[Sidii uu u soo jeediyey]
Galab wanaagsan, waxaan ku faraxsanahay in maanta aan joogo Dhuusamarreeb si aan ula kulmo Madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye ‘Qoor Qoor.” Waxaan mar kale uga mahadcelinayaa wada-sheekeysigii saaxiibtinimadu ku dheehneyd ee aan ka yeelaney arrimo kala duwan iyo soo-dhoweynta diirran ee mar kasta na loogu sameeya halkan - Dhuusamarreeb.
Waa in aan sidoo kale xusaa in, markii aan halkan soo gaarey, aan aad ugu farxay in aan arko hawsha dhismaha ee sida xooggan uga socota garoonka diyaaradaha kaas oo lagu kordhinayo waddo kale oo laami ah oo ay diyaaraduhu ku cararaan, wax shaki ahna iigama jiro in tani ay gacan hor leh ka geysan doonto isu-socodka iyo horumarka Dhuusamarreeb, iyo guud ahaan, Galmudug.
Kulankii aan maanta yeelaney, waxaan Madaxweynaha iyo Anniga aan uga munaaqashoonney mowduucyo muhiimad u leh qaranka iyo degaankaba.
Dhinaca qaranka, iyada oo Soomaaliya ay u baahan tahay in ay qaaddo tallaabo xooggan oo la halmaasha arrimo badan oo dhinaca amniga ah iyo kuwo siyaasadeed, waxaan carrabka ku adkeeyey muhiimadda ay leeyihiin midnimada iyo wada-hadallo loo dhan yahay oo ay yeeshaan hoggaamiyeyaasha siyaasadeed iyo kuwa bulsho ee dalka.
Waxaan mar kale ku celiyey bayaankii horraantii bishan ka soo baxay bah-wadaagta caalamiga ah ee Soomaaliya – bayaankaas dhexdiisa, waxaan ku soo dhoweyney hindisihii uu ku dhawaaqey Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ee ku jirey farrintiisii Ciiddul Fitriga ee uu ku baaqey madal ay isugu yimaadaan dhammaan qaybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed si markaa si wadajir ah loogu adeego arrimaha mudnaanta u leh qaran-dhiska dalka oo si taabogal ahna wax looga qabto halista ka soo fool leh Al-Shabaab.
Marka loo soo noqdo arrimaha heer degaan ee Galmudug, Madaxweynaha iyo Anniga waxaan ka hadalney xaaladda bani’aadamnimo ee ba’an ee weli taagan, taas oo sababtey in dad ka badan 600,000 qof oo Galmudug ku nool ay u baahdaan gargaar.
Iyada oo lagu xisaabtamayo hoos-u-dhicii dhowaan ku yimid maaliyaddii laga heli jirey deeq-bixiyeyaasha, waxaa lagamamaarmaan u ah hoggaamiyeyaasha Soomaaliyeed, deeq-bixiyeyaasha, iyo Qaramada Midoobey, in ay waqtigan mudnaan siiyaan in dadka ugu nugul bulshada ay helaan gargaar. Qaramada Midoobey waxaa weli aad uga go’an in ay gacan siiso dadka baahidu hayso, taas oo ka tarjumeysa nuxurka hawsheenna bani’aadamnimada.
Madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye iyo Anniga waxaan sidoo kale isla soo qaadney qorsheyaal doorashooyn toos ah loogu qabanayo golayaasha degaanka. Waxaan dhiirrigelineynaa in geeddi-socodkan uu ahaado mid loo dhan yahay, wada-tashi ku dhisan oo kuna saleysan isu-tanaasul ballaaran si loo hubiyo inuu ka tarjumayo waxyaabaha ay ku haminayaan dadka Soomaaliyeed.
Waxaan sidoo kale ka munaaqashoonney dadaallada hadda socda oo lagu heshiisiinayo bulshooyinka ku wada dhaqan Galmudug, waxaana soo dhoweynayaa sida joogtada ah ee uu Madaxweynuhu uga shaqeynayo xallinta xiisadaha ka dhex dhaca qabaa’ilka.
Dhinaca amniga, dabcan, waxaan isla soo qaadney dadaallada muhiimka ah ee lagu joogteynayo dardarta uu ku socdo dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.
Waxaan aragney hawsha joogtada u socota ee lagu xoojinayo iskaashiga lala leeyahay ciidamada degaanka taas oo qayb ka ah dadaal lagu joogteynayo laguna xoojinayo dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab. Ugu dambeyntii, waxaan bogaadinayaa ciidamada iyo xoogagga difaaca degaanka ee reer Galmudug ee joogtada u wada dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.
Ugu dambeyntii, ii oggolaada in aan fursaddan uga faa’iideysto in mar kale aan xaqiijiyo taageerada QM ee Galmudug iyo arrimaha mudnaanta u leh qaran-dhiskeeda, iyo in aan Madaxweynaha iyo maamulkiisa ugu mahadceliyo wada-shaqeynta xooggan ee ay la leeyihiin Qaramada Midoobey.
Mahadsanidiin.





