UNTMIS
Hawlgalka Kalaguurka ee Kaalmaynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya

Doorka Muhiimka ah ee ay Dhallinyaradu Ka Qaadan Karaan Horumarinta Soomaaliya ayaa lagu Guudmarey Wadahadallada Dhallinyarada

54902417332_f0d92bef83_k.jpg

Muqdisho – Kaalinta muhiimka ah ee ay dhallinyarada Soomaaliyeed ku yeellan karaan mustaqbalka dalkooda ayaa maanta lagu muujiyay kulan ay isugu yimaadeen dhallinyaro ka socotay bulshada rayidka ah, wakiillo ka socday dowladda Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay.

“Markaan ka hadalno waxa ay Soomaalidu dooneyso, waxa ay dadku doonayaan, iyo waxa uu mustaqbalku xambaarsan yahay, waa wadahadal si weyn u taabanaya dhallinyarada. Waxaad tihiin kooxda tiro ahaan ugu badan dadka dalka,” ayuu yiri Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, James Swan, oo la hadlayay ka-qaybgalayaasha kulankan ka dhacay caasimadda Soomaaliya.

“Qaramada Midoobay ahaan, ku dhowaad dhammaan barnaamijyadeenna dhinacyada waxbarashada, horumarka, iyo gurmadka bani’aadamnimada, waxaa had iyo jeer xoogga la saaraa walaaca ku saabsan waxa ay tani uga dhigan tahay dhallinyarada iyo sida ay u saameyn doonto dhallinyarada," ayuu hadalkiisa raaciyay.

54902417337_2f2a68180e_k.jpg

Iyadoo loo qabtay si waafaqsan Hal-ku-dhegga ‘Barnaamijka Caalamiga ah ee Dhallinyarada 30 jirsaday: Dardar-gelinta Horumarka Adduunka iyada oo loo marayo Iskaashiga Jiilasha kala duwan ah/ World Programme of Action for Youth at 30: Accelerating Global Progress Through Intergenerational Collaboration,’ Wadahadalka Dhallinyarada ee maanta waxaa soo qabanqaabiyay Wasaaradda Dhalinyarada iyo Isboortiga (MYS) ee Dowladda Federaalka, iyadoo taageero ka helaysa Qaramada Midoobay ee Soomaaliya.

Kulankan wuxuu isku keenay in ka badan 40 dhallinyaro ah oo ka socday kooxaha bulshada rayidka ee la xiriira dhallinyarada, iyo sidoo kale wakiillo ka socday Qaramada Midoobay iyo Dowladda Federaalka ee Soomaaliya. Wakiillada Dowladda Federaalka ka socday waxaa ka mid ahaa Wasiirka Dhalinyarada iyo Isboortiga, Maxamed Cabdulqaadir Cali, iyo Agaasimaha Siyaasadda iyo Qorsheynta ee Wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiga (MYS), Hamza Cabdiwahaab.

Kulankan oo ah kii ugu horreeyay kulamo taxane ah, waxaa loogu talagalay in lagu fududeeyo wadahadal toos ah oo dhex mara dhallinyarada, dowladda, iyo nidaamka QM ee Soomaaliya, si loo aqoonsado tallaabooyin lagu xoojinayo ka-qaybgalka dhallinyarada, iyo sidoo kale in la sahmiyo arrimaha muhiimka ah ee la jaanqaadaya mudnaanaha iyo himilooyinka dhallinyarada Soomaaliyeed.

