UNTMIS
Hawlgalka Kalaguurka ee Kaalmaynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya

Xuska Maalinta Caalamiga ah ee Wacyigelinta Miinada awgeed, ayaa Qaramada Midoobay waxay mar kale xaqiijinaysaa taageeradeeda ku aaddan xaqiijinta Soomaaliya ammaan ah oo bed-qabta

UN family press statement

Muqadisho – Iyadoo la xusayo Maalinta Caalamiga ah ee Wacyigelinta iyo Kaalmaynta ku aaddan Miino Saarista awgeed, ayaa Qaramada Midoobay waxay maanta mar kale xaqiijisay sida ay uga go’antahay inay Soomaaliya ku garab istaagto la dagaalanka khataraha ka dhasha walxaha qarxa si loo helo mustaqbal nabdoon oo bed-qaba oo ay ku naaloodaan dhamaan dadka Soomaaliyeed.

"Miinooyinka dhulka lagu aaso iyo walxaha qarxa ee macmalka ah (IEDs) waxay si aan loo meel dayin u saameeyeen dadka rayidka ah. Maanta, waxaan xasuusanaynaa dadkii naftooda ku waayay agabkan dilaaga ah, waxaana mar kale xaqiijineynaa sida ay nooga go’an tahay in aan la shaqeyno dowladda Soomaaliya iyo saaxiibada aan bah-wadaagta nahay si loo yareeyo khatartan halista ah," ayuu yiri Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha-Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, James Swan.

"Si wadajir ah ayaan u horumarineynaa awoodda shaqo ee ciidamada amniga Soomaaliyeed si loo yareeyo khatarta ka dhalata miinooyinka dhulka lagu aaso iyo haraadiga walxaha qarxa ee macmalka ah ee ku hara goobaha lagu dagaallamay," ayuu raaciyay.

Guud ahaan Soomaaliya, walxaha qarxa waxay halis weyn ku yihiin nabadda iyo amniga, iyadoo 597 aaladood ay ka dhasheen khasaaraha soo gaaray in ka badan 1,400 qofood sannadkii hore.

Qaramada Midoobay waxay muddo dheer taageereysay, welina ay taageereysaa hay’adaha amniga ee Soomaaliya si loo yareeyo khataraha la xiriira walxaha qarxa iyo haraadiga dagaallada. Horumarro ballaaran ayaa laga gaaray dhisidda awoodaha waxqabad ee hay’adaha qaran iyadoo loo marayo tababarro iyo bixinta qalab gaar ah [casri ah] – bishii Febraayo ee sanadkan, Hay’adda Adeegga Miino Saarista ee Qaramada Midoobay (UNMAS) ayaa wareejisay noocyo kala duwan oo qalab ah oo loogu talagalay naf badbaadin si looga hortago halista walxaha qarxa.

Sidoo kale, Qaramada Midoobay waxay si dhow ula shaqeysaa Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo saaxiibadeeda kale si wax looga qabto baahiyaha bani’aadamnimo ee dadka ay saameyeen khataraha walxaha qarxa, iyo in sare loo qaado lahaanshaha qaran ee dadaallada miino saarista.

Halkudhigga xuska sanadkan waa – ‘Mustaqbal Nabdoon Halkan Ayuu Ka Billaabanayaa - Jooji Ceebeynta – Ku Dhaqaaq Tallaabo’ – halkudhiggaas oo ku baaqaya in la qaado tallaabo calami ah si loo yareeyo ceebeynta ay la kulmaan dadka ka soo badbaaday walxaha qarxa.

Sanadkii 2005, Golaha Guud ee Qaramada Midoobay ayaa ku dhawaaqay in 4ta Abriil ee sanad walba la xuso Maalinta Caalamiga ah ee Wacyi-gelinta iyo Kaalmaynta ku aaddan Miino Saarista si kor loogu qaado wacyigelinta ku la xiriirta baahida loo qabo in la sii wado dadaallada la rabo in lagu kobciyo dhdibo-u-aasidda iyo horumarinta awoodaha qaran ee miino-saarista ee dalalka ay ka jirto halista weyn ee miinooyinka iyo walxaha qarxa ku leeyihiin dadka rayidka ah, islamarkaana caqabad ku ah horumarka bulshada iyo midka dhaqaale.