UNTMIS
Hawlgalka Kalaguurka ee Kaalmaynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya

Xiritaanka UNTMIS

31-ka Oktoobar 2026, Hawlgalka Kala-guurka ee Kaalmaynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNTMIS) ayaa soo gabagabeeyey muddadii labada sano ahayd ee kala-guurka, isla markaana si rasmi ah u soo afjaray hawlihiisii. Tallaabadan waxaa loo qaaday si waafaqsan qaraarrada Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ee tirsigoodu yahay 2753 (2024) iyo 2809 (2025), iyadoo la tixgelinayo codsigii Dowladda Federaalka Soomaaliya.

QM waxay hambalyo ku aaddan munaasabadda Ciidul Fitriga u diraysaa dhammaan dadka Soomaaliyeed

Press Statement

Muqdisho – Iyadoo Muslimiintu u dabbaaldegayaan dhammaadka bisha barakaysan ee Ramadaan, ayaa Qaramada Midoobay ee Soomaaliya waxay si kal iyo laab ah hambalyo ugu diraysaa dhammaan dadka Soomaaliyeed, waxayna ugu hambalyaynaysaa munaasabadda Ciidul Fitriga.

“Anigoo ku hadlaya magaca guud ahaan bahda Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, waxaan idiin rajaynayaa Ciid farxad iyo nabad leh, waxaana idinla wadaagayaa dareenka dib-u-milicsiga, naxariista iyo is-kaalmaynta ee xilligan barakeysan,” ayuu yiri Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, James Swan.

“Ciidda barakaysan ha ahaato mid qoysaskiinna u horseedda farxad, isku-duubni iyo raynrayn,” ayuu sii raaciyay, “waxaana rajaynaynaa in dareenka Ciiddu uu xoojiyo nabadda iyo wadajirka dalka oo dhan – Ciid Mubarak! Ciid Wanaagsan!”