Muqdisho โ Iyadoo u dabaal-degaysa Maalinta Caalamiga ah ee Ciribtirka Isir-Takoorka, ayaa Qaramada Midoobay ee Soomaaliya waxay maanta mar kale xaqiijisay taageeradeeda iyo ka-goโnaansheheeda ku aaddan dhiirrigelinta sinnaanta, karaamada iyo ixtiraamka dadka oo dhan.
โTakoorka ku salaysan isirka ma aha mid soo-dhoweyn ku dhex leh bulshooyinka. Wuxuu wiiqaa nabadda, amniga, cadaaladda iyo horumarka bulsho. Waa xadgudub ka dhan ah xuquuqda aadanaha oo burburriya shakhsiyadda qofka, isla markaana kala dhantaala hab-tolnaanta bulsho ee umadeed, waana in aan dhammaanteen u midowno oo aan ka wada shaqeyno sidii loo ciribtiri lahaa,โ ayuu yiri Siihayaha Xafiiska Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, James Swan.
โMaalintan muhimka ah, waxaan ugu baaqaynaa qof walba inuu dib u milicsado qiimaha ay leeyihiin ixtiraamka iyo isku-duubnida si wax looga qabto cunsuriyadda nooc kasta oo ay tahay, isla markaana xoogga loo saaro waxyaabaha lagu guulaysan karo iyadoo loo marayo dadaalkeenna wadajirka ah ee aan ugu jirno abuurista bulshooyin uu qof walba ku naaloodo sinnaan iyo caddaalad,โ ayaa raaciyey.
Dalka Soomaaliya gudihiisa, Qaramada Midoobay waxay la shaqeysaa Dowladda Federaalka ah, ururrada bulshada rayidka ah iyo saaxiibbada caalamka si loo dhiirigeliyo xaqiijinta bulsho loo wada dhan yahay oo ixtiraam leh, taas oo qof kasta uu ku dhex barbaari karo, kuna dareemi karo nabadgelyo, isla markaana uu si xoriyad leh isu muujin karo, taas oo u hor-seedaysa in uu si macno leh gacan uga geysto guusha dalka.
Xuska sanadkan ayaa sidoo kale kusoo beegmaya sanad-guurada 60aad ee kasoo wareegtay markii la ansixiyay Axdiga Caalamiga ah ee Ciribtirka Dhammaan Noocyada Takoorka (ICERD), kaas oo weli dhagax-dhig u ah la dagaalanka caalamiga ah ee ka dhanka ah midab takoorka, iyo horumarinta sinnaanta โ kaas oo ay Soomaaliya ansixisay 1975kii
Maaddaama uu ka mid yahay heshiisyadii ugu horreeyay ee caalamiga ah ee asaaska u ah xuquuqda aadanaha ee QM, ICERD wuxuu horseeday horumarka mustaqbal ee xuquuqul insaanka. Sida ay uga goโan tahay ciribtirka takoorka iyo dhiirrigelinta sinnaanta, ayuu u kobcinayaa sare u qaadida is-faham caalami ah iyo midnimo ka madax banaan kala-sooca isirka.
Maalinta Caalamiga ah ee Ciribtirka Isir-Takoorka ayaa la xusaa sanad kasta, gaar ahaan maalintii booliska magaalada Sharpeville, ee Koonfur Afrika, ay rasaas huwiyeen, oo ay dileen 69 qofood oo si nabadgelyo ah u banaan-baxayay iyagoo kasoo horjeeday 'ansixintii sharciyadii midab takoorka' ee 1960kii.

