UNTMIS
Hawlgalka Kalaguurka ee Kaalmaynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya

Xuska Maalinta Caalamiga ah ee Caymiska Guud ee Caafimaadka oo maanta laga xusay Soomaaliya iyadoo lagu baaqey in la helo nidaam daryeel caafimaad loo dhan yahay oo ay heli karaan dhammaan dadka Soomaaliyeed

Marti daawanaysa sawir-gacmeedka farshaxannada Soomaaliyeed oo lagu soo bandhigay munaasabad lagu xusayay Maalinta Caalamiga ah ee Caymiska Guud ee Caafimaadka oo lagu qabtay Matxafka Qaranka ee magaalada Muqdisho, Soomaaliya, 18-ka Disembar 2024-ka.

Muqdisho – Muhiimadda ay u leedahay guud ahaan umadda Soomaaliyeed in ay helaan adeeg caafimaad ayaa todobaadkan si toos ah isha loogu wada hayay intii ay socotey munaasabad ka dhacday caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho, si loo xuso Maalinta Caalamiga ah ee Caymiska Caafimaadka (UHCD).

“Gaarista caymiska guud ee caafimaadka iyo xaqiijinta in dadka Soomaaliyeed oo dhan ay helaan adeegyo caafimaad, oo ay ku jiraan kuwa ku nool degaamada iyo magaalooyinka fog, ayaan shaki lahayn in ay tahay wax adag,” ayaa uu yiri Dr. Axmed Aadam Maxamed, La-taliyaha Sare ee Arrimaha Xoojinta Nidaamka Caafimaadka ee Wasaaradda Caafimaadka ee Dowladda Federaalka. “Hase-yeeshee, waxaa ay u baahan tahay dadaalka wadajirka ah ee dowladda, beesha caalamka iyo muwaadiniinta laf-ahaantooda.”

Af-Maay speaker/writer, Abdinur Omar Abdi, speaks at an event to mark International Universal Health Coverage Day at the National Museum in Mogadishu, Somalia, on 18 December 2024.

“Heerka gaarista ee Soomaaliya ayaa hooseeya. Sida ku cad qiyaasaha la sameeyay, tusmada gaarista adeegga UHC ayaa ah 27 marka loo eego 100. Waa midka ugu hooseeya caalamka, sidaa daraaddeed waxaa jirta shaqo badan oo loo baahan yahay in la sameeyo. Waxaa jira ballanqaad ay sameeyeen dowladda, xirfadlayaasha caafimaadka, jaamacadaha, muwaadiniinta, iyo beesha caalamka oo ah in ay ka shaqeyn doonaan Caymiska Guud ee Caafimaadka. Weli shaqo badan ayaa dhiman, laakiin waxaa jira calaamado horumar ah oo muuqda,” ayuu yiri Dr. Marina Madeo, La-taliyaha Siyaasadda Caafimaadka ee Hay'adda Caafimaadka Adduunka.

Labada saraakiil ayaa ka hadlayay kulan lagu qabtey Matxafka Qaranka ee Soomaaliya maalintii Arbacada si loo xuso maalinta UHCD. Munaasabadda waxaa sidoo kale goobjoog ka ahaa cilmi-baarayaal, Farshaxaniisteyaal, wakiillo ka socday bulshada rayidka ah iyo saraakiisha QM.

“Soomaaliya ayaa caalamka hormoodka ka ah xagga dhimashada hooyada, iyadoo 692 oo ka mid ah 100,000 oo haween ah ay dhintaan xilliga dhalmada. Arrintan waa xaqiiqo xanuun badan oo musiibo leh,” ayuu yiri Ku-xigeenta Waaxda Cilmi-baarista iyo La-talinta Jaamacadda SIMAD, Dr. Najib Isse Dirie.

