Muqdisho — Munaasabadda Maalinta Xorriyadda Saxaafadda Adduunka, ayaa Qaramada Midoobay ee Soomaaliya waxay maanta hoosta ka xariiqday muhiimadda ay leedahay helitaanka xogta iyo xaqiijinta badqabka suxufiyiinta.
"Warbaahinta madaxa-bannaan ee dhinacyada badan ayaa udub dhexaad u ah dowlad-wanaagga, iyadoo xorriyadda saxaafadda iyo helitaanka xogta ay awood u siinayaan muwaadiniinta inay gacan ka geystaan horumarinta qaranka iyo inay la xisaabtamaan hay'adaha dowliga ah," ayuu yiri Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, James Swan.
"Marka la eego kaaalinta muhiimka ah ee warbaahinta madaxa-bannaan iyadoo Soomaaliya ay dib u dhismayso oo ay horumarayso, saxafiyiintu waa inay si badqab ah u gutaan shaqadooda muhiimka ah iyagoo ay ka madax-banaan dhibaatayn iyo caga-juglayn," ayuu raaciyay Md. Swan.
Golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay ayaa sanadkii 1993-kii ku dhawaaqay Maalinta Xorriyadda Saxaafadda Adduunka, iyadoo 3-da bisha Maajo loo asteeyay xuska sannad-guurada Bayaankii Windhoek, oo ahaa bayaan taariikhi ah oo ku saabsan xiriirka ka dhexeeya xorriyadda raadinta, gudbinta iyo helitaanka xogta iyo danta guud.
Maalintanu waxa ay dowladaha xasuusinaysaa sida loogu baahan yahay inay ixtiraamaan ballanqaadyada ay u qaadeen xorriyadda saxaafadda, iyo weliba inay inay u dabbaaldegaaan mabaadi’da aasaasiga ah ee xorriyadda saxaafadda, ay qiimeeyaan xaaladda xorriyadda saxaafadda ee adduunka oo dhan, ay saxaafadda ka difaacaan weerarrada ka dhanka ah madax-bannaanidooda, iyo inay bogaadiyaan suxufiyiinta naftooda ku waayey iyagoo gudanaya waajibaadkooda shaqo.

