UNTMIS
Hawlgalka Kalaguurka ee Kaalmaynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya

Maalinta Doodda Furan ee Haweenka, Nabadda iyo Amniga oo laga xusey Muqdisho iyada oo islamarkaana la daahrogey dadaal lagula dagaallamayo Tacaddiga Jinsiga Ku Dhisan (GBV)

Somali women attend to event in UNTMIS

Muqdisho – Muhiimadda ay leedahay kordhinta ka-qaybgalka iyo ka-qaybgelinta haweenka ee arrimaha siyaasadda iyo go’aan-qaadashada ee dalkooda ayaa hoosta looga xarriiqey kulan dhowaan ka dhacay caasimadda Soomaaliya, kaas oo uu sidoo kale qayb ka ahaa dadaal gacan looga geysanayo ka-hortagga tacaddiga jinsiga ku saleysan.

“Waa xaqiiq biyo-kama-dhibcaan ah in haweenku ay door muhiim ah ka soo qaateen wax ka qabashadii colaaddii, abaarihii iyo gaajadii ka dhacayey Soomaaliya sanado badan, laakiin su’aasha maanta la isweydiinayo waxay tahay in si buuxda loogu aqoonsadey dadaalladoodii – waxaan aaminsanahay in ay xaq tahay in sidaa la yeelo,” ayaa uu yiri Wasiirka Arrimaha Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul-Isnaanka ee Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya, Sarreeye Guud Bashiir Maxamed Jaamac.

“Haweenku ma aha keliya ka-faa’iideystayaasha nabadda, ee waxaa ay bulshadooda dhexdooda ka yihiin is-beddel-dhaliyeyaal firfircoon, dhexdhexaadiyeyaal iyo hoggaamiyeyaal. Marka laga hadlayo Soomaaliya, waxaan goobjoog u soo ahayn raadka weyn ee ka dhashey ka-qaybgelinta haweenka ee geeddi-socodka xallinta khilaafaadka, dib-u-dhiska bulshada iyo go’aan-qaadashada,” ayaa uu yiri Ergeyga Gaarka ah ee Guddoomiyaha Golaha Midowga Afrika (SRCC) u jooga Soomaaliya, Danjire Mohamed El-Amine Souef, oo sidoo kale ah madaxa Hawlgalka Ku-meelgaarka ah ee Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS).

“Soomaaliya tallaabooyin waaweyn ayaa ay qaaddey… Waxaana amaaneynaa u-qareemeynta aan kala joogsiga lahayn ee ay sameynayaan xubno badan oo ka tirsan baarlaanka, gaar ahaan xubnaha haweenka ah ee ka tirsan labada aqal iyo sidoo kale dadaallada joogtada ah ee ay bixinayaan ururrada bulshada rayidka ah ee haweenka si horey loogu sii wado horumarkan la gaarey,” ayaa uu yiri, Sii-hayaha Xafiiska Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee QM ee Soomaaliya, James Swan.

Acting UN Special Representative James Swan  speaks during the Open Day on Women, Peace and Security in Mogadishu
Acting UN Special Representative James Swan speaks during the Open Day on Women, Peace and Security in Mogadishu UN Photo / Fardosa Hussein

Saddexda sarkaal ee sare waxaa ay ka hadlayeen kulan maalintii Arbada dhacay oo lagu maamuusayey “Maalinta Furan ee Haweenka, Nabadda iyo Amniga,” oo laga xuso calaamka oo dhan taas oo hadafkeedu yahay in la muujiyo muhiimadda haweenku u leeyihiin ka-hortagga iyo xallinta colaadda ee la xiriira nabadda, wada-hadallada nabadeed, nabad-dhisidda, waxqabadka bani’aadamnimada iyo dib-u-heshiisiinta colaadda ka dib.

Waxaa dadkii ka soo qaybgaley sidoo kale ka mid ahaa Madaxa Xafiiska QM ee Kaalmada Soomaaliya (UNSOS), Kaaliyaha Xoghayaha Guud Aisa Kirabo Kacyira; Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul-Insaanka, Maxamed Cusmaan Cumar; xubno ka tirsan baarlamaanka, iyo wakiillo ka socdey bulshada rayidka ah iyo hay’adaha, sanduuqyada iyo barnaamijyada QM.