“Si wax looga qabto dhibaatooyinka oo loo soo xiro daldaloolkan helidda daryeelka caafimaadka, caalamka wuxuu ku socdaa dhanka caymiska guud ee caafimaadka,” ayuu raaciyay. “Taasi waa sababta aan halkan u joogno maanta: Wasaaradda Caafimaadka, oo taageero ka helaysa bah-wadaag kala duwan, ayaa wada dadaal weyn oo ay ku wanaajinayso nidaamka daryeelka caafimaadka.”

Munaasabadda – oo ay si wadajir ah u soo abaabuleen Wasaaradda Caafimaadka iyo Adeegyada Aadanaha, hay'adda WHO iyo Kooxda Ilaalinta iyo Xuquuqaha Aadanaha (HRPG) ee Hawlgalka Kalaguurka ee Kaalmaynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNTMIS) – ayaa hiigsigeeda ahaa in kor loo qaado wacyigelinta UHCD.

An art painting by a Somali artist on display at the National Museum of Somalia in commemoration of International Universal Health Coverage Day at the National Museum in Mogadishu, Somalia, on 18 December 2024.

“Hal-kudhegga sanadkan waa hubinta in ay dowladaha bixiyaan caymiska guud ee caafimaadka muwaadiniintooda. Marka laga eego dhinaca xuquuqda caafimaadka, tani waxaa ay ka dhigan tahay in daryeelka caafimaadka uu yahay mid la heli karo, la aqbali karo, oo loo siman yahay,” Madaxa kooxda HRPG ee UNTMIS, Kirsten Young, ayaa sidaa ku sheegtay hadalkeedii munaasabadda.

“Annaga oo ah u-qareemeeyayaasha xuquuqaha aadanaha, ayaa waxaan si gaar ah u xiiseynaynaa in aan hubinno dadku in ay macluumaadka caafimaadka ku heli karaan luuqadahooda,” ayaa ay raacisay. “Waxaan maanta halkan ku haynaa ilaa todoba luuqadood iyo lahjado oo uu farshaxan la socdo. Farshaxanku sidoo kale waa hab cajiib ah oo dadka Soomaaliya loogu gudbin karo farriimaha ku saabsan daryeelka caafimaadka.”

Munaasabadda UHCD ayaa waxaa lagu qabtey Matxafka Qaranka oo ah goob dadweyne oo muhiim ah, iyada oo la eegayo shaqadiisa aasaasiga ah ee ku wargelinta dadweynaha arrimaha taagan iyo ka qayb qaadashada ra'yiga dadweynaha ee ku saabsan mudnaanta xuquuqaha aadanaha iyo arrimaha caddaaladda bulshada.

“Waxaannu ka wada hadleynaa sidii daryeel caafimaad oo dhammeystiran loo heli lahaa. Doorka uu matxafku ku leeyahay xaaladdan iyo bulshada dhexdeeda waa wacyi-gelinta iyo baridda dadweynaha dhaqankooda, nolosha guud ahaan, iyo sidii ay u heli lahaayeen daryeel caafimaad,” ayuu yiri Maareeyaha Matxafka Qaranka, Dr. Cusmaan Geedow Caamir, isaga oo la hadlaya dadkii meesha isugu yimid.

Caqabadaha

Nidaamka caafimaadka Soomaaliya waxaa uu wajahayaa caqabado badan, oo ay ka mid yihiin colaado, isbeddelka cimilada iyo dhaqaale la’aan. Bulshooyinka ku nool meelaha fogfog ee dalka ayaa wajaha dhibaatada ugu badan oo badanaana ma helaan macluumaadka habboon ee daryeelka caafimaadka.

Dalkan Geeska Afrika ku yaalla ayaa hadda kaalimaha hoose kaga jira tusaha Caymiska Guud ee Caafimaadka (UHC), taas oo muujinaysa heerka ugu hooseeya ee UHC ee caalamka.

