Muqdisho — Toddobaatan iyo sagaal arday oo ka kala socdey Soomaaliya iyo shan dal oo kale ayaa ka qalinjebiyey jaamacadda University for Peace (UPEACE), kuwaas oo ballanqaadey in ay aqoontooda iyo xirfadahooda ay u adeegsan doonaan wax-ka-qabashada dhibaatooyinka haysta dalalkooda iyo adduunka.
Munaasbadda ayaa loogu dabaaldegayey qalinjebintii afaraad ee jaamacadda UPEACE ee ka dhacda caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.
“Waan hubaa in safarkiina waxbarasho uu ahaa mid ku sifeysan adkeysi, dadaal, iyo hal-adeyg. Waxaan idinku dhiirrigelinayaa in aad horey u sii waddaan qiyamkii iyo mabaa’diidii aad ka qaadateen jaamacadda UPEACE iyo in aad sii ahaataan safiirro nabadeed, horyaallada horumarka, iyo u-qareemeeyeyaasha xuquuqaha aadanaha,” ayaa George Conway, oo ah Ku-xigeenka Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud, ahna Madaxa QM iyo Isuduwaha hawlaha Bani’adamnimada ee Soomaaliya, uu yiri mar uu la hadlayey ardayda qalinjebisey.

Xafladda ayaa lagu sharfey 25 arday oo ka qalinjebiyey shahaaddada doktoorada iyo 25 ka qalinjebiyey shahaaddada mastarka, kuwaas oo ay ka mid ahaayeen shan haween ah – saddex ka qalinjebiyey shahaaddada doktoornimada iyo laba ka qalinjebiyey shahaaddada mastarka. Marka laga soo tago Soomaaliya, qalinjebiyeyaasha waxaa ay ka soo kala jeedeen dalalka Burkina Faso, Cameroon, Ghana, Ingiriiska, iyo Mareykanka.
Ra’iisul-Wasaaraha Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre, ayaa ka soo qaybgaley xafladda.
“Waxbarashadu waa aasaaska horumarka bulsho kasta, qaran kasta, iyo dunida oo dhan. Dowladda Federaalka Soomaaliya waxaa ay waxbarashada u aqoonsan tahay in ay cunsur muhiim ah u tahay nabadda, horumarka iyo xasiloonida dalka,” ayaa uu yiri Ra’oosul Wasaare Xamza.
Waxaa uu sidoo kale ku dhawaaqey in 60 arday oo cusub ay heli doonaan deeqo waxbarasho oo buuxda oo barnaamijyada shahaaddada doktoorada ay kaga baranayaan jaamacadda UPEACE. Dadaalkan ayaa muujinaya sida ay dowladda Soomaaliya uga go’an tahay sii-wanaajinta helidda waxbarashada iyo in ay dhisto iskaashi ay la yeelaneyso ururrada caalamiga ah si loo xoojiyo qaab-dhismeedyada guud ee waxbarashada.

Marti-sharaftii kale ee ka soo qaybgashey xafladda waxaa ka mid ahaa Wasiirka Waxbarashada, Dhaqanka iyo Tacliinta Sare ee Soomaaliya, Faarax Sheekh Cabdulqaadir, Wasiirka Warfaafinta ee Soomaaliya, Daa’ud Aweys Jaamac, Taliye-xigeenka Ciidamada Hawlgalka Midowga Afrika ee Taageerada iyo Xasilinta Soomaaliya (AUSSOM), Sarreeye Gaas Peter Muteti, oo matalayey Madaxa AUSSOM, iyo wakiillo ka kala socdey ergooyin diplomaaisyadeed iyo jaamacadda UPEACE.
“Mar walba xusuusnaada in aqoonta aad halkaan ku barateen aaney ahayn dhammaadkii safarkiina waxbarasho waana in aanuna sidoo kale safarkaa ku xaddidnaan shahaaddada aad qaadateen. Waxaa la idinka filayaa in aad si firfircoon oo daahfuran uga qaybqaadataan hoggaaminta iyo kobcinta nabadda iyo in aad soo dhoweysaan fikradaha cusub,” ayaa uu yiri Maxamed Yuusuf, oo ah Agaasimaha Jaamcadda UPEACE Somalia.