Horumarka lagu tallaabsadey

Geeddi-socodkii doorashada federaalka ee ugu dambeeyey ee Soomaaliya ka dhacay sanadkii 2022, yoolkii ay dowladdu beegsaneysey ee ahaa in haweenka ay 30 boqolkiiba ka helaan baarlamaanka lama xaqiijin. Kuraasta baarlamaanka ee haweenku heleen waa keliya 21 boqolkiiba, taas oo ah mid ka yar 24 boqolkiiba oo ay ka heleen meertidii hore ee doorashada ee dhacdey 2016kii.

Isaga oo ka hadlayey xuska Maalinta Doodda Furan, ayaa Sii-hayaha Ergeyga Gaarka ah ee QM waxaa uu xusey guulihii ay Soomaaliya xaqiijisey tan iyo waqtigaas. Guulahaas waxaa ka mid ahaa Baarlamaanka Federaalka oo ansaxiyey cutubyado ka mid Dastuurka ee wax-ka-beddel lagu sameeyey, oo uu ka mid yahay qodob waajibinaya in shuruucda mustaqbalka la dejin doono lagu daro faqrad sheegeysa in kooto 30 boqolkiiba ay haweenku ka helaan baarlamaanka, iyo sidoo kale sharciga Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka iyo Soohdimaha ee Qaran ee dhowaan la ansaxiyey, kaas sidoo kale ku jiro kuwootada haweenka.

“Qaramada Midoobey waxaa ay bogaadineysaa guulaha waaweyn ee ilaa hadda la xaqiijiyey waxaana ka go’an in ay idinkala shaqeyso in aad sii ambaqaaddaan hawsha. Waxaan diyaar u nahay in aan gacan ka geysanno hirgelinta nidaamyada iyo hababka doorashada ee hubinaya in kootada haweenka ee 30 boqolkiiba ah uusan ahaan keliya hami ee uu noqdo mid la xaqjiiyo,” ayaa uu yiri Mudane Swan.

“Waxaa munaaqahsooyin badan laga yeeshey doorashooyinka waxaana muhiim ah in geeddi-socodka doorashada laga qaybgeliyo muwaadin kasta oo Soomaaliyeed. Waxaan xaqiijinney baahida loo qabo in haweenka ay helaan saami cadaalad ku dhisan. Waxaa muhiim ah in aan u dagaallanno una midowno mabda’an,” ayaa uu Wasiir Sarreeye Guud Bashiir u sheegey dadkii kulankaa ka soo qaybgaley.

Acting UN Special Representative James Swan shakes hands with Somalia's Minister of Family Affairs and Human Rights Development Lt. Gen. Bashir Mohamed Jama at the Open Day on Women, Peace and Security
Acting UN Special Representative James Swan shakes hands with Somalia's Minister of Family Affairs and Human Rights Development Lt. Gen. Bashir Mohamed Jama at the Open Day on Women, Peace and Security. UN Photo / Fardosa Hussein

Dadaal cusub

Munaasabadda Maalinta Doodda Furan waxaa ka mid ahaa daah-rogga dadaal cusub – Qaabka U-qareemaynta Hoggaanka Sare ee la-dagaallanka Tacaddiga ku saleysan jinsiga ee Soomaaliya / Senior Leadership Advocacy Model against Gender-Based Violence in Somalia (SLAM-GBV) – oo ay taageeraan Wasaaradda, ATMIS iyo Qaramada Midoobay ee Soomaaliya.

Waxaa uu hiigsanayaa xoojinta dadaallada lagu la dagaallamayo tacaddiga ku saleysan jinsiga iyo galmada ee ka jira dalka, iyadoo la kordhinayo wacyiga iyo u-qareemaynta iyo sii wanaajinta ballanqaadyada hay'adaha iyo dadweynaha ee lagu joojinayo tacaddiga ka dhanka ah haweenka iyo gabdhaha.

