, on 13 April 2025.

Booqashada uu Agaasimaha Fulinta UNOPS ku yimid Soomaaliya waa qayb ka mid ah socdaal muddo toddobaad ah soconaya oo uu Geeska Afrika ku yimid, kaas oo sidoo kale uu ku tagi doono dalalka Suudaan iyo Itoobiya si uu ula kulmo madaxda iyo bah-wadaagta oo una soo arko saameynta ay taageerada UNOPS ku yeelatey bulshooyinka degaanka.