UNTMIS
Hawlgalka Kalaguurka ee Kaalmaynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya

Xiritaanka UNTMIS

31-ka Oktoobar 2026, Hawlgalka Kala-guurka ee Kaalmaynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNTMIS) ayaa soo gabagabeeyey muddadii labada sano ahayd ee kala-guurka, isla markaana si rasmi ah u soo afjaray hawlihiisii. Tallaabadan waxaa loo qaaday si waafaqsan qaraarrada Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ee tirsigoodu yahay 2753 (2024) iyo 2809 (2025), iyadoo la tixgelinayo codsigii Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Sahanka Ka-qeybgalka Dhallinyarada Soomaaliyeed

Somali youth survey wide banner

Qaramada Midoobay waxay dooneysaa inay maqasho aragtida dhallinyarada Soomaaliyeed ee ku saabsan arrimaha ugu muhiimsan ee saameeynaya iyaga, iyo sidii QM ay u xoojin lahayd ka-qaybgal waxtar leh iyo wada-hadalka loo dhan yahay.

 

Haddii aad xiisaynayso sahanka:

 

  • Waxaa lagu heli karaa af-Soomaali (Click here) iyo Ingiriisi (Click here) labadaba
  • Wuxuu u furan yahay dhammaan dhallinyarada Soomaaliyeed
  • Wuxuu xirmayaa 30-ka Noofambar 2025

 

Aragtidaadu waxay ka caawin doontaa Qaramada Midoobay inay dhisto wada-hadallo macno leh oo lala yeesho dhallinyarada, iyo inay qaabayso iskaashiga mustaqbalka ee bahda QM ay la yeelan doonto Soomaaliya.

Waxaan rajeyneynaa inaan maqalno codkaaga!