UNTMIS
Hawlgalka Kalaguurka ee Kaalmaynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya

Faa'iidooyinka uu leeyahay mashruuca waraabka beeraha ee ay hay'adaha caalamiga ah ku taageeraan barakacayaasha Soomaalida ah ee ku nool magaalada Baydhabo

A photo of beneficiaries of Saameynta Pilot irrigation Project plough their farms at Barwaqo settlement in Baidoa, Southwest State of Somalia, on 28th October 2024.

Baydhabo – Aadan Sheekh Isaaq wuxuu qayb yar oo dhul ah looga qoondeeyay beer ay bulshadu wadaagto oo siddeed-ekar ah oo ku taalla xaafadda Barwaaqo, oo ah degsiimo yar oo ay barakacayaasha (IDPs) deggan yihiin oo ku yaalla duleedka magaalada Baydhabo ee gobolka Baay ee Soomaaliya.

Wuxuu halkaasi u soo qaxay markii colaadda iyo baahida ka jirta degaankii uu horey u degganaa ay noqdeen kuwo aan loo dulqaadan karin.

Bilowgii hore, wax fudud ma ahayn nolosha qof barakace ah oo uu qoyskiisu weyn yahay laakiin – ka-dib markii xoogaa kaalmo dibadeed ah uu helay – ayay beertu noqotay mid waxsoosaar leh oo u suuragelisa in uu daryeelo xaaskiisa iyo 11 carruur ah oo uu dhaley, iyo sidoo kale in uu waxsoosaarka dheeriga ahna ku iibiyo suuqyada degaanka.

50-sano jirkan wuxuu ku faanay in uu beertiisa dad tusiyo markii ay booqasho ugu yimaadeen wafdi ka socda Sanduuqada Wadajirka ah ee Soomaaliya/Somalia Joint Fund (SJF) – oo ah sanduuq deeq-bixiyayaal-badan oo taageeraya mudnaanaha hortebinta u leh horumarinta Soomaaliya.

Photo of a beneficiary ploughs his farm at Saameynta Pilot Irrigation Project Barwaqo settlement in Baidoa, Southwest State of Somalia, on 28th October 2024.
A beneficiary ploughs his farm at Saameynta Pilot Irrigation Project Barwaqo settlement in Baidoa, Southwest State of Somalia, on 28th October 2024.

Dadka soo booqday waxaa ka mid ahaa wakiillo ka socday dowladda Soomaaliya iyo Qaramada Midoobey, waxayna halkaa u yimaadeen in ay arkaan raadka uu mashruuca waraabka si toos ah ugu reebay dadka kaas oo kor-u-qaadey wax-soosaarka beeralayda sida gallleyda, qasabka iyo khudaarta.

“Mashruuca waraabka wuxuu ahaa mid faa'iido badan leh, durba waxaan arkaynaa raadka wanaagsan ee uu nagu reebay. Waxaan ahaa ka faa'iideystaha mashruucan tan iyo 2019 waxaanna arkaa maalmo wanaagsan oo naga horeeya,” ayuu yiri Md. Isaaq intii lagu guda jiray booqashadii ay dhowaan wefdiga ku yimaadeen degaanka Barwaaqo.

Sida qoyska Md. Isaaq oo kale, qoysas badan oo kuwa degaanka ah ayaa ka faa'iiday Barnaamijka SJF ee ‘Saameynta’) – beer sideed-ekar ah oo lagu waraabiyo nidaamka waraabka dhibicleynta oo yar iyadoo la adeegsanayo ceel-riig la wadaago oo ku shaqeeya tamarta cadceedda, oo laga hirgeliyay dhul ay dowladdu bixisay si barakacayaasha loo caawiyo.

“Beertan waxay taageertaa 57 qoys, iyadoo qoyska ugu yar uu ka kooban yahay lix xubnood. Tani waxay ka dhigan tahay in aan ka hadlayno ugu yaraan 340 qof. Tirada guud waa ku dhowaad 400 ilaa 500 oo qof iyo, marka la eego 57-da qoys, 43 ka mid ah waa kuwo ay hoggaamiyaan haween, ay ka mid yihiin hooyooyinka aan la qabin,” ayuu yiri Agaasimaha Isuduwidda iyo Korjoogteynta Wasaaradda Qorsheynta ee dowladda federaalka Soomaaliya Maxamuud Siciid Nuur, oo la hadlayay wafdiga goobta soo booqday.

