UNTMIS
Hawlgalka Kalaguurka ee Kaalmaynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya

UNMAS oo dadaallada la-dagaallanka qaraxyada macmalka ah ku xoojisey qalab cusub

Senior representatives from the UN and the Federal Government of Somalia pose for a group photo during a handover event facilitated by UNMAS in Mogadishu

Muqdisho — waddada Soomaaliya ay ku tiigsaneyso in ay isku-filnaansho kaga gaarto amniga qaranka ayaa maanta xoojin weyn heshey ka dib markii lagu wareejiyey qalab kala duwan oo naf-badbaadin ah oo lagula dagaallamo halista joogtada ah ee qaraxyada macmalka ah (IEDs).

“Marka lagu xisaabtamo halista qaraxyada macmalka ah ay ku hayaan Soomaaliya, waxaa muhiim noqoneysa in aan joogteyno kartida ay leeyihiin ciidamada amniga, gaar ahaan waqtigan la joogo oo aan ogsoonnahay in ugu dambeynta ay si tartiib-tartiib ah u bixi doonaan ciidamada Midowga Afrika,” ayaa ay tiri Agaasimaha Hay’adda Qaramada Midoobey ee Miino-Saarista intii lagu guda jirey munaasabadda wareejinta qalabka iyo agabka kale.
UNMAS Director Ilene Cohn delivers her remarks during a handover event facilitated by UNMAS in Mogadishu.
UNMAS Director Ilene Cohn delivers her remarks during a handover event facilitated by UNMAS in Mogadishu. UN Photo / Mukhtar Nuur
Munaasabadda lagu wareejinayey qalabka ayaa ka dhacdey Muqdisho. Dowladda Soomaaliya waxaa matalayey Wasiiru-dowlaha Gaashaan-dhigga, Cumar Cali Cabdi, oo ay weheliyeen Taliyaha Ciidamada, Generaal Madey Nurey, iyo saraakiil kale oo sare oo ka tirsan Ciidanka Qaranka.
“Waxaan u baahannay tababarro iyo qalab kale sababta oo ah waxaan dagaal kharaar kula jirnaa cadow hubka ay door-bidaan uu yahay miinooyin ay geliyaan waddooyinka. Miinooyinka ayaa gaabis ku keenaya hawsheenna, haddii aan taas xal u helnana, waxaan awoodi doonnaa in degaanno kale oo badan aan xoreyno,” ayaa uu Wasiir Cumar ku yiri hadalkii uu u jeediyey dadkii ka soo qaybgaley kulanka, isaga oo cadowga uu ka hadley ula jeedey kooxda argagaxisada ah ee Al-Shabaab.
Somalia's State Minister of Defence Omar Ali Abdi delivers his remarks during a handover event facilitated by UNMAS in Mogadishu.
Somalia's State Minister of Defence Omar Ali Abdi delivers his remarks during a handover event facilitated by UNMAS in Mogadishu. UN Photo / Mukhtar Nuur
Isaga oo uu wejeliyo Madaxa barnaaijka UNMAS ee Soomaaliya, Fran O’Grady, ayaa Wasiir Cumar waxaa uu saxiixey la-wareegidda agabka, oo ay ka mid ahaayeen baabuur, xirmooyin loogu talogaley tababaridda tababarayaasha (ToT), qalabka baarista waddooyinka/Route Search (RS) Gear, qalab caafimaad, iyo qalabka asturidda waxyaabaha qarxa (EOD).
Marka laga soo tago qalabka, munaasabadda ayaa sidoo kale lagu maamuusayey 51 xubnood oo ka tirsan kooxaha EOD iyo RS oo dhammeystey tababar.
Chief of UNMAS in Somalia Francis O’Grady and State Minister of Defence Omar Ali shake hands after signing documents during a handover event facilitated by UNMAS in Mogadishu.
Chief of UNMAS in Somalia Francis O’Grady and State Minister of Defence Omar Ali shake hands after signing documents during a handover event facilitated by UNMAS in Mogadishu. UN Photo / Mukhtar Nuur
Dhinaca Qaramada Midoobey, marka laga soo tago Ms. Cohn oo caadi ahaan uu saldhiggeeda shaqada uu yahay Xarunta Dhexe ee QM ee New York, waxaa goobjoog ahaa Ku-xigeenka Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee QM u qaabilsan Soomaaliya, Raisedon Zenenga.
"QM waxaa ay ciidamada amniga Soomaaliya ka dhiseysaa karti la taaban karo oo la xiriirta Asturidda Waxyaabaha Qarxa (EOD), saarista Qaraxyada Macmalka ah (IED) waana tan aan maanta halkaan u joogno – in aan dhisno karti sii jirta muddo dheer ka dib marka ay tagaan UNMAS, UNTMIS (Hawlgalka Ku-meelgaarka ah ee QM ee Kaalmada Soomaaliya) iyo UNSOS (Xafiiska QM ee Kaalmada Soomaaliya),” ayaa uu yiri Mudane Zenenga mar uu la hadlayey dadkii halkaa isugu yimid.
UN Deputy Special Representative Raisedon Zenenga delivers his remarks during a handover event facilitated by UNMAS in Mogadishu.
UN Deputy Special Representative Raisedon Zenenga delivers his remarks during a handover event facilitated by UNMAS in Mogadishu. UN Photo / Mukhtar Nuur
Taageero muddo dheer socota
Guud ahaan Soomaaliya, Qaraxyada Macmalka ah (IEDs) ayaa weli halis weyn ku haya nabadda iyo amniga, iyada oo sanadkii la soo dhaafey ay dhaceeen 597 qarax oo macmal ah oo ay dhimasho iyo dhaawac ka soo gaareen dad ka badan 1,400 qof. Si wax looga qabto halistan, ayaa kooxaha EOD ee ka tirsan ciidanka qaranka ee ay tababartey UNMAS ay horumar weyn xaqiijiyeen, iyaga oo ku guuleystey 70% soo-ogaanshaha halka la dhigey iyo soo-saarista Qayaxyada Macmalka ah.
UNMAS staff load a vehicle with lifesaving equipment during a handover event facilitated by UNMAS in Mogadishu.
UNMAS staff load a vehicle with lifesaving equipment during a handover event facilitated by UNMAS in Mogadishu. UN Photo / Mukhtar Nuur

