[Sidii loo soo jeediyey]
Mudane Madaxweyne, wasiirrada, suxufiyiinta, marwooyin iyo mudanayaal,
Waa ii farxad in mar kale aan Baydhabo joogo maanta, iyo in aan fursad u heley in aan la kulmo Madaxweyne Cabdicasiis Xassan Maxamed ‘Laftagareen’ iyo xubnaha maamulkiisa. Waxaan doonayaa in aan Madaxweynaha iyo kooxdiisa uga mahadceliyo martisoorkooda iyo soo-dhoweyntooda diirran.
Madaxweynaha iyo Anniga waxaan ka munaaqashoonney arrimo aad u ballaaran oo heer dowlad goboleed iyo heer qaranba isugu jira, oo ay ka mid yihiin arrimaha amniga, u-diyaar-garoobidda doorashooyinka, iyo baahiyaha bani’aadamnimada.
Waxaa uu iiga warramey dadaallada lagu xoojinayo amniga ee guud ahaan Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, iyo sidoo kale sidii guusha lahayd ee mar kale dib loogu xorreeyey Sabiid iyo Barriire, oo ku yaalla Shabeellaha Hoose.
Waxaan sidoo kale ka wada hadalney culeysyada la halmaala kaalmeynta bulshooyinka barakacayaasha ah waqti ay jirto hubaal la’aan la halmaasha maaliyad-siinta hawlaha bani’aadamnimada. Waxaan Madaxweynaha u xaqiijiyey in, inkasta oo maaliyadsiintu ay dunida oo dhan gabaabsi ku tahay, haddana in Qaramada Midoobey ay ku dadaali doonto in waxa ugu badan ay ku qabato kheyraadka ay heli karto si ay u caawiso kuwa ugu baahida badan.
Madaxweynaha waxaa uu sidoo kale war iga siiyey hawsha diiwaangelinta cod-bixiyeyaasha ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed uu waddo, oo ay ka mid tahay dadaallada guurguura ee diiwaangelinta ee loogu talogaley in lagu hubiyo in ay gaar ahaan ay qayb ka ahaadaan haweenka, dhallinyarada, dadka gudaha ku barakacay, iyo bulshooyinka la fogeeyo.
Dhinaca arrimaha heerka qaran, waxaan hoosta ka xarriiqey muhiimadda ay leeyihiin midnimada iyo wada-hadallo loo dhan yahay oo ay yeeshaan hoggaamiyeyaasha siyaasadda iyo Dowlad Goboleedyada Soomaaliya, waxaana aan xusey in Madaxweyne Cabdicasiis uu door wax dhisaya ka qaatey dadaalladii hore loo bixiyey iyo in sidoo kale uu mustaqbalka qaadan karo door waxtar leh.
Gebogebo ahaan, waxaan rabaa in aan carrabka ku adkeeyo in Qaramada Midoobey ay mar walba Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed iyo Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ay bahwadaag kula ahaan doonto horumarinta nabadda, qaran-dhiska, wax-ka-qabashada amniga, iyo baahiyaha bani’aadamnimada iyo kuwa horumarinta ee dadka Soomaaliyeed.
Waad mahadsan tahay, mudane Madaxweyne.