Kororka tirada dhallinyarada

Dadka Soomaaliyeed oo ku dhow 20 milyan, marka la eego toban qof kasta oo Soomaali ah, siddeed ka mid ah da’doodu waxaa ay ka yar tahay 35 sano jir. Taageerada nidaamka Qaramada Midoobay ee dhallinyarada dalka waa mid baaxad leh, waxaana lagu fuliyaa barnaamijyo iyo hindisooyin dhammaystiran oo lagu wajahayo caqabadaha muhiimka ah sida shaqo la’aanta, u adkeysiga isbeddelka cimilada, nabad-dhisidda, iyo ka qaybgalka siyaasadeed, iyadoo la waafajinayo mudnaanta qaran ee Soomaaliya iyo Istaraatiijiyadda Dhallinyarada ee Qaramada Midoobay.

youth

Guulaha ay Soomaaliya ka gaartay dhanka dhallinyarada waxaa ka mid ah ansixinta Siyaasadda Qaran ee Dhallinyarada ee 2023–2030, taas oo bixisa hab dhammaystiran oo lagu horumarinayo dhallinyarada, iyadoo diiradda lagu saarayo ka mid noqoshada, awood-siinta dhaqaale, iyo ka qaybgalka muwaadiniinta arrimaha bulshada.

Dhowaan, Dowladda Federaalka ee Soomaaliya waxay diyaarisay Qorshe Hawleedka Qaran ee Dhallinyarada, Nabadda iyo Amniga (YPS), kaas oo ku saleysan siyaasadda wuxuunna aqoonsanayaa doorka muhiimka ah ee dhallinyarada ay ku leeyihiin dhismaha nabadda iyo horumarka.

Hadalladiisa, Wasiir Maxamed wuxuu hoosta kaga xariiqay mudnaanta ay dowladda siiso dhallinyarada Soomaaliyeed.

Somalia's Minister of Youth and Sports, Mohamed Abdulkadir Ali, delivers his remarks during the event held in Mogadishu, Somalia, on 5 November 2025.

“Dhallinyarada Soomaaliyeed waxaan leeyahay: Waxaad tihiin aasaaska nabadda, horumarka, iyo barwaaqada. Codkiinna, riyooyinkiinna, iyo fikradihiinna ayaa qaabeyn doonna Soomaaliyada aan dhammaanteenna hiigsaneyno – mid mideysan, xooggan, oo rajo leh,” ayuu u sheegay ka-qaybgalayaasha.

“Waxaan ka shaqeyneynaa ballaarinta helitaanka waxbarashada, abuurista fursado shaqo, horumarinta caafimaadka iyo nolol-wanaagga, iyo xoojinta ka-qaybgalka dhalinyarada ee maamulka,” ayuu sii raaciyay. “Dadaallada sida barnaamijka xirfadaha shaqo ee dhallinyarada, isboortiga nabadda, iyo mashaariicda ganacsi-abuurka ayaa awood u siinaya kumannaan dhallinyaro Soomaaliyeed ah in ay qaabeeyaan mustaqbal ifaya.”

Kadib furitaankii Wadahadalka Dhallinyarada, ka-qaybgalayaashu waxaa ay ka qaybqaateen dood furan ka hor inta aysan u kala bixin kooxo yaryar si ay u uga wadahadlaan istaraatiijiyadaha lagu horumarinayo ka-qaybgalka dhallinyarada ee guud ahaan Soomaaliya.

Natiijooyinka muhiimka ah ee ka soo baxay wadahadalka waxaa loo gudbin doonaa Wasaaradda Federaalka ee Dhallinyarada iyo Isboortiga iyo Qaramada Midoobay si ay uga fiirsadaan xoojinta ka-qaybgalka dhallinyarada ee dowladda, hay’adaha aan dowliga ahayn, iyo ururrada ay hoggaamiyaan dhallinyarada.

Munaasabadda maanta waxay sidoo kale lagu xusay sannad-guuradii 30aad ee Barnaamijka Caalamiga ah ee Dhallinyarada / World Programme of Action for Youth, oo ah habraac uu Golaha Guud ee Qaramada Midoobay ansixiyay sanadkii 1995, si loo horumariyo nolol-wanaagga iyo fursadaha dhallinyarada ee dhinacyada waxbarashada, shaqada, caafimaadka, iyo maamulka.

54903290436_ad87019b09_k.jpg