Marka laga soo tago gacan-siinta kobcinta kartida ee ciidamada amnia Soomaaliya ee dhinaca wax ka qabashada halista qaraxyada iyada oo loo marayo taageero tababarid, qalabeyn iyo talo-siin, ayaa UNMAS waxaa ay talo siyaasadeed iyo mid farsamo ay DFS iyo Dowlad-Goboleedyada ka siisaa yareynta halista khatar ka dhalata qarax, hub iyo rasaas, iyo waajibaadyada dad ka soo raacaya Heshiiskii Mamnuucidda Adeegsiga, Keydinta, Soo-saaridda iyo Wareejinta Miinooyinka Dadka iyo Burburintooda ee dhacay sanadkii 1997.

UNMAS Director Ilene Cohn handover keys to vehicles donated to the Somali National Army during a handover event facilitated by UNMAS in Mogadishu.
UNMAS Director Ilene Cohn handover keys to vehicles donated to the Somali National Army during a handover event facilitated by UNMAS in Mogadishu. UN Photo / Mukhtar Nuur
Laga soo bilaabo sanadkii 2021 ilaa hadda, UNMAS waxaa ay tababartey ayna qalabeysay 51 ka tirsan kooxaha Ciidanka Qaranka ee EOD iyo tababarka tababarayaasha iyada oo loo marayo koorsooyinka Tababarka Tababarayaasha (ToT) si loo hubiyo waaridda dadaallada kobcinta kartida. UNMAS waxaa ay sidoo kale tababartey Ciidanka Booliska Soomaaliyeed – iyada oo loo marayo maaliyad laga heley Dowladda Japan – taas oo ay ka dhalatey tababaridda iyo qalabeynta 21 xubnood oo ka tirsan kooxaha EOD ee ciidanka booliska.
Isaga oo ka hadlayey munaasabadda, ayaa Mr. O’Grady waxaa uu mar kale ku celiyey sida hay’adda QM ee la-dagaallanka miinooyinka ay uga go’an tahay hubinta in ciidamada SNA ay karti buuxda u yeeshaan maareynta halisaha Qaraxyada Macmalka ah (IED) ayna gacan ka geystaan amniga iyo xasiloonida Soomaaliya ee muddada fog.
Chief of UNMAS in Somalia Francis O’Grady, delivers his remarks during a handover event facilitated by UNMAS in Mogadishu.
UN Photo

“Hawsheena weli fari kama qodna”. Hawlo aad u badan ayaa weli harsan oo aan ahayn keliya tababaridda kooxaha ee sidoo kale la halmaala dhammaan dhinacyada kale ee loo baahan yahay in la diyaariyo si karti joogto ah loogu yeesho Asturidda Waxyaabaha Qarxa (EOD), taas oo ah karti ay hoggaan u yihiin Soomaalida oo mustaqbalka wax looga qabto halisahan ,” ayaa uu yiri.