Waxbarashada Soomaaliya
Jaamacadda University for Peace oo Golaha Guud ee QM uu abuurey sanadkii 1980-kii waxaa ay diiradda saartaa arrimo ay ka mid yihiin ka-hortagga colaadda, amniga aadanaha, xuquuqaha aadanaha, amniga bay’adda iyo dib-u-dhibka ka dib colaadda. Soomaaliya gudaheeda, waxaa ay ku bixisaa barnaamijyo ka sarreeya shahaaddada koowaad ee jaamacadda oo diiradda lagu saarayo maamulka dowladeed, horumarinta dhaqaalaha, nabad-dhisidda, ka-hortagga colaadda, xuquuqaha aadanaha, bay’ada, u-adkeysiga masiibooyinka iyo xalka ka dib colaadda.
“Jaamacadda UPEACE Somalia waxaa ay ardaydeeda qalin-jebineysa ku kaabeysaa aqoon iyo xirfado gaar ah oo lagamamaarmaan u ah Soomaaliya, iyada oo isha ku haysa waxa ay mustaqbalka kuhamineyso oo ah in ay dhaliso is-beddel wanaagsan ayna xoojiso horumar ay ku taageereyso arrimaha mudnaanta qaran u leh Soomaaliya, waxaana maalgelinta aqoonta dadka ay tahay tan ay danta ugu weyni urgu jirto,” ayaa uu yiri Mudane Conway.

Nuxurka Istaatistikada Soomaaliya (Statistical Abstract of Somalia) ee dhowaan soo baxay, oo ay bishii Nofembar 2024 baahisey Ha’adda Istaatistikada Qaranka, ayaa waxbarashada ku tilmaamaya arrin muhiim u ah horumarinta iyo mid aasaas u ah cududda dadka (human capital). Xogta ayaa muujineysa in si tartiib-tartiib ah ay u soo wanaagsanaanayaan heerarka akhris-qoraalka dadka waaweyn, gaar ahaan haweenka iyo reer-miyiga, iyo sidoo kale in ay badanayeen ardayda iskuullada dhigata sanadihii u dambeeyey.
Inkasta oo wanaaggan soo kordhey uu jirey, haddana waxaa farqi weyn uu u dhexeeyaa magaalooyinka iyo degaannada miyiga ah, waxaana saamigalka ardayda iyo macallimiinta uu tilmaamayaa horumar iskudhafan ee laga gaarey sii-wanaajinta tayada waxbarashada, iyada oo carrabka ku adkeyneysa in loo baahan yahay maalgelin iyo siyaasado joogto ah oo lagu sii wanaajinayo tayada waxbarashada, ku-sii-negaanshaha waxbarashada, iyo sinnaanta iyo cadaaladda.
“Waxaa ina haystey culeysyo badan waxaana khaladka ugu weyn ee ay bulsho geli karto uu yahay in ay iska indho-tirto waxbarashada. Waa khalad aad u weyn. Dadka oo waxbarta waxaa ay wax badan ka beddeli kartaa dalka. Waxaa ay horumarineysaa dhammaan waaxaha kala duwan, dhaqaale, siyaasad, bulsho iyo mid bay’adeedba. Ayaa ay tiri Salaado Xuseen Axmed, oo shahaaddada masterka ku qaadneysey Qaanuunka Caalamiga ah iyo Xuquuqaha Aadanaha.

“Si ay nabaddu u kobocdo, waa in aan dadaal mug weyn gelinnaa waxbarashada iyo cilmi-baarista. Nabadda aan dooneyno ma aha keliya in uusan dagaal socon, ee laakiin waa nabad waarta (positive peace) oo ku dhisan caddaalad iyo xorriyad. Waxaana macaahidda waxbarashada iyo jaamacadahaba ku dhiirrigelineynaa in ay sii wadaan cilmi-barista iyo wax-ka-qabashada arrimaha raadka ku leh qarankeenna,” ayaa uu yiri Wasiir Faarax Cabdulqaadir.
Maalinta Waxbarashada
Sanadkan, sidii sanadkii 2024-ka, xafladda ardayda ka qalinjebinaysa jaamacadda UPEACE ayaa la qabtey Maalinta Caalamiga ah ee Waxbarashada. Sanadkii 2018, Golaha Guud ee QM ayaa iclaamiyey 24 Jannaayo in ay tahay Maalinta Caalamiga a ee Waxbarashada, isaga oo u dabaaldegaya doorka ay waxbarashadu ku leedahay nabadda iyo horumarka.
“Hal-ku-dhegga sanadkan waa Artificial Intelligence and Education: Preserving Human Agency in a World of Automation (Garaadka Gacan-ku-sameyska ah iyo Waxbarashada: Joogteynta Ku-negaanshaha Gacanta Aadanaha iyada oo Dunida Wax Walba ay is-wadaan, arrintanna waa arrin ay maalmahan ay si cad oo qoto-dheer uga hadlayeen bulshadeenna caalamiga ah,” ayuu yiri Mudane Conway.

“Maalintan Caalamiga ah ee Waxbarashada, waxaa nala xusuusinayaa in waxbarashadu ay tahay xuquuq aadane aasaasi ah oo shakhsi kastoo caalamkan ku nool ay tahay in uu helo. Sababtana waa sababta aan ugu boorrineyno qof walba in uu wax-ku-biirriyo horumarinta waxbarashada, gaar ahaan waxbarashada dhallinyarada, sidaa daraaddeed waxaa ay si firfircoon uga qaybqaadan karaan nabadda, horumarinta, iyo midnimada dalkeenna,’’ ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamse Barre.
Jaamacadda UPEACE iyo Soomaaliya
Jaamacadda Nabadda oo xarunteeda dhexe ay ku taalo dalka Costa Rica, ayaa barnaamijkeeda Soomaaliya bilowdey sanadkii 2018.
“UPEACE waxaa ay bixin doontaa khubarro farsamo iyo taageero cilmi-baariseed oo lagama maarmaan u ah xaqiijinta in Soomaaliya ay Golaha Ammaanka QM ku reebto dhaxal waara. Waxaan rajeynaynaa in hoggaaminta Soomaaliya ay dhiirrigelin doonto jiilasha mustaqbalka iyo in ay xajisato booskeeda xubinnimada ayna ku soo noqoto golaha UNSC sanadaha soo socda,” ayuu yiri Francisco Rojas Aravena, Madaxa Jaamacadda Nabadda intii lagu guda jiray khudbadiisa.
Ardayda ka qalinjebisay xarunta Muqdisho ee Jaamacadda UPEACE waxaa ka mid ah madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud. Sanadkii 2022, waxaa la guddoonsiiyey shahaaddo Doctor of Philosophy. Buugga qalinjebintiisu waxaa uu cinwaankiisu ahaa, ‘Examining the Challenges of Clan Politics in State-building: A Case Study of Somalia.’ Turjumaaddeedu ay noqoteyso Baarista Culeysyada Siyaasadda Qabaa’ilka ay ku leeyihiin Qaran-dhisidda: Daraasad-Xaaladeed lagu sameeyey Soomaaliya.”

“Soomaaliya waxaa aad loogu baahan yahay tacliin sare, oo waxay wax badan ku biirrin doontaa xasilloonida Soomaaliya iyo dib-u-dhiska dalka,” ayuu yiri Cabdulqaadir Daahir Macalin, oo ka qalinjebiyay PhD, isaga waxbarashadiisa diiradda ku saarey nabadda, maamulka iyo horumarinta.
Barnaamijka UPEACE ee Soomaaliya waxaa uu hiigsanayaa in uu kor u qaado xasilloonida dalka ka-dib sanado ay colaado ka jireen. Ardayda qalinjebinaysa waxay hadda ku biirriyaan liiska sii kordhaya ee in ka badan 400 oo arday oo jaamacadda ka qalinjebiyay, taas oo si wanaagsan wax ugu biirrinaysa nabadda, xasilloonida iyo barwaaqada caalamka.