Si wax looga qabto caqabaddan, maamullada caafimaadka ee Soomaaliya, Matxafka Qaranka, Jaamacadda SIMAD, WHO iyo UNTMIS ayaa iska kaashanaya xaqiijinta macluumaadka daryeelka caafimaadka in la heli karo. Dadaalkan waxaa ka mid ah diyaarinta farriimo cad oo ku saabsan helitaanka iyo aqbalaadda adeegyo daryeel caafimaad oo tayo leh.

“Xaquuqda caafimaadka waxay ku saabsan tahay helidda, waxaadna kaliya heli kartaa haddii aad hayso macluumaad aad fahansan tahay, aad dareento in aad u dhow dahay, oo aad ku kalsoonaan karto marka ay dadku macluumaadka wadaagaan,” ayay tiri Marwo Young, oo sidoo kale ah wakiilka Soomaaliya ee Xafiiska Xuquuqda Aadanaha Qaramada Midoobay.

Ka-qaybgalayaasha munaasabadda xuska ayaa soo dhaweeyay dadaalka loogu wadaagayo macluumaadka daryeelka caafimaadka lahjado kala duwan si kor loogu qaado ka-qaybgalka dadweynaha ku nool degaamada fogfog ee dalka.

“Waxaan Wasaaradda Caafimaadka ugu baaqayaa in ay u tarjunto dhammaan macluumaadka daryeelka caafimaadka dhammaan lahjadaha Soomaaliya si macluumaadka maanta halkan matxafka lagu soo bandhigay uu qof walba u fahmo. Waxaan aad ugu faraxsanahay in sidoo kale loo tarjumay afkeyga Af Baraawani,” ayay tiri Safiya Jeylaani, oo ka soo-jeeda Degmad Baraawe ee Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya.

Af-baraawe (Chimwini) speaker, Safia Jaylaani, speaks at an event to mark International Universal Health Coverage Day at the National Museum in Mogadishu, Somalia, on 18 December 2024.

QM iyo daryeelka caafimaadka

UHCD ayaa xusaysa sannad-guuridii ayidaadii taariikhiga ahayd ee aan loo kala harin ee ay Qaramada Midoobay ku ayiday caymiska guud ee caafimaadka sanadkii 2012. Hay'adda caalamiga ah waxaa ay u qareemaysaa caymiska guud ee caafimaadka (UHC) si ay kor ugu qaado wanaagga, caafimaadka dhimirka iyo jirka, iyo si ay u kordhiso celceliska cumriga uu qofku noolaan karo ee dadka oo dhan.

Caymiska Guud ee Caafimaadka (UHC) waxaa uu ku saleysan yahay mabaadii'da sinnaanta iyo takoor la'aanta, oo muhiim u ah helitaanka xuquuq caafimaad, hubinta in dadka ugu nugul la gaaro oo la caymiyo, iyo in aan cidna ka harin iyadoo la raacayo Yoolalka Horumarinta ee La Joogteyn Karo.

Yoolashu waa baaq caalami ah oo lagu joojinayo saboolnimada, ilaalinta meeraha iyo horumarinta nolosha iyo rajooyinka qof walba meel walba uu joogo, waxaanna ansaxiyay Dowladaha Xubnaha Ka Ah QM sannadkii 2015 oo ah qayb ka mid ah Ajendaha 2030, kaas oo dhigaya qorshe 15-sano ah oo lagu gaarayo yoolasha SDGs.

Sida ay qabto WHO, dadka caafimaadka qaba waxaa ay dhisaan bulshooyin adkeysi badan leh, waxsoosaar leh, nabad iyo barwaaqo ku nool, laakiin in ka badan kala-bar dadka caalamka weli ma helaan adeegyada caafimaadka aasaasiga ah. Waxaa ay intaa ku dareysaa in caymiska guud ee caafimaadka uu ahaan doonno mid ay adag tahay in la helo ilaa ay dawladuhu si ku filan u maalgeliyaan ka ilaalinta dadka - gaar ahaan dadka kuwa ugu nugul - kharashaadka caafimaadka ee cayrteeya.