“Iyada oo loo marayo dadaalka SLAM-GBV, ayaa waxaan hiigsaneynaa in aan sii wanaajinno isla-xisaabtanka, dhiirrigelinta wacyigelin ballaaran oo ka dhan ah saameynta xun ee tacaddiga jinsiga ku saleysan iyo abaabulka dhammaan daneeyayaasha si ay u qaadaan tallaabo la isla go'aamiyay oo la isku-duway oo lagu cirrib-tirayo tacaddiga jinsiga ku saleysan,” ayuu yiri Md. Swan.

“Marka aan wax ka qabanayno mid ka mid ah caqabadaha ugu waaweyn ee hortaagan ka-qaybgalka haweenka,” ayuu hadalkiisa raaciyay, “ayaa wuxuu hadafkeennu yahay in aan abuurno deegaan ammaan ah oo loo dhan yahay oo awood u siinaya haweenka in ay kaalinta ay xaqa u leeyihiin ka qaataan hoggaanka iyo doorarka go'aan-qaadashada.”

Dadaalkan, marka la hirgeliyo, wuxuu iftiimin doonaan ku lug lahaansho la-taaban karo oo badan iyo u-qareemaynta mas'uuliyiinta Soomaaliya, Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay oo waafaqsan dadaalka hay'adda caalamiga ah ee ‘U-MIDOOBIDDA Joojinta Tacaddiga ka dhanka ah Haweenka / UNITE to End Violence against Women’, oo ah dadaal sanado badan soconaya oo looga hortagayo laguna cirib-tirayo tacaddiga ka dhanka ah haweenka iyo gabdhaha ee caalamka oo dhan.

Marka la eego xaaladda colaadda Soomaaliya, tacaddiga galmada ee colaadda la xiriira iyo noocyada kale ee tacaddiga ku saleysan jinsiga waxaa si ula-kac ah u isticmaali kara dhinacyada colaadda sida xeelad dagaal, oo ujeeddadeedu tahay in lagu argagax geliyo oo dadka lagu xakameeyo. Waa xadgudub ba'an oo ka dhan ah xuquuqul insaanka, raadad joogto ahna ku reebba dhibbanayaasha, qoysaska, iyo bulshooyinka.

guests listen to the remarks by Acting UN Special Representative James Swan, speaks during the Open Day on Women, Peace and Security
Guests listen to the remarks by Acting UN Special Representative James Swan, speaks during the Open Day on Women, Peace and Security. UN Photo / Fardosa Hussein

Maalmaha Doodda Furan

Maalmaha Doodda Furan ee Caalamiga ah ee ku saabsan Haweenka, Nabadda iyo Amniga oo ay Qaramada Midoobay daaha-ka-rogtey bishii Oktoobar 2010, ayaa ujeeddadoodu tahay kor-u-qaadista doorka muhiimka ah ee ay haweenku ku leeyihiin nabad-dhiska iyo xallinta khilaafaadka Munaasabaddan oo caalamka oo dhan laga xuso, ayaa noqonaysa fursad ay dowladaha, ururrada caalamiga ah, iyo bulshada rayidka ay isugu imaan karaan si ay ugu wada-hadlaan siyaabaha lagu horumarinayo ajendaha haweenka, nabadda iyo amniga.

Intaa waxaa sidoo kale dheer, in dooneyso kor-u-qaadista ka-qaybgalka haweenka ee hannaanada nabadda, horumarinta sinnaanta jinsiga iyo taageeridda awood-siinta haweenka. Waa qayb ka mid ah dadaallada ay Qaramada Midoobay wado ee lagu hirgelinayo Qaraarka Golaha Amaanka ee tirsigiisu yahay 1325, kaas oo la meelmariyay sanadkii 2000, wuxuunna aqoonsan yahay doorka muhiimka ah ee haweenka ee ka hortagga iyo xallinta khilaafaadka, iyo horumarinta ajendaha haweenka, nabadda iyo amniga.