Mashruuca afarta-sano soconaya wuxuu si toos ah u taageerayaa 25,000 qoys wuxuuna si dadban u caawinayaa 150,000 qof oo ku nool Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed iyo Puntland, oo ku taalla waqooyiga dalka, marka la gaaro dhammaadka 2025.

Photo of a water infrastructure at the Saameynta Pilot Irrigation project in Barwaqo settlement in Baidoa
Water infrastructure at the Saameynta Pilot Irrigation project in Barwaqo settlement in Baidoa UN Photo
Taageero caalami ah

Barnaamijka Saameynta wuxuu hiigsanayaa in uu bixiyo xalal waara iyo in uu kor-u-qaado maalgelinta xirmooyinka horumarinta dhulka isticmaalka isku-dhafka ah leh iyadoo la adeegsanayo waraabka dhibicleynta, horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha iyo ballaarinta ganacsiyada yaryar.

Waxaa si wadajir ah u hirgelinaya Barnaamijka Horumarinta QM/UN Development Programme (UNDP), Hay'adda Caalamiga ah ee Socdaalka/International Organisation for Migration (IOM) iyo Barnaamijka QM ee Degsiimooyinka Aadanaha/UN Human Settlements Programme (UN-Habitat), iyadoo maaliyadaha loo soo marsiinayo SJF.

Sida laga soo xigtay maamulaha sanduuqa SJF, Peter Nordstrom, Barnaamijka Saameynta waxaa uu wax muhiim ah ku biirriyay sii wanaajinta xaaladda dhaqaale ee qoysaska barakacayaasha ah.

“Faa'iidooyinka uu waraabka dhibicleynta u leeyahay deegaannada oomanaha ama oomane-u-ekaha ah waa kuwo cad,wuxuunna awood mug weyn u leeyahay in uu maciishado la joogteyn karo u abuuro bulshooyinka,” ayuu yiri Md. Nordstrom.

Photo of Peter Nordstrom, manager of Somali Joint Fund speaks during an interview at Saameynta Pilot Irrigation Project Barwaqo settlement in Baidoa, Southwest State of Somalia, on 28th October 2024.
Peter Nordstrom, manager of Somali Joint Fund speaks during an interview at Saameynta Pilot Irrigation Project Barwaqo settlement in Baidoa, Southwest State of Somalia, on 28th October 2024. UN Photo

“Isla-waqtigaa,” waxaa uu hadalkiisa ku darey, “dhul helidda ayaa udub-dhexaad u ah xalalka waara ee dhibaatada barakaca Soomaaliya. Halkan Barwaaqo, dowladda-hoose ayaa si deeqsinimo leh u bixisay dhulka loo adeegsanayo beertan ay bulshadu wadaagto laakiin waxaa uu kaliya u adeegaa qayb yar oo ka mid ah dadka barakacayaasha ah.”

Maamullada degaanka ayaa xiisneynaya in ay ballaariyaan mashruuca ka-dib markii ay arkeen faa'iidooyinkiisa.

“Waagii hore, waxaan dalagyada u dhaxeysiin jirnay masaafo 2 mitir ah marka aan beerayno, laakiin hadda waxaan kaliya u dhaxeysiinaa 10 sentimitir taas oo ku timid waraabka dhibicleynta ah. Habkan waa hab annaga nagu cusub, waxaanna dhab ahaantii la dhacsanahay waxsoosaarka kordhay,” ayuu Md. Isaaq u sheegay wafdiga soo booqday.

“Waraabka dhibicleynta ayaa sidoo kale yareeyay waqtiyada dalag-goosashada,” ayuu yiri isaga oo hadalkiisa sii wata. “Waxaan sugi jirnay saddex bilood si aan dalagga u goosano, laakiin hadda waxaan dalag ku goosan karnaa 15 maalmood oo kaliya.”

