UNTMIS
Hawlgalka Kalaguurka ee Kaalmaynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya

Soomaaliya oo xustay Maalinta Caalamiga ah ee Haweenka Ka Hawlgala Waaxda Badda, taas oo muujinaysa doorka sii kordhaya ee haweenka ku leeyihiin waaxda

Group photo - Marking the International Day for Women in Maritime in Somalia - 18 May 2025

Muqdisho — Doorka muhiimka ah ee ay haweenka ku leeyihiin horumarinta waaxaha la halmaala badda ee Soomaaliya iyo baahida loo qabo in si ay weyn uga qaybqaataan ayaa maanta lagu muujiyay munaasabad lagu xusayay Maalinta Caalamiga ah ee Haweenka Ka Hawlgala Waaxda Badda.

“Maanta waxaa ay ina xusuusinaysaa in loo baahan yahay in horumarku uu ahaado mid loo wada dhan yahay oo arrimaha jinsiga wax-ka-qabanaya. Hal-ku-dhegga sannadkan (Fursado Bad ah oo Haweenka u Furan) ayaa ina xusuusinaya in qaran aanu kor-u-kici karin haddii kala-bar dadkiisa, kala-bar hibadiisa, laga reebo,” ayaa ay tiri Nasrin Khan, oo ah Madaxa Kooxda Talinta Sharciga iyo Hay'adaha Amniga ee Hawlgalka Kalaguurka ee Kaalmaynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNTMIS).

Nasrin Khan Group photo - Marking the International Day for Women in Maritime in Somalia - 18 May 2025

“Dhammaan haweenka Soomaaliyeed ee ku hawlan Badda waxaan leeyahay, hoggaamintiina, himiladiina iyo dhiirranaantiina ayaa qaabeynaya mustaqbalka Soomaaliya oo xiiso-gelinayana gobolka,” ayaa ay raacisey. “Ma ahadiin keliya qayb ka mid ah sheekada badda, ee hoggaan ayaad u tihiin.”

Bishii Febraayo 2023kii, Dowladda Federaalka Soomaaliya, oo taageero ka heleysa Qaramada Midoobey, ayaa waxaa ay daaha ka rogtey Qorshe-howleedka Qaran ee Haweenka ku hawlan Waaxda Badda (WiMS), kaas oo hiigsanaya in uu kor-u-qaado oo uu awoodsiiyo haweenka Soomaaliyeed ee ku hawlan waaxda badda isaga oo kordhinaya fursadaha ay heli karaan.

Iyadoo hadalkeeda sii wadata, Ms. Khan waxay sidoo kale mar kale ku celisay ballanqaadka Qaramada Midoobey – gaar ahaan UNTMIS, Xafiiska QM u qaabilsan La-dagaallanka Maandooriyaha iyo Dembiyada (UNODC), Ururka Cuntada iyo Beeraha ee QM (FAO), iyo Hay'adda Caalamiga ah ee Badaha (IMO) – ee ah in ay Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo bah-wadaagta caalamiga ah kala shaqeeynayaan kobcinta dib-u-habeynta sharciga, amniga, iyo karti-dhisidda waaxda badda.

guests Marking the International Day for Women in Maritime in Somalia - 18 May 2025

Sarkaalka QM ayaa ka hadleysey munaasabad dabaal-deg ahayd oo ka dhacdey Muqdisho, taas oo ay ka soo qaybgaleen madax dowladeed oo kala duwan. Waxaa ka mid ahaa Wasiirka Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah, Axmed Xasan Aadan; Wasiiru-dowlaha Dekadaha iyo Gaadiidka Baddan, Maxamed Cabdulqaadir, Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda, Fartuun Cabdiqaadir; Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda Bay’ada iyo Is-beddelka Cimilada, Xuseen Cali Xaaji, iyo Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda Horumarinta Qoyska iyo Xuquuqul-Insaanka, Xanaan Barre.

Sidoo kale waxaa munaasabadda ka soo qaybgaley wakiillo ka socdey bah-wadaagta caalamiga ah, waaxda gaarka loo leeyahay, waaxda tacliinta, iyo ururrada bulshada rayidka ah, kuwaas oo ay weheliyeen saraakiil iyo khubarro ka socdey UNTMIS iyo Barnaamijka UNODC ee Global Maritime Crime Programme (GMCP), oo labadaba gacan ka geystey dabaaldegga maanta. Barnaamijka GMCP waxaa maaliyad siisa Dowladda Denmark.

Dadaal cusub

Munaabadda oo ay si wadajir ahaan u soo wada qabanqaabiyeen Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah (MFBE) iyo Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda, oo ay iskaashanayaan Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul-Insaanka, ayaa waxaa sidoo kale daaha looga rogey dadaal cusub oo diiradda lagu saarayo awoodsiinta haweenka iyada oo loo marayo waxbarid iyo shaqo-abuur la xiriira saaxada badda.

Minister Marking the International Day for Women in Maritime in Somalia - 18 May 2025

“Dowladda ayaa xil iska saartey kobcinta iyo sii ballaarinta taageerada ay helaan haweenka ku hawlan waaxda badda iyada oo hubineysa in ay helaan dhammaan caawimada ay u baahan yihiin haddii ay tahay taageero farsamo oo lagu kobcinayo haweenka ku hawlan badda sababta oo ah waxaa la ogaadey in haweenku ay laf-dhabar u yihiin horumarka Soomaaliya,” Wasiir Axmed ayaa sidaa yiri isaga oo la hadlayey dadkii halkaa isugu yimid.

