Mogadishu โ Munaasabadda Maalinta Caalamiga ah ee Haweenka awgeed, Qaramada Midoobay ee Soomaaliya waxay ugu hambalyeyneysaa haweenka Soomaaliyeed dadaalkooda joogtada ah iyo guulaha ay ka gaareen horumarinta ka-qaybgalka siyaasadda ee haweenka uga aaddan geeddi-socodka nabadda, xasilloonida siyaasadeed, iyo horumarka dalka.
โHaweenka Soomaaliyeed waxay si mug leh ugasii qaybqaadanayaan dadaallada nabadaynta iyo dib-u-heshiisiinta โ Waxaan ugu hambalyeynayaa guulaha ay ka gaareen horumarinta sinnaanta jinsiga iyo ka-qaybgalka buuxa ee haweenka ee dhammaan qaybaha nolosha," ayuu yiri Ku-Simaha Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, James Swan.
โSi kastaba ha ahaatee," ayuu raaciyay, "Haweenka Soomaaliyeed ayaa weli la kulmaya caqabado isku xiran iyo eex, taas oo adkeyneysa in la xaqiijiyo sinaanta jinsiga, waxaana ku boorrinayaa madaxda Soomaaliyeed inay qaadaan tillaabooyin degdeg ah oo go'aan ku qotoma si loo gaaro sinnaanta jinsiga.โ
alkudhegga sandkan ee Maalinta Caalamiga ah ee Haweenka waa โDardargelinta Waxqabadka.โ Halkudheggaasi wuxuu iftiiminayaa in,haddii lagusii socdo heerka xawaaraha ee horumarka hadda jira, ay qaadan doonto ilaa 2158ka โ qiyaastii shan fac hadda ka dib โ si loo gaaro sinnaanta jinsiga ee adduunka. Sidaas awgeed, waxaa jirta baahi degdeg ah oo loo qabo in wax laga qabto caqabadaha isku xiran iyo eexda ay la kulmaan haweenka.
Maalinta caalamiga ah ee Haweenka ayaa laga xusayay daafaha dunida tan iyo sanadkii 1975-kii markaas oo Qaramada Midoobay ay billowday xuska maalintan, si loogu dabaaldego guulaha bulsho, dhaqaale, dhaqan iyo siyaasadeed ee haweenka.