Photo of a delegation from Somali Joint Fund and representatives from the federal government of Somalia and Southwest State receive a briefing during a tour of the Southwest State Ministry of Justice and Alternative Dispute Resolution in Baidoa, Southwest State of Somalia, on 28th October 2024.
A delegation from the Somali Joint Fund and representatives from the federal government of Somalia and Southwest State receive a briefing during a tour of the Southwest State Ministry of Justice and Alternative Dispute Resolution in Baidoa, Southwest State of Somalia, on 28th October 2024. UN Photo

Safarka ayaa ahaa hawlgalkii ugu horreeyey ee korjoogteynta sida wadajirka ah ee dowladda-QM u sameeyeen ee SJF, kaas oo ka-qaybgalayaasha u suurageliyey in ay indhahooda ku soo arkaan horumarka barnaamijyada ka socda gobolka. Waxaa loogu talagalay in lagu ogaado iskaashiyada iyo wada-tacaamulka iyo xoojinta isku-xirrada ka dhex-jira maalgalinta SJF ee gudaha si loo fududeeyo korjoogeyn aad wax-ku-ool u ah, kobcinta barashada iyo sare u qaadidda saameynta iyadoo loo marayo wada-shaqeyn iyo iskaashi istiraatiiji ah oo ka dhaxeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya, maamullada degaanka iyo Qaramada Midoobey.

Booqashada ayaa sidoo kale ahayn madal si toos ah loogula tacaamulayay maamullada degaanka iyo xubnaha bulshada.

"Markii hore, dadka barakacayaasha ah waxay ku tiirsanaan jireen gargaarka, laakiin hadda waxaa ay noqdeen beeraley cuntooyinkooda soosaaranaya,” ayuu yiri Wasiirka Qorsheynta, Horumarinta Dhaqaalaha iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Xuseen Maxamuud Sheekh Xuseen.

“Hadda waa kuwo ay cuntadoodu sugan tahay waxayna iibiyaan wax kastoo dheeraad ah si ay dakhli uga helaan,” ayuu hadalkiisa ku darey. “Tani waxay muujinaysaa in aan si tartiib tartiib ah uga soo guureyno cunto ku tiirsanaan annaga oo noqoneyna beeralay isku-filan.”

A photo of a delegation from Somali Joint Fund and representatives from the federal government of Somalia and Southwest State receive a briefing from the caretaker of Saameynta Pilot Irrigation Project in Barwaqo settlement in Baidoa
A delegation from Somali Joint Fund and representatives from the federal government of Somalia and South West State receive a briefing from the caretaker of Saameynta Pilot Irrigation Project in Barwaqo settlement in Baidoa, Southwest State of Somalia, on 28 October 2024. UN Photo
Maaliyado muhiim ah

Sanduuqa SJF oo daaha-laga-rogey sanadkii 2023ka, waa sanduuq amaano oo deeq-bixiyayaasha badan oo ay taageeraan dalalka Canada, Norway, Netherlands, Sweden, Switzerland iyo Midowga Yurub.

Wuxuu hiigsanayaa xoojinta iskaashiga u dhaxeeya Dowladda Soomaaliya, Qaramada Midoobay iyo bah-wadaagta caalamiga ah si loo taageero mudnaanaha horumarinta qaranka Soomaaliyeed iyo gaarista Yoolalka Horumarinta ee La Joogteyn Karo.

Maaliyadaha loo qoondeeyay heer-qaran sida SJF waxaa ay muhiim u yihiin awoodda Qaramada Midoobey ay sida hadda si ka fiican ugu taageerayso hamiga horumarinta dalalka ay ka shaqeyso iyadoo suuragelinayso debecsanaanta loo baahan yahay si wax looga qabto caqabadaha adag ee ay Soomaaliya wajahayso iyo si loo kordhiyo wada-shaqeynta nidaamka QM iyadoo la adeegsanayo waxqabad wadajir ah.

Sanduuqan oo asal ahaan la aasaasey sanadkii 2014 waxaanna horey loo oran jiray Sanduuqa Amaanada ah ee Wada-hawlgalayaasha Badan ee Soomaaliya/Somalia Multi-Partner Trust Fund, Sanduuqa SJF sidoo kale waa mid ka mid ah maaliyadaha horumarinta heer-dal ee ugu weyn caalamka oo helay in ka badan 500 milyan doolar ($500) tan iyo markii la aasaasey.