“Wasaaradda Dekadaha iyo Arrimaha Badda waxay ballanqaadeysa in ay burburin doonto caqabadaha haweenka ka hortaagan ka-qaybgalka hawlaha badda, iyo sidoo kale in ay la dagaalami doonto takoorka, waxaana ay ka hawlgeli doontaa in ay shaqooyin iyo fursado hoggaamineed u abuurto haweenka Soomaaliyeed,” ayaa ay tiri Wasiir-ku-xigeen Fartuun.

“Codadka, hibooyinka, iyo yididiillada haweenka Soomaaliyeed waa in la soo ogaadaa laguna daraa istiraatiijiyaddeena qaran ee badda. Waxaan aaminsanahay in horumarka iyo sinnaanta jinsiga ay wada socdaan,” ayaa ay tiri Wasiir-ku-xigeen Xanaan.

Awards - Marking the International Day for Women in Maritime in Somalia - 18 May 2025

Abaalmarinno

Kulanka ayaa sidoo kale lagu aqoonsadey ka-qaybgalka haweenka Soomaaliyada iyada oo Abaalmarinnada Haweenka Ku Hawlan Badda la gudoonsiiyey 23 qof iyo hal urur dhallinyaro.

Dadka abaalmarinta la guddoonsiiyey waxaa ka mid ahayd Salma Cabdirisaaq Maxamuud, oo ah aasaasaha Seacare Somalia, oo ah urur u go’ay ilaalinta xeebaha Soomaaliyeed.

“Mid ka mid ah waqtiyada aan ugu jeclahay ee nolosheyda soo mara waa markii aan qabanqaabineyney ololayaashii nadiifinta xeebta. Dad badan ayaa isu yimid si ay inoogala qaybgalaan hawsha nadiifinta, si ay awood u siiyaan ayna u dhiirrigeliyaan dhaqdhaqaaqeenna. Tani waxaa ay ahayd waqti muhiim u ahaa xirfaddeyda shaqo ee aasaasiddii Seacare Somalia. Farxad dheeri ah ayaa ay i dareensiisaa maalin kasta waxaana ay gacan iga siisaa in aan sii wado hawsha waxtarka ballaaran leh ee aan u qabanayo ummaddeyda,” ayaa ay tiri Salma

Award group Marking the International Day for Women in Maritime in Somalia - 18 May 2025.jpg

Qof kale oo la guddoonsiiyey abaalmarin, Ikraan Maxamed Cabdullaahi, oo ah madaxa waaxda horumarinta cududda shaqaalaha ee Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah (MFBE), ayaa tiri, “Waxaan haweenka ku dhiirrigelinayaa in aaney niyad-jebin iyo in aaney rajo dhigin… haweenka wax badan ayaa ay ka dheefi karaan waaxda badda sababta oo ah waxaa laga heli karaa maaliyad aad u badan, laakiin waxaa ay u baahan yihiin in ay bartaan xirfadaha kala duwan ee badda.”

QM iyo haweenka ku hawlan badda

Soomaaliya waxaa ay leedahay xeebta ugu dheer ee dhulweynaha Afrika, taas oo dhererkeedu ka badan yahay 3,333 kilomitir oo ku dherersan Badweynta Hindiya iyo Gacanta Cadmeed, waxaana si weyn loo aaminsan yahay in laga heli karo dhaqaale aad u badan. Inkasta oo ay suuragalnimadani ay jirto, haddana waxaa aad u yar khubaradda badda taas oo ay sababtey yaraanta waxbarashada iyo kartida hay’aadeed. Intaa waxaa dheer, sinnaan la’aanta jinsiga ee badan, taas oo haweenka iyo gabdhaha Soomaaliyeed duudsiinaysa xuquuqo aasaasi ah iyo fursado sida helidda waxbarashada badda iyo ka-qaybgalka dhaqaale.

Maalinta Caalamiga ah ee Haweenka Ku Hawlan Badda ayaa sanad walba dunida looga dabaaldegaa 18ka Maajo.

outside_banner Marking the International Day for Women in Maritime in Somalia - 18 May 2025.jpg

Dabaaldegga oo ay Hay’adda Caalamiga ah ee Badda (IMO) ay abuurtey sanadkii 2021kii, waxaa uu hadafkiisu yahay in lagu muujiyo guulaha iyo waxtarka haweenka ay ku soo biiriyeen waaxda badda, oo taariikhiyan ahayd mid ay raggu aad ugu xooggan yihiin. Maalinta ayaa looga danleeyahay in wax looga qabto dheelliga jira iyada oo loo marayo in la aqoonsado lana taageero waxtarka haweenku ay soo kordhiyeen. Soomaaliya gudaheeda, UNTMIS iyo UNODC ayaa ka barbar-shaqeynayey dowladda iyo bah-wadaagta si ay u taageeraan dadaalka Haweenka Ku Hawlan Badda tan iyo markii la daahrogey. Dadaalka ayaa haweenka Soomaaliyeed siiyey saaxad ay ku hoggaamiyaan, wax ku soo biiriyaan, ayna wax ku ikhtiraacaan iyada oo loo marayo karti-dhisid lagu sargooyey baahidooda, ka-qaybgalinta siyaasad-dejinta, iyo ololayaal wacyigelin oo laga dhex fulinayo guud ahaan hay’adaha federaalka iyo kuwa